Casharka 1aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW NASABKII RASUULKA SCW Sida la wada ogsoon yahay nasabka
Rasuulka SCW ama abtirisiinyihiisu
wuxuu galaa nabiyullaahi Ismaaciil oo uu
dhalay nabi Ibraahim. Abtirsiinyada
nabiga SCW waxay u qaybsantaa saddex
qaybood: Qaybta u hooreysa marka nabiga SCW laga soo bilaabo waxay ku eg
tahay ilaa Cadnaa, waana qayb culimada
islaamka oo dhan ay isku waafaqsan
tahay isla markaasna la hubo sixadeeda;
Qaybta labaad oo iyaduna ka bilaabato
Cadnaan waxay ku eg tahay ilaa nabi Ismaaciil, hase yeeshee waa qayb ay
culimadu isku khilaafsan tahay sixadeeda
in badan oo culimada ka mid ihina way
ka gaabsadaan, qaar kalena way ka
hadlaan; Qaybta saddexaad oo ka
bilaabata nabi Ismaaciil ilaa laga gaaro nabi Aadan aad ayaay u adag tahay
xaqiijinteeda iyo sixadeeda waxana
wanaagsan in laga dhowrsada oo aan la
dhex dabaalan. Waxaan markaa soo qaadaneynaa qaybta
ugu horreysa ee ay culimada islaamku
isku waafaqsan yihiin dhabnimadeeda
hadday noqon lahaayeen kuwii hore iyo
kuwii dambeba, waxaana weeye sidatan: Maxammed binu Cabdullahi binu
Cabdimudhalib (Shaybah) binu Haashim
(Camar) binu Cabdimanaaf (Muqiira) binu
Qusayi (sayd) binu Kilaab binu Murra binu
Kacab binu Nadar (Qays) binu Kinaana
binu Khuseyma binu Mudrik (binu Ilyaas binu Mudar binu Nisaar binu Macad binu
Cadnaa. Rasuulka SCW jilibkiisa waxaa la oran
jirey reer binu Haashim, waxaana loogu
magac daray awoowgiisii labaad,
Haashim binu Cabdimanaaf. Haashim
wuxuu ahaa nin ka sheegganaa reer
Makka, wuxuu waraabin jirey xujeyda oo uu aabbihiis Cabdimanaaf ka dhaxlay,
sidoo kale wuxuu ahaa ninkii ugu
horreeyey ee jideeyey labadii safar ee
suuratul Quraysh sheegtay oo ay
qurayshtu u kala safri jirtay Shaam iyo
Yamaan. Haashim Wuxuu dhalay afar wiil oo kala
ahaa: Asad, Abu Seyfi, Nadla' iyo
Cabdimudhalib iyo shan gabdhood oo kala
ahaa: Sharaf, Khaalida, Daciifa, Ruqiya iyo
Junna. Waxaa sagaalkooda ugu yaraa
Cabdimudhalib oo ahaa nibiga SCW awowgiis. Cabdimudhalib siduu ku dhashay waxay
ahayd aabbihiis Haashim ayaa Safar ugu
kacay Shaam, wuxuuna sii maray Madiina
oo uu ku guursaday kulana aqalgalay
Salma bintu Camar. Haashim wuxuu sii
watay safarkiisii Shaam. Markuu Shaam tegey ayuu xanuunsaday, muddo
dabadeedna wuxuu ku geeriyooday
magaalo la yiraahdo Qusa oo Falastiin ku
taala. Salma, oo uur lahayd markuu
Haashim tegey, waxay dhashay wiil ay u
bixisay Sheyba. Haashim markuu dhintay waxa mas'uuliyaddii waraabinta xujeyda
qaaday walaalkiis Mudhalib. Mudhalib
markuu hawshaas muddo hayey ayuu
Madiina aaday si uu u soo wado wiilkii uu
walaalkiis Haashim ka tegey (Sheyba).
Markuu Madiina yimid ayuu Salma ka codsaday inay wiilka ku darto hase
yeeshee way u diidday, markaasuu ku yiri
"waxaan u dhiibayaa hawshii aabbihiis
iyo xaramkii Alle", sidaa ayeyna ugu
dartay. Mudhalib markuu Makka ku soo
noqday isagoo wiilkuu adeerka u ahaa wada, ayaa waxaa arkay dadkii Makka
joogey markaasey wiilkii u maleeyeen
addoon uu Mudhalib soo iibsaday sidaas
darteed ayey wiilkii ku dheheen
Cabdimudhalib (addoonkii Mudhalib),
markaasuu mudhalib ku yiri "war hooggiinee, waa wiilkii walaalkay
Haashim". Sidaas ayaa wiilkii Sheyba
ahaa kula baxay naaneystaas
Cabdimudhalib. Cabdimudhalib wuxuu dhalay toban wiil
iyo lix gabdhood, waxaana tobanka wiil
lakalal oran jiray: Xaarith, Subayr, Abuu
Dhaalib, Cadullahi, Safar, Cabbaas, Xamsa,
abuu Lahab, Qiyidaaq, Muqawim. Lixda
Gabdhoodna waxay kala ahaayeen: Safiya, Arwa, Ummu Xakiim, Bara'Caatika
iyo Ummayma. Cabdimudhalib wuxuu
noqday nin cajiib ah oo qureysh oo dhan
ka tilmaaman, wuxuu noqday odeygii
qureysheed sida lo ogsoon yahayna
wuxuu leeyahay qisooyin caan ah oo kala duwan, halkanna aynaan ku soo wada
koobi karin, waxaana ka mida ahaa
Duullaankii Abraha iyo Qodiddii
Samsamka, kuwaas oo isaga iyo
qureyshba Ilaahay ugu gargaaray.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete