Monday, 5 September 2011

CASHARKA 16AAD

Casharka 16aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DHIBAATOOYINKII QUREYSHI KU
HAYSEY RASUULKA SCW Qureysh markii ay intaas oo tallaabo ah
qaadeen, Nabi Maxammed SCW iyo
dacwadi islaamkana ay wax ka qaadi kari
waayeen oo maalinba maalinka ka
dambeeya ay sii xoogeysaneyso,
Nabigana SCW ay difaacayaan reerkuu ka dhashay ee reer binu Haashim oo Abii-
dhaalib u weyn yahay, ayey waxay
go'aansadeen iney Nabiga SCW ka
takhalusaan. Abii-jahal oo ahaa
hoggaamiyihii qureysh ayaa qureysh la
hadlay oo ku yiri: "waad u jeeddaan waxa uu Maxammed samaynayo, wuuna diidey
xal kale inuu arrintiisaa ku socdo
maahee, Abii-dhaalibna inuu wax ka
qabto wuu diiday, haddaba ilaah baan ku
dhaartaye haddaan arko Maxammed oo
tukanaya intaan dhagax soo qaato ayaan madaxa bujin oo ka takhalusin, markaa
qureyshey ama reer binu Haashim ii
dhiiba ama i difaaca", dadkii qureysh
waxay dheheen "waa ku difaacaynaa
abal-xakam". Abii-jahal maalin dambe ayuu arkay
Rasuulka SCW oo tukanaya markaasuu
dhagax soo qaatay oo ku soo dhaqaaqay
si uu u fuliyo go'aankiisii, sidii loo
dhowrayey inuu ficilkiisii fuliyo ayuu
gadaal gadaal u soo boodey, markaasaa la yaabay oo la yiri "maxaa kugu dhacay",
wuxuu yiri "waxaan arkay neef rati ah oo
weligey wax luquntiisa oo kale leh aanan
arag, anigana igu soo dhaqaaqay",
Rasuulka SCW wuxuu yiri "kaasi malaku
Jibriil buu ahaa, hadduu Abii-jahal ii soo dhowaan lahaana wuu dafi lahaa". Sidoo kale ninka la yiraahdo Cuqbata ibnu
abii Muceydh ayaa maalin arkay Rasuulka
oo kacbada ku tukanaya, markaasuu inta
mara soo qaatey luqunta ka geliyey oo ku
ceejiyey, markaasaa Abuubakar al-siddiiq
meeshii yimid oo ka qabtey kuna yiri "ma waxaad dileysaan nin yiri Rabbigey waa
Allaah", markaasey qureyshtii meesha
joogtey Abuubakar ku jeesteen oo rifeen.
Abuubakar waxaa meesha laga qaaday
isagoo tacbaan ah. Arrimahaas oo dhan waxay ku tusinayaan
in markey wax walba oo ay sameeyeen ku
joojin waayeen Ilaahay diintiisa afna wax
uga qaadi waayeen ay gacan ula tageen
Rasuulka SCW iyagoo ay ujeeddaddoodu
tahay iney dilaan Nabi Maxammed SCW oo ay joojiyaan Ilaahay diintiisa, Allese
waa diiday.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete