Casharka 23aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DHIBAATADII REER DAA'IF Rasuulka SCW iyo asxaabtiisu markay
Makka dacwadii ka soo wadeen 10 sano,
juhdi nooc walba ahna ku bixiyeen,
shacabkii reer Makkana wax yar maahee
ay ka wada hor yimaaddeen islaamkii,
Nabiga SCW iyo asxaabtiisiina ay Makka ka noqdeen tuke cambaar leh, ayaa
Rasuulku SCW wuxuu ku dhaqaaqay
tallaabo kale oo ah in uu dacwadii
gaarsiiyo magaalooyinka kale ee Makka u
dhowaa oo laga yaabi karey iney
islaamka qaataan, taasoo ah arrinta had iyo jeer lagu yaqaanno qofka daaciga ah
inuusan quusan haddii irrid ka xiranto
irrid kale uu garaaco, haddii ay meel
dacwadii iyo xaqii diiddana ay meel kale
qaadato. Sidaa darteed Rasuulka SCW
wuxuu aaday Daa'if oo Makka u jirta 60 mayl isagoo uu la socdo seyd binu Xaarith
wuxuuna doonayey inuu dacwada
gaarsiiyo shacabka reer Daa'if. Rasuulka SCW intuu dhexda sii socday
qabiil kasta oo uu sii maro wuxuu ugu
yeerayey islaamka hase yeeshee cidna ma
ajiibin. Markuu gaaray magaaladii Daa'if
wuxuu ugu horreyntiiba u tegey madaxdii
reer Daa'if raggii ugu sarreeyey oo ahaa saddex nin oo walaala ahaa oo la kala
oran jirey Cabdiyaaliin, Mascuud iyo
Xabiib ilma Camar ibnu Cumeyr Al-thaqafi
ayey ahaayeen. Wuxuu Rasuulka SCW
saddexdaa nin u bandhigay dacwadii
islaamka hase yeeshee waxay noqdeen kuwo ka shar badan kuwii Makka,
wuxuuna ku jawaabay kii u horreeyey
"haddaad run sheegeyso oo Ilaah adiga
ku soo direy waxaan jeexjeexayaa
maryaha kacbada", kii labaadna wuxuu
yiri "Ilaahay ma waayey cid kale oo uu soo diro", kii saddexaad wuxuu isna yiri
"kuu jawaabi maayo haddaad run
sheegayso, maxaa yeelay Rasuul uma
jawaabi karo, haddaad Alle ku been
abuuranaysana ma mudnid in laguu
jawaabo". Rasuulka SCW markuu saddexdaa nin
jawaabohoodii arkay iyo ineysan xaqa
diyaar u ahayn ayuu dadkii u tegey oo
dacwadii u bandhigay uguna tegey qof
qof iyo koox koox waxayse noqdeen kuwo
ka dhib badan reer Makka waxayna is gaarsiiyeen inuu Makka ka yimid nin
waalan oo Maxammed la yiraahdo,
waxayna ku direen wax ma garatadii,
dumarkii, carruurtii iyo dadkii waalnaa.
Markuu Rasuulka SCW damcay inuu ka
baxo magaaladiina way daba galeen iyagoo ku orinaya oo dhagaxyeynaya ilaa
uu Nabiga SCW ka baxay Daa'if isagoo uu
dhiiggu ka tifqahayo lugihiisa oo
dhibaateysan. Markuu muddo sii socdey ayuu galay beer
dhexda ku taalley oo 3 mayl u jirtey Daa'if
oo ay lahaayeen Cutba ibnu abii Rabbiica
iyo walaalkiis Sheyba ibnu Rabbiica oo
odeyaashii Makka ka mid ahaa. Geed
ayuu Nabigu SCW hoos fariistay, Cutba iyo Sheyba markay arkeen Nabiga SCW oo
dhib aad u weyni ka muuqdo geedna hoos
fariistay ayey wiil nasraani (christian)
ahaa oo uu shaqeynayey magaciisana la
oran jirey Caddaas ugu dhiibeen xoogaa
canab ah oo ku dheheen "ninka geedkaas hoos fadhiya u gee". Rasuulka SCW markii
canbkii loo keenay ayuu ku bilaabay
BISMILLAH, wiilkii ayaa yaabay oo yiri
'waa kalimad aan halkaan laga aqoon",
markaasaa Rasuulka SCW ku yiri "xaggee
ka timid?", Caddaas ayaa yiri "waxaan ka imid Neynawi (magaalo shaam ku taal)",
markaasaa Rasuulku SCW ku yiri "waxaad
ka timid magaaladii ninkii saalixa ahaa
ee Yuunis ibnu Mataa". Caddaas intuu
yaabay ayuu yiri "sidee ku ogaatay?",
Nabiga SCW wuxuu yiri "waa walaalkay, isna waa Nabi, aniguna Nabi baan ahay'
markaasaa Caddaas Rasuulka SCW ku soo
boodey oo lugaha iyo gacmahaba ka
dhunkaday. Cutba iyo Sheyba oo
meeshoodii ka daawanayey ayaa
midkood kii kale ku yiri "Maxammed wiilkii waa kaa fasahaadiyey". Markuu
Caddaas iyagii u soo laabtay waxay ku
dheheen "war hooge maxaad
samaynaysey?" Caddaas wuxuu yiri
"ninkaas wax ka kheyr roon dhulka ma
joogo maxaa yeelay arrinkuu ii sheegay nin aan Nabi ahayni kama war hayo"
markaasay ku dhaheen "diintaadaa ka
wanaagsan diintiisee yuusan kaa jeedin". Intaas ka dib Rasuulka SCW meeshii ayuu
ka tegey isagoo dhinaca Makka u sii
luudaya, waxaa markaa Rasuulka SCW u
yimid malaku Jibriil oo ku yiri:
"Maxamedow, Alle waa la socdaa waxa
dhib ah ee ku soo gaaray iyo waxay dadkaasi kugu sameeyeen, wuxuuna Alle
kuuu soo direy malaggii Buuraha si aad u
amarto waxaad (qowmkaaga) ka
damacdo, malaggii buuraha doonto,
haddaad doonto waan ku gambin labada
buurood, (reer Makka), Rasuulku SCW markii amarkaas la siiyey wuxuu ku
jawaabay akhlaaqdiisii naxariista iyo
wanaagga badneyd wuxuuna yiri "iska
daaya hadday iyagu xaqii qaadan
waayeen waxaa la arkaa kuwo
dhabarkooda ku jira iney ilaahay caabudaan", sidii ayeyna noqotay oo in
badan oo iyaga ka mid ah ayaa aakhirkii
xaqii qaatay. Dabadeed Rasuulku Makka ayuu soo
aadey, markuu marayo Makka
duleedkeeda ayuu meeel fariistay isagoo
ka fekeraya siduu Makka ku geli lahaa,
maxaa yeelay odeyaashii qureysheed ma
aysan oggoleyn in Nabiga SCW ay dacwadiisu Makka dhaafto, sidaa darteed
haddii ay maqlaan in Nabiga SCW uu
Makka dhaafay oo reer Daa'if iyo
qabaa'ilkii baadiyaha u tegey arrintu way
qaraar tahay, sidaa darteed Rasuulka SCW
wuxuu u cid dirsaday oo uu magangelyo weydiistey Akhnas ibnu Subery hase
yeeshee wuxuu Akhnas yiri "waxaan ahay
xiliif, xiliifna wax ma magan geliyo", ka
dib Rasuulku wuxuu la xiriirey Suheyr ibnu
Camar oo uu magangal weydiistey hase
yeeshee Suheyr dib Rasuulka SCW wuxuu yiri "Bini Caamir wax kama magan
geliyaan bini Kacab". Markaa ka dib
Rasuulka SCW wuxuu la xiriirey Mudcim
ibnu Cadiyyi oo uu sidoo kale magangal
weydiistey, Mudcam wuu ka yeelay
wuxuuna qaatay hubkiisii, wiilashiisiina wuu hubeeyey, Rasuulkana wuxuu ku yiri
"soo gal", markuu Rasuulku soo galay oo
kacbada dawaafayey isaga iyo wiilashiisii
ayaa hareeraha ka istaagay ogeysiisna
wuu bixiyey oo wuxuu yiri "Maxammed
aniguu magantayda yahay", markaasaa Abii-jahal, oo siduu Rasuulku SCW
sheegayba ahaa fircoonkii ummaddaan,
aadna u necbaa inuu qof islaamo, ayaa
Mudcim ku yiri 'ma magan gelisay mise
waad raacday?". Mudcim wuxuu yiri
'maan raacine waan magan geliyey', markaasaa Abii-jahal yiri "waa yahay
ninkaad magan gelisey waa magan
gashan yahay. Rasuulka SCW wuu qiray Mudcim
abaalkaas uu u galay maalinkii Badarna
markuu qafaashay 70 gaalo ah wuxuu yiri
"hadduu Mudcim noolaan lahaa oo
kuwaan iga codsan lahaa waan u sii deyn
lahaa".
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete