Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 25AAD

USAAMA BINU ZEYD "Usaama aabihiis Rasuulka (scw) wuu ka jeclaa adiga aabahaa, isaga ayuu adigana kaa jecel yahay Rasuulka" Hadalkii Cumar uu ku yiri wiilkiisa (25) Waa sannadkii lixaad ee hijriyada kahor.
Goobtuna waa magaallada Makka. Wuxuu
Rasuulka (scw) ka sheeganayay
dhibaatooyinkii iyo hagardaamooyinkii
kaga imaanayay gaallada qureysh isaga
iyo asxaabtiisa, isagoo uu Rasuulkuna (scw) waqtigaas ku howlanaa gaarsiinta
iyo fidinta dacwada islaamka. Dhalasho farxad leh Rasuulka (scw) oo ku sugan xaaladdaas,
ayaa waxaa soo gaaray war ka farxiyay.
Waxaa u yimid qofkii ku bishaareenayay
inay Ummu Ayman ay dhashay wiil.
Dhalashada wiilkaas ayaa waxaa si aad
leh ugu farxay Rasuulka (scw), iyadoo ay wejigiisana ay si weyn u hareereesay
farxaddaas. Taloow yuu noqon doonaa
wiilkaas nasiibka badan ee uu
dhalashadiisa ku farxay Rasuulka (scw)?
Haddaba, aqristow wiilkaas waa
saxaabiga aan soo bandhigayno sheekadiisa. Waa saxaabiga la yiraahdo
Usaama Binu Zeyd ee loogu magac dari
jiray "kii uu jeclaa Rasuulka (scw)". Asxaabta lama aynan la yaabin sirta ka
danbeysa ee keentay inuu Rasuulku (scw)
ku farxo dhalashadii Usaama Binu Zeyd.
Maxaa yeelay waxay ogaayeen xiriirka
qotada dheer ee uu Rasuulka (scw) la
wadaagay waalidka Usaama. Usaama hooyadiis waxaa la yiraahdaa Barakatu
Al-Xabasha looguna kunyoodo "Ummu
Ayman". Ummu Ayman waxay addoon u
ahayd Aamina Bintu Wahab oo ahayd
Rasuulka (scw) hooyadiis. Kolkii ay
dhimmatayna hooyadiis waxaa Rasuulka (scw) barbaariyay Ummu ayman, iyadoo
wanaajisay xanaanaynta Rasuulka (scw). Jaceylkii Rasuulka (scw) ee
Usaama Sidaa darteed, qaddarin iyo maamuus
aad u weyn ayuu Rasuulka (scw) u hayay
Ummu Ayman. Aad iyo aad ayuu u jeclaa.
Wuxuu u ixtiraami jiray sida inay dhashay
oo kale oo ay tahay hooyadiis. Wuxuu
Rasuulka (scw) inta badan oran jiray hadal macnihiisu ahaa " Ummu Ayman
waa hooyaday marka laga reebo
hooyaday kadib, waxay ka hartay ahlu-
baytkayga". Waa taa hooyadii sharafta
badneyd ee dhashay wiilkii nasiibka
badnaa ee uu sida weyn ugu farxay dhalashadiisa. Haddaba, haddaan ogaannay Usaama
hooyadiis, waxaa misna habboon inaan
baranno aabihii Usaama. Waa saxaabigii
sidoo kale uu aadka u jeclaa Rasuulka
(scw) ee la oran jiray Zeyd Binu Xaaritha,
sidoo kalena aabihiis loogu magac dari jiray magaca Rasuulka (scw) kahor
intuusan iman islaamka. Dhinaca kale,
Zeyd wuxuu ka mid ahaa xog-hayeenadii
Rasuulka (scw) ee uu sirahiisa ku qarsan
jiray, sidoo kalena ku soo barbaaray
gurigii Rasuulka (scw). Sharaf iyo wanaag waxaa Zeyd ugu filan in magaciisa lagu
xusay qur'aanka kariimka ah, iyadoo
muslim kasta oo aqriya qur'aanka xusayo
magaciisa, isla mar ahaantaasna ajar iyo
xasanaad ka helayo xuska iyo
sheegitaanka magaciisa. Saan horey u sheegnay, guud ahaan
asxaabta Rasuulka (scw) waxay ku
farxeen bishaaradii dhalashada Usaama
Binu Zeyd farxad aynan sidiisoo kale ayan
horey ugu farxin. Maxaa yeelay,
tarbiyaddii ay ka qaateen Rasuulka (scw) ayaa tilmaamaysay inay ku farxaan
dhammaan wixii farax geliya Rasuulka
(scw), sidoo kalena ay dhibsadaan wuxuu
dhibsado. Asxaabtii waxay ugu magac
dareen Usaama magacan "wiilkii la jeclaa
ee uu dhalay kii isna la jeclaa". Bixinta magacaas kama aynan ahayn asxaabta
mid ay macno la'aan ay isaga yiraahdeen,
ee waxay u yiraahdeen maadaama uu
jeclaaday Rasuulka (scw) sidaa si la mid
ahna uu u jeclaa aabihiis Zeyd Binu
Xaaritha ayeey magacaas ugu doorteen. Saxaabiga ugu da'da yar Ilaahay ha ka raalli noqdee, wuxuu
Usaama Binu Zeyd ka mid ahaa
dhalinyaradii asxaabta ugu da'da yaraa,
waxayna isku da' ahaayeen wiilkii uu
awoowga u ahaa Rasuulka (scw) ee la
oran jiray Xasan ayna dhashay Faatima Bintu Rasuulillaah. Xasan Binu Cali wuu
caddaa, muuqaal qurxoona wuu lahaa,
wuxuuna aad ugu ekaa awoowgiis
Rasuulka (scw). Hase ahaatee, Usaama
maadaama ay hooyadiis ka soo jeedday
Xabasha (afrika) wuxuu lahaa midab maariin, lehna san weyn, wuxuuna aad
ugu ekaa hooyadiis Ummu Ayman. Inkastoo ay saas kala ahaayeen, haddana
Rasuulku (scw) dhinaca kalgacaylka iyo
jacaylka kuma kala sooci jirin labada wiil.
Rasuulka (scw) wuxuu labadiisa gacmood
mid uu ku qaban jiray Usaama,
markaasuu wuxuu saari jiray mid ka mid ah booddadiisa, halka gacanta kalena uu
ku qaban jiray Xasan markaasuu isna
wuxuu ku fariisan jiray booddada kale,
markaasuu si wadajir ah u dhunkan jiray
isagoo labadooda u duceenaya oo leh
"Ilaahayoow waan jeclaaday ee adigana jecloow". Jacaylkii weynaa ee uu Rasuulka (scw) u
qabay Usaama Binu Zeyd waxay gaartay
inuu maalin maalmaha ka mid ah uu
arkay Usaama oo yimid albaabkii guriga
Rasuulka, markaasna uu wejigiisa
dhaawac ka soo gaaray, uuna dhiig ka daadanayo. Wuxuu Rasuulka (scw) u
baaqay xaaskiisa Caa'isha inay ka tirtirto
ama ka masaxdo dhiigii ka socday
wejigiisa, hase ahaatee ma aynan
jeclaysan Caa'isha inay samayso. Rasuulka
(scw) ayaa intuu istaagay ka masaxay oo ka tirtiray dhiigii ka socday Usaama,
isagoo ku oranayayna hadallo naxariis leh
oo uu ku dejinayay wiilkan yar ee
dhaawaca soo gaaray. Rasuulka (scw) siduu u jeclaa Usaama
yaraantiisa, ayuu misna u jeclaa markii
uu noqday dhalinyaro. Mid ka mid ah
madaxda qureysh oo lagu magacaabi jiray
Xakam Binu Xizaam ayaa u soo
hadiyeeyay Rasuulka (scw) xariir aad qaali u ah oo uu ka soo gatay Yeman.
Rasuulka (scw) ma uusan qaadan
haddiyaddii. Hal mar ayuu gashaday,
waxayna ahayd maalin jumco ah,
dabadeedna wuxuu siiyay xariirtii
Usaama, isagoo ku xaragoonaya uuna la socdo dhalinyaradii muhaajiriinta iyo
ansaarta ayuu magaallada kula wareegi
jiray. Usaama markii uu qaangaaray
waxaa ka soo muuqatay sifooyinkii
suubbanaa ee keentay inuu muteysto in
loogu magac daro "kii uu jeclaa Rasuulka (scw)". Usaama Binu Zeyd Ilaahay ha ka
raalli noqdee wuxuu lahaa caqli
qoto dheer, geesinimo xad-dhaaf
ah, xikmad uu ku kala miisaamo
ummuuraha, dhowrsanaan oo aan
aqbalin dulliga iyo daciifnimada, dadka soo jiita ayna dadka jecel
yihiin, Alle ka cabsi badan oo ku
dadaala xalaasha aadna u jecel
Allihiisa. Maalintii dagaalkii Uxud Usaama oo
ay la socdaan qaar ka mid ah
dhalinyarada asxaabta ayaa waxay
u yimaadeen Rasuulka (scw),
iyagoo markaas doonaya in loo
fasaxo inay ka qayb galaan jihaadka. Rasuulka (scw) wuxuu
dhalinyaradii ka qaatay qaar ka
mid ah, halka kii aan qaan-
gaarinna uu ka reebay ka qayb
qaadashada jihaadka. Kuwii la soo celiyay
waxaa ku jiray Usaama Binu Zeyd, wuxuu soo laabtay, isagoo labadiisa indhood ay
ka burqanayaan ilmo badan, murugada
uu ka naxay inuusan ka qayb gelin
jihaadka. Dagaalkii ugu horeeyay uu ka
qaybgalo Usaama Markii la gaaray maalintii dagaalka
Khandaq ama Axzaab, waxaa sidoo kale
markale u yimid Rasuulka (scw) Usaama
oo ay la socdaan qaar ka mid ah
dhalinyarada asxaabta. Usaama ayaa si
kor ahaan u qooraansaday, bal si loogu oggolaado inuu ka qayb galo jihaadka.
Rasuulka (scw) ayaa u dabcay isaga,
dabadeedna wuxuu u oggolaaday inuu ka
qayb galo jihaadka. Isagoo shan iyo toban
jir ah ayuu qaatay seefta isagoo jidka Alle
ku duullaya. Maalintii dagaalkii Xuneen, waa
dagaalkii lagu jebiyay muslimiinta waxaa
sugnaaday Usaama Binu Zeyd oo uu la
socdo Cabbaas Binu Cabdil-Mudhalib oo
ahaa Rasuulka (scw) adeerkiis iyo Abii
Sufyaan Binu Xaaritha iyo lix kale oo ka mid ahaa asxaabta kuwooda ugu
sharafta badnaa. Wuxuu Rasuulka (scw)
awooday isagoo wata ciidankan tirada
yar ee rumeysan Rabbigooda inay jabkii
muslimiinta ay u rogaan gargaar iyo guul,
iyo inay muslimiintii cararay ka badbaadiyaan dhagarta kaga iman gartay
mushrikiinta. Markii la soo gaaray maalintii dagaalkii
Mu'ta waxaa sidoo kale dagaalamay
Usaama Binu Zeyd isagoo garab socda
calankii uu siday aabihiis oo ka mid ahaa
hoggaamiyayaashii dagaalkaas ee ka
koobnaa saddexda nin. Markaan uu Usaama dagaalamayo da'diisu ma gaarin
18 jir. Wuxuu si fool-ka-fool ah u arkay
dilkii aabihiis oo ku shahiiday dagaalkii
Mu'ta. Hase ahaatee ma laciifin oo ma
niyad jabin, balse wuxuu sii ballaariyay
dagaalkii uu waday isagoo hoos socday calankii uu siday Jacfar Binu Abii Daalib
oo ahaa Rasuulka (scw) ina adeerkiis,
jeer isna laga dilo oo uu sidaas ku
shahiido. Sidoo kale, wuxuu garab
istaagnaa hoggaamiyihii isla ciidankaas
ee saddexaad ee Cabdillaahi Binu Rawaaxa jeer isna laga dilo oo uu
dagaalka ku shahiido. Usaama Binu Zeyd wuxuu ku soo laabtay
magaallada Madiina, halka aabihiisna uu
ku shahiiday dagaalka. Markii uu soo
galayay magaallada wuxuu Usaama
saarnaa faraskii uu aabihiis saarnaa
markii la dilayay. Hoggaamiye ciidan Sannadkii 11-aad ee hijriyada, wuxuu
Rasuulka (scw) amar ku bixiyay in ciidan
loo diyaariyo ciidankii roomaanka ee
hoggaaminayay Hiraqle, wuxuuna
ciidankaas ku daray saxaabada
odayaashooda sida Abuubakar, Cumar, Sacad Binu Abii Waqaas, Abuu Cubeyda
Binu Al-Jarraax iyo saxaabo kale oo fara
badan. Wuxuu Rasuulka (scw) ciidankaas
madax uga dhigay wiilkii xikmadda iyo
caqliga badnaa ee Usaama Binu Zeyd,
xilligaas iyada ahna da'diisu ma aynan dhaafin 20 jir. Ciidankii oo ku jira is diyaarinta, ayaa
waxaa xanuunsaday Rasuulka (scw),
wuuna sii kordhay xanuunkii iyo cudurkii
Rasuulka (scw) hayay. Sidaa darteed,
ciidankii muslimiinta waxay dib u
dhigeen duullimaadkii ciidanka, iyagoo doonayay inay ka war-dhooraan xaaladda
uu ku danbeyn doonno Rasuulka (scw).
Usaama wuxuu yiri "markii uu xanuunkii
ku sii siyaaday Rasuulka (scw) waxaan u
imid Rasuulka (scw), dadkuna way i soo
raaceen. Markaan u soo galay, waxaan oggaaday inuu aamusay oo uusan hadli
karin, xanuunka daran haya awgeed.
Gacantiisa ayuu xagga samada kor ugu
qaaday, markaasuu haddana anniga
dusheyda saaray, waan gartay inuu ii
duceenayo". Wax yar kamaba soo wareegan jeer uu
markii danbe Rasuulka (scw) ka
geeriyoodo, waxayna muslimiinta intaa
kadib khilaafada u doorteen Abuubakar,
dabadeedna howshii ugu horeysay ee
lagu dhaqaaqo dowladdii Abuubakar waxay noqotay aaskii Rasuulka (scw) iyo
inuu fuliyo amarkii Rasuulka (scw) ee
ahaa in la diro ciidankii Usaama. Hase
ahaatee, koox ka mid ah ansaarta ayaa
waxay soo jeediyeen in dib loo dhigo
arrinta ciidanka, waxayna ka codsadeen Cumar Binu Al-Khadaab inuu bal la hadlo
Abuubakar, iyagoo ku yiri "haddii uu
diido waxaan ka ahayn in ciidanka la
diro, waxaad naga gaarsiisaa inuu talada
ciidanka noogu dhiibo nin ka da' weyn
Usaama". Kolkii ay gaartay Abuubakar dhambaalkii
uu siday Cumar ee ay soo jeediyeen koox
ka mid ah ansaarta waxaa si aad leh uga
carooday arrintaas Abuubakar. Fadhigii
uu fadhiyay ayuu ka kacay markuu maqlay
hadalkaas, kadibna wuxuu si caro leh u qabtay garkii Cumar Binu Khadaab isagoo
ku yiri "hooyadaa ku weysay Cumaroow...,
waxaa Usaama madax u doortay Rasuulka
(scw) adigana waxaad i faraysaa inaan
ka qaado jagadaas?! Wallaahi ayaan ku
dhaartay inay dhacaynin taasi". Cumar markii uu ku soo laabtay nimankii u soo
dhiibtay dhambaalkaas, waxay
weydiiyeen wixii uu la kulmay, wuxuuna
ku yiri "iska taga oo baxa hooyadiin idin
weysaye, anniga unbaa og wixii idinka
dartiin aan kala kulmay khaliifkii Rasuulka (scw)". Ciidamadii uu hoggaaminayay wiilkii
dhalinyarada ahaa waxay billaabeen inay
anbabaxaan. Waxaa ciidankii sogeetiyay
khaliifkii Rasuulka (scw) oo dhulka socdo,
iyo Usaama oo saaran awrkiisa. Usaama
ayaa ku yiri Abuubakar "khaliifkii Rasuulka Allow waxaan ku dhaaranayaa
inaad halkan fuulayso annigana aan soo
deggayo". Abuubakar ayaa ku yiri
"wallaahi inaadan soo deggayn, annigana
aan koreynin.., ", kadibna sidii ayuu
Abuubakar u sogootiyay ciidankii Usaama, isagoo u dardaarmay inuu fuliyo
dardaarankii Rasuulka (scw). Dhinaca
kale, wuxuu Abuubakar ka codsaday
Usaama inuu Cumar u fasaxo inuu isaga
la joogo, wuuna u fasaxay Usaama. Waa
tusaale aad u wanaagsan oo aan ka baranayno ardaydii ka soo baxay
madaaristii iyo hanuunkii Rasuulka (scw).
Waa khaliifkii ama madaxweynihii
muslimiinta ninka sidaas leh. Guullo waaweyn Ciidankii uu hoggaaminayay Usaama Binu
Zeyd ayaa sidii ku kicitimay, wuxuuna
Usaama fuliyay dardaarankii uu faray
Rasuulka (scw). Fardihii muslimiinta ay
wateen waxay jaxaabeen ama ay cagta
mariyeen magaalooyinka Balqaa ee ka tirsanaa falastiin iyo sidoo kale qalcada
lagu magacaabo Al-daaruumi oo iyadana
ka tirsan falastiin. Ciidankii Usaama
waxay cabsi weyn ku abuureen
ciidamadii roomaanka ee waqtigaas ka
talinayay dhulka Shaam ee sidaan sheegnay uu madaxa u ahaa Hiraqle,
iyagoo waddada u xaaray sidii ay u furan
lahaayeen magaalooyinka kale ee ku
yaalay Shaam iyo Masar iyo waqooyiga
Afrika ilaa laga soo gaaro badweynta
hadda loo yaqaano badweynta atlantic- ada. Ilaahay ha u naxariistee Usaama Binu
Zeyd wixii intaa ka danbeeyay wuxuu soo
laabtay isagoo saaran faraskii uu lahaa
aabihiis kadib markuu ku shahiiday
dagaalkii Mu'ta, isagoo sidana markaas
qanaa'imtii ama hantidii faraha badnayd ee ay intay muslimiintii fara badnideeda
la yaabeen yiraahdeen "lama arag ciidan
ka nabad gashoon kana hanti badnaa
ciidankii uu hoggaaminayay Usaama".
Dhammaan muslimiintii ayaa qaddarin
iyo maamuus weyn u hayay Usaama intuu noolaa oo dhan, isagoo lagu ammaanayay
siduu u fuliyay ballamihii uu la galay
Rasuulka (scw) iyo awooddii
shakhsiyadeed ee uu lahaa. Dhacdo uusan Usaama
weligiis hilmaamin Inkastoo wacdarooyin fara badan uu
wiilkii dhalinyarada ahaa ka muujiyay
duulimaadyo badan oo uu muslimiinta
kala qayb taaya dagaallo kala duwan,
haddana waxaa dagaalladaas ku jiray
mid uusan hilmaamin ama iloobin intuu dunida saarnaa oo dhan. Waxay ahayd
labo sanno kahor intaanan la oofsan
Rasuulka (scw). Wuxuu Rasuulka (scw)
diray koox ilaalo ah oo gacanta ku soo
dhigta gaallada kuwooda sida daran
dhibaatada ugu hayay islaamka iyo muslimiinta. Kooxdaas ilaallada ahayd
waxaa madax looga dhigay Usaama. Waa
markii ugu horeysay ee uu Usaama
hoggaamiye loogu dirto koox ciidan ah.
Kooxdii ilaallada ahayd howshoodii
waxay ku soo gabagabootay guul, guushaasna waxaa si weyn ugu farxay
Rasuulka (scw). Bal Usaama laf ahaantiisa
aan ka dhagaysano wixii uu dagaalkaas
kala kulmay maalintaas. Usaama wuxuu yiri: "waxaan u imid
Rasuulka (scw) annigoo ugu
bishaareenaya guushii aan helnay.
Rasuulka (scw) wejigiisa waxaa ka
soo muuqday farxad weyn, wuu ii
soo dhowaaday, wuxuuna igu yiri bal ii waran. Waxaan billaabay
inaan uga sheekeeyo siduu
dagaalka u dhacay. Waxaan u
sheegay markii ciidanka gaallada ay
jabeen inaan gacanta ku dhigay nin
ka mid ah iyaga, markaan warankii aan watay aan damcay inaan ku dilo
ayuu yiri Laa Ilaaha Illallaah, hase
ahaatee kama aanan dhageysan oo
waan dilay. Markaan intaas iri,
waxaa markiiba doorsoontay wejigii
Xabiibka Rasuulka (scw), wuxuuna igu yiri maxaa kugu dhacay Usaama..!,
maxaad ku oran doontaa Laa Ilaaha
Illallaah??. Dhowr jeer ayuu hadalkaas ku
soo celceliyay Rasuulka (scw) jeer aan ka
jeclaado inaan diinta islaamka hadda
koow ka soo billaabo, waxaana ballan ku galay inaan wixii hadda ka danbeeya
aanan la dagaalamin qofkii ku dhawaaqa
shahaadada ee yiraahda Laa Ilaaha
Illallaah kadib markaan sidaas Rasuulka
(scw) ka maqlay". Falkaas waxay Usaama u noqotay dersi
uusan weligiis hilmaamin, taasoo
tilmaamaysa caddaaladda iyo
insaaniyadda Rasuulka (scw). Xitaa qofkii
gaalka ahaa ee laga yaabayay inuu
oraahdaas naftiisa ku badbaadinayay wuu diiday Rasuulka (scw) in la dilo kadib
markii uu ku dhawaaqay shahaadada.
Waa dhab inuu Usaama dhacdadaas ka
qaatay dersi aad u weyn. Xilligii ay
dhacday fidnadii dhexmartay Cali Binu
Abii Dhaalib oo ay taageerayaashiisa weheliyaan iyo Mucaawiye oo isna ay
weheliyaan taageerayaashiisa, waxaan
og nahay inuu Usaama dhexdhexaad ka
ahaa labadaas kooxood. Inkastoo Usama ay ula muuqatay inuu
xaqa la jiro Cali, haddana wuxuusan
marna ku dhicin inuu seeftiisa ula baxo
qof muslim ah oo rumeeyay Alle iyo
rusushiisa. Qaar ka mid ah asxaabtiisa
ayaa u yimid, iyagoo ku boorinaya inuu iyaga la safto, hadalladii cad-caddaa ee
uu ku yiri waxaa ka mid ahaa "annigu la
dagaallami maayo qof yiri Laa Ilaaha
Illallaah". Mid ka mid ah nimankaas ayaa
ku yiri "soow Alle ma oran: la dagaallama
jeer aan laga helin gaalnimo (fidno) una ahaato diintu dhammaan Eebbe (sw).."
aayadda 39 suuradda Al-anfaal. Usaama
wuxuu ugu jawaabay "kuwaas laga
hadlayay waa mushrikiinta, waana la
dagaallanay jeer laga waayay fidno,
diintuna dhammaan ay u sugnaatay Eebbe (sw)". Mushaar dheeri ah Dowladdii khilaafada Cumar, wuxuu
Cumar uga qoray Usaama bankiga dhexe
ee muslimiinta mushaar ka badan intii uu
qaadanayay wiilkii uu dhalay Cumar ee la
oranayay Cabdullaahi, isagoo Cabdullaahi
arrintaas ka biyo-diiddanna wuxuu aabihiis ku yiri " aabe, waxaad Usaama u
qortay lacag gaaraysa 4000, halka aad
annigana iga siisay 3000, mana arki waxa
uu aabihiis uu adiga ku dheer yahay,
dhinaca kalena isaga (Usaama) laf
ahaantiisa wuxuu i dheer yahay ma jiraan". Cumar ayaa wiilkiisa ku yiri
"waxaad sheegtay waa kaaf-iyo-kala-
dheeri, Rasuulka (scw) Usaama aabihiis
ayuu ka jeclaa adiga aabahaa, isna
(Usaama) ayuu Rasuulka (scw) adiga kaa
jeclaa". Markii uu hadalkaas maqlay Cabdullaahi wuu ku qancay hadalkii uu
aabihiis ku yiri, isagoo ku raalli noqdayna
qaybtii looga qoondeeyay bankiga dhexe
ee muslimiinta. Maamuuskii Cumar ee Usaama Cumar Binu Khadaab Ilaah ha ka raalli
noqdee si goonni ah ayuu maamuusi jiray
Usaama. Kolkii uu la kulmo wuxuu ku
oran jiray "soo dhawoow amiirkaygow",
markii uu arko qof la yaabaya
hadalkaasna wuxuu ku oran jiray "waxaa amiir iigu dooray Rasuulka (scw)."
Sannadkii 54-aad ee hijriyada wuxuu
Usaama isagoo aad ugu hilowsan ugu
dheelmaday la kulanka Eebbe (sw),
sidaasna ayuu ku geeriyooday. Ugu danbeyntii, waxaan Ilaah ka
baryaynaa inuu u naxariisto kana raalli
noqdo Usaama Binu Zeyd, taariikhda
islaamka way ku yareyd in la helo qof
kulansaday sifooyinkii suubbanaa ee uu
lahaa Usaama Binu Zeyd.

2 comments:

  1. Arinta ma aha fidnadii dhexmartay Cali Binu
    Abii Dhaalib oo ay taageerayaashiisa weheliyaan iyo Mucaawiye oo isna ay
    weheliyaan taageerayaashiisa.
    Sunnaada waxaan aqoonsannahay inuu amiir ahaa hiligaas Cali Binu Abii Dhaalib Khaliifada 4aadna ahaa lakiin Mucaawiye kana horyimid asagoo xadarro ku socday nabigana sii sheegay iuu cali xaq ku socdo qofkii kahoyimaadana gardaran yahay Nabigana sii sheegay uuna yiri
    حد يث الخلافة بعد ثلاثون سنه فما بعدها فملك عضوض
    Mucaawiyana qirtay inuu noqday انا اول ملك عضوض asagoo xadiiskana ka maqlay nabiga.Mucaawiye wiilkiisana uu ku soo dalbay dhowrkun oo ciidan asaga si loogu keeno madaxa Xuseen dalbaday qoorta ka gooyey Xuseen Bin Cali oo ahaa Nabiga riixanadiisa aad iyo aadna u jeclaa laguna maga caabay shabaab ahlu Jannah
    sidaas darteed Walaal waad ku mahadsantahay qoraalkaaga lakiin Mucaawiye ma aqoonsanin waxaan noo qoran taariikhda Khaliifkii 4aad Illaah wajigiisa hakarameeyo Amiir Cali Bin Abii Dhaalib.

    ReplyDelete
  2. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete