Casharka 26aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW SOO ISLAAMIDDII REER MADIINA Dadkii uu Rasuulka SCW kula kulmay
mawaasimtii xajka ee uu dacwada
gaarsiinayey: waxaa ka mid ahaa lix nin
oo reer Madiina ah oo u yimid xaj, lixdaas
oo kala ahaa: Ascad binu Suraarah, Cawf
binu Xaarith, Raaafic binu Maalik, Qudba binu Caamir, Cuqbah binu Caamir, iyo
Jaabir binu Cabdullaahi binu Ri'ab. Siduu
kula kulmayna waxay ahayd habeen
Nebiga SCW iyo Abuubakar oo ku
wareegaya dadka xajka u yimid oo
dacwada gaarsiinaya siduu Nabigu xajwalba samyn jiray, ayuu yiri:
Kuwamaad tihiin? waxay dheheen koox
reer Khasraj ah ayaan nahay. Wuxuu yiri:
waalidii Yahuudba? Waxay dheheen haa.
Wuxuu yiri: maad fariisataan aan idinla
hadlee? Waxay dheheen waa yahay. Markaas Rasuulku SCW u bandhigay
islaamka, wayna qaateen; waxayna ku
laabteen Madiina, wuxuuna waqtigaasi
ahaa sannadkii 11aad laga soo bilaabo
soo diriddii Rasuulka SCW. Sidaa la ogsoon yahay magaalada Madiina
waxaa wada degganaa laba qabiil oo
carab ah iyo saddex qabiil oo yahuud ah.
Yahuuddu waxay rumeysneyd diintii Nabi
Muuse oo waxay ahaayeen Ehlu-Kitaab;
carabtuna waxay ahaayeen mushrikiin asnaamta caabuda oo aan diin heysan,
marar badanna wixii mas'alo diin ah oo
ay qabaan waxay weydiin jireen
yahuudda. Yahuuddu waxay carabta ugu
faani jirtey in uu imaan doono Nabi
diintoodu sheegtay oo aakhiru-semaanka imaan doono oo ay rumeyn doonaan
iyagu (yahuuddu) lana dagaallami doono
iyaga (Carabta). Sidaa daraaddeed lixdaa
nin markay Rasuulka SCW arkeenba hore
ayey ka islaameen, waxayna
xaqiiqsadeen inuu yahay Nabigii ay yahuuddu sheegi jirtay. Ka dibna waxay
ku laabteen Madiina iyagoo Ducaad ah,
waxayna ku faafiyeen Madiina dacwadii
islaamka
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete