Monday, 5 September 2011

CASHARKA 30AAD

Casharka 30aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW HIJRADII RASUULKA SCW Markuu Rasuulku SCW amray in loo
hijroodo Madiina oo noqotay daartii
islaamka loona hijrooday oo asxaabtii qof
kasta siduu ku bixi lahaa ku baxay,
loogana dhammaaday Makka laba bilood
gudohood, laga soo bilaabo beycadii Caqaba 2aad oo ahayd bishii Dul-xija
sannadkii 13aad ee soo diriddii Rasuulka
SCW ilaa bishii Safar sannadkii 14aad ee
soo diriddii Rasuulka SCW, ahaydna bishii
2aad ee sannadkii 1aad ee hijriga,
uusanna Rasuulku SCW weli hijroon isaga, Abuubakar iyo Cali, ayaa odeyaashii
qureysheed waxay ogaadeen in asxaabtii
Rasuulka SCW ka wada bexeen Makka oo
Madiina isku urursadeen, reer Madiinana
ay soo dhoweeyeen oo ay raaceen
Rasuulka SCW, isagana la filayo inuu u tago, haddii uu u tagana ay arrintu khatar
ku sugan tahay, oo ay suurtowdo in dad
badani raacaan oo uu xoogeysto ka dibna
uu Makka ku soo duulo, waxay markaa
qabteen shir ay ka soo qayb galeen
odeyaashii qabiillada qureysh oo dhan, reer binu Cabdimanaaf oo Rasuulku SCW
ka dhashay maahane. Shirkaas, oo
ajendahalagu falanqeynayey ahaa
go'aankii kama dambaysta ahaa ee laga
qaadam lahaa Rasuulka SCW, waxa la
qabtay 26kii Safar sannadki 1aad ee hijriga (sannadkii 14aad ee soo diridda
Rasuulka SCW). Waxaa shirkaas lagu qabtay daartii la
oran jirey Daaru-Nadwa (ooahayd gurigii
baarlamaanka qureysh ku shiri jirey).
Hoggaamiyayaashii Qureysheed ee halkaa
isugu tegey waxaa ka mid ahaa: Abii
Jahal ibnu Hishaam Jubey Ibnu Mudhcim, Ducayna ibnu Cadiyi, Xaarith Ibnu Caamir,
Sheyba ibnu abii Rabbiica, Cutba ibnu abii
Rabbiica, Abuu Sufyaan ibnu Xarbin, Ubay
ibnu Khalaf, iyo Ummaya ibnu Khalaf,
Nadar Ibnu Xaarith, Abul Bakhtari Binu
Hishaam, Samca binu aswad, Xakiim Ibnu Xisaam, Nabiith Ibnu Xajaj, iyo walaalkiis
Munabih Ibnu Xajaaj. Markii shirkii waqtigiisii la gaaray oo uu
bilaabmay ayaa waxaa soo galay
sheydaan iska soo dhigay nin oday ah.
Markaas ayay dheheen "waa kuma
ninkaan odeyga ha?", markaasuu intuu
hadlay yiri "waxaan ahay nin oday ah oo dhinaca Najdi ka yimid, waxaanna
maqlay shirka iyo meesha aad ku
ballaanteen, waxaan ahay nin ra'yi u
saaxiib ah, marka waan idin
dhegaysanayaa waxaa la arkaa inaan
ra'yi idinku biiriyo". "waa yahay" ayaa loogu jawaabay. Waxaa bilaabmay shirkii oo waxaa la yiri
"waxaanu maanta isug nimid
mushkilaaddaan khatarta ah ee uu wado
Maxammed, welina dhexdeenna ayuu
jooga, haddaba sidee baanu ka yeelnaa?".
Waxaa hadlay nin la oran jirey Abuu Aswad wuxuuna yiri "aan musaafirinno
oo ka fageyno waddankeenna, ka dibna
aan isku duubnideenna iyo wada
jirkeenna xojinno mar hadduu
tafaraaruqiisu naga baxo". Odeygii lahaa
Najdi ayaan ka imid (sheydaan) ayaa hadlay oo yiri "maya, Ilaah baan ku
dhaartaye miyeydaan arag ninka
faseexaddiisa, codkarnimadiisa iyo sida
hadalkiisa loola dhacayo. Ma aamin baad
ka noqoteen in qabiil ka mid ah
qabiillada carbeed uu raaco oo uu hadhow idinku soo duulo, beledkiinnana
qabsado. Ra'yi kale keena kaasi ra'yi
maahane". Waxaa ku xigsaday oo hadlay
Abii Bakhtari wuxuuna yiri: "waa inaanu
xabsi ku ridnaa oo uu halkaas noogu jiraa
ilaa uu ka dhinto. Sidii gabayahanadii isaga ka horreeyeyba ay u dhinteen buu u
dhiman doonaaye". Odeygii (sheydaan)
ayaa ka daba hadlay oo yiri "haddaad
xabsi gelisaan sow nimankii uu ka
dhashay ee reer Cabdimanaaf, oo awalba
difaaci jirey, xanaaqi mayaan lana safan mayaan wiilkooda oo aad xirteen".
Dabadeed waxaa hadlay mujrimkii ugu
weynaa Abii Jahal oo yiri "anigu waxaan
hayaa ra'yi cid soo jeedisey aysan idinku
jirin". Markaasaa la yiri "muxuu yahay
ra'yigaasi Abul-xakam?", wuxuu yiri "qabiil kasta oo ka mid ah qabiillada aan
meesha ku fadhino waa inuu soo saaraa
wiil dhallinyaro ah oo xoog leh geesina
ah, ka dibna wiilashaasi hal mar ha ku
kulmiyeen seefaha (maxamed) si aan
dilkiisa hal qolo loogu raacan, ciddiisuna lama dagaallami karto intaas oo qabiil oo
kala duwan, magtiisana waynu
bixineynaa waana ka istareexaynaa'.
Odeygii (shaydaan) ayaa hadlay oo yiri
"ra'yiga saxa ihi waa kaas oo aan la
dhacay waana in la fuliyaa". Ugu dambasyntii waxaa la isku raacay oo la
go'aansaday ra'yigaas, waxaana fulintiisa
lo xil saaray Abii Jahal binu Hishaam,
Xakam ibnu Abil Caas, Cuqba ibnu abii
Muceyd, Samca ibnu Aswad, Ubay ibnu
Khalaf, Nadar ibnu Xaarith, Dhuceyma ibnu Cadiyi, Nabih ibnu Xajaja, Munabih
ibnu Xajaaj, Ummaya ibnu Khalaf, iyo Abi
Lahab, Raggaasi maalinkii oo dhan ayey
khiddadii dejinayeen, hawshiina kala
habaynayeen waxayna go'aan ku gaareen
in caawo markuu Rasuulku SCW gurigiisa tago la hareereeyo, markii habeenka
aakhirkiisa la gaarana la miro oo laga
tahaluso. Hase yeehsee intay dabinkaas
maleegayeen oo ay u qabeen inuu u
fudud yahay, Ilaahayna tiisa ayuu watay
wuxuuna qur'aankiisa ku yiri isagoo arrinta ka hadlaya: ((XUSUUSO (Rasuulkow) WAQTI KUWII
GAALOOBEY AY KU DHAGARSANAYEEN
INEY KU DILAAN AMA KU BIXIYAAN AMA
KU HAYAAN (KU XIRAAN), WAYNA
DHAGRAYEEN, ALLAAHNA WAA
DHAGRAYEY, WUXUUNA ALLE AHAADAY INTA WAX DHAGARTA KAN UGU KHEYRKA
BADAN)), (Suuratul-Anfaal 30). Rasuulka SCW Rabbigiis ayaa u
waxyoodey makrigoodii waxaana la
amray inuu isla habeenimadiiba baxo oo
uu Madiina u hijroodo. Wuxuu Rasuulku
SCW isla maalinkiiba u tegey Abuu Bakar
Al-sidiiq waqti duhur ah. Markuu albaabka ku garaacay, ayuu Abuubakar
loo sheegay oo la yiri "ww Rasuulkii".
Abuubakar wuxuu yiri "Rasuulku
waqtigan oo kale nooma imaan jirin ee
maanta arrin weyn ayaa jira". Markaa
Rasuulku SCW gurigii soo galay ayuu Abuubakar ku yiri "saar cidda kula
joogta", markaasuu Rasuulku SCW yiri
"waxaa la ii idmay inaan baxo".
Abuubakar, oo ahaa nin kheyr jecel, ayaa
yiri "Rasuulkii Allow waxaan jeclahay
saaxiibtinnimadaada ee aan ku raaco" Rasuulkuna SCW wa ka aqbalay. Rasuulku SCW wuxuu ku laabtay gurigiisii.
Markii habeennimadii la gaarey ayey
gurigii hareereeyeen raggii rabey iney
Nabiga SCW dilaan hase yeeshee
Rasuulku SCW markii la gaaray saacadii
uu bixi lahaa ayuu Cali ku yiri: "seexo gogosheyda oo huwo maradii aan huwan
jirey, waxba kuma yeeli doonaane".
Rasuulku SCW ka dib wuxuu soo dhex
maray safafkoodii markaasuu ciid
madaxa uga wada shubay (raggii),
Ilaahna wuu ka indho saabay. Markii Rasuulkku SCW baxay ayaa waxaa iyagii u
yimid nin soo arkay Rasuukii SCW
wuxuuna ku yiri maxaad meesha ka
dhowreysaan?", markaasey yiraahdeen
"Maxammed", wuxuu yiri "Maxammed
aniguu hadda i daba maray". Gurigii ayey meel daloosha ka fiiriyeen oo yiraahdeen
"waa kaa weli hurda". Habeenkii oo dhan
ayey Cali dusha ka ilaashanayeen, markii
la gaaray waqtigii ay qorshohooda fulin
lahaayeen ayey arkeen in ninka meesha
jiifaa uu yahay Cali binu Abii-dhaalib> Cali ayey markaa xirxireen oo
bugabugeeyeen oo dheheen "sheeg
Maxammed" hase yeeshee Cali wuxuu yiri
"anigu arrinkaas waxba kalama socdo". Rasuulku SCW markuu iyagii dhaafay
wuxuu tegey gurigii Abuubakar oo ay
halkaas iska sii raaceen waxay ka bexeen
irriddii dambe. Uma aysan bixin dhinicii
Madiina ee waxay u bexeen dhinicii
Yaman illaa ay ka tageen buurta la yiraahdo Qaaru Tawr oo Makka u jirta 3
km, halkaas oo ay ka galeen god. Markii
ay godka gelayeen ayaa Abuubakr yiri
"aniga ayaa ku hormaraya" isagoo uga
baqaya Rasuulka SCW inuu godka bahal
ka qaniino. Waxay qorsheysteen iney godkaa ku jiraan 3 maalmood inta
qureysh baadi doonkeedu uu ka
dhammaanay. Waxaa kale oo heegan la
geliyey qoyskii Abuubakar. Cabdullaahi
binu Abuu bakar (wiilkii Abuubakar)
waxaa loo xilsaaray inuu maalin oo dhan qureysh ku dhex jiro, habeenkiina uu
godka ugu yimaaddo Rasuulka SCW iyo
aabihiis oo uu u soo sheego wixii warar
ah ee yaalla Makka iyo wixii go'aan ah ee
odeyaashii qureysheed ay qaataan.
Asmaa' bintu Abuubakar (gabadhii Abuubakar) waxay iyana u keeni jirtey
raashinka habeenkii. Caamir ibnu Suheyr
oo isna ahaa addoonkii Abuubakar,
arigana u raaci jirey, waxaa lagu
qeybshey inuu ariga ku raaco agagaarka
godka si uu habeenkii iyo subaxdiiba u baabi' iyo raadka Cabdullaahi iyo Asmaa'.
Sidoo kale Cabdullaahi ibnu abii Ureyq oo
ay Abuubakar saaxiibbo ahaayeen,
gaalna ahaa wuxuuu Abuubakar u hayey
laba neef oo geel ah oo Abuubakar sii
iibiyey uguna talo galay inay ku baxaan (isaga iyo Rasuulka SCW), waxayna ku
ballameen saddex beri markey godka ku
jiraan inuu u keeno, (labada neef)
ninkaasna kalsooni ayaa lagu qabay. Qureysh markay ogaatay in Nabiga SCW
iyo Abuubakar ka fakadeen waxay isla
markiiba tageen gurigii Abuubakar,
waxaana albaabkii ka furay Asmaa'
Abuubakr. Abii Jahal ayaa Asmaa'
weydiiyey oo ku yiri "xaggee aabbahaa aadey" iyana waxay ugu jawaabtey "ma
aqaan meel uu aadey", Dharbaaxo ayuu
markaa dhabanka ku fujiyey. Ka dibna
waxaa ciidan loo diray dhinicii Madiina,
markii laga soo waayeyna waxaa
waddooyinka Makka ka baxa iyo meel walba loo diray ciidamo ayey waxay
yimaaddeen godkii ay Rasuulka SCW iyo
Abuubakar ku jireen hase yeeshee ma
aysan arag. Markay tageen ayaa
Abuubakar wuxuu Rasuulka SCW ku yiri
"Rasuulkii Allow haddii mid ka mid ahi uu lugihiisa fiirin lahaa wuu na arki lahaa".
Rasuulka SCW oo Rabbigiis kalsooni dhab
ah ku qabay wuxuu ugu jawaabay
Abuubakar "waa maxay malahaagu labo
Ilaahay saddexeeyo". Halkaas waxaad ka
arkaysaa in Rasuulka SCW oo nimankii intaa raadinayey ay dushiisa taagan yihiin
uusan haddana kala jeclayn oo uu
Rabbigiis tala saartay, waana kaas
tawakulka saxa ah, markuu asbaabtii oo
dhan la yimid ayuu Rabbigiis talo saartay. Markii ay dhammaatay muddadii
saddexda beri ahayd oo ay ugu talo
galeen inay godka ku jiraan ayaa
Cabdullaahi binu Ureyq keenay labadii
neef oo geela ahaa oo ay ku bixi
lahaayeen. Abuubakar ayaa Rasuulka SCW siiyey labada neef kii wanaagsanaa,
markaasaa Rasuulku yiri "qiimihiisa
ayaan kuu celinayaa oo aan ku
qaadanayaa", Abuubakarna arrintaas
wuu diiday, hase ahaatee Rasuulku SCW
wa ku adkaystay go'aankiisa isagoo laga yaabo inuu rabay kheyrkaas iyo ajarkaas
hijrada inuu ku maro wax uu leeyahay.
Asmaa' bintu Abuubakar waxay iyaduna
keentay jiscinkii waddada lagu mari
lahaa hase yeeshee waxay soo illowday
xariggii lagu rari lahaa alaabta markaasay boqonkeedii dhexda ugu
xirnaa laba u kala jeexday oo midna
siisay midna la hartay. Sidaa dardeed
Asmaa' waxaa lagu naaneysi jirey laba
boqonley. Dabadeed Rasuulka SCW iyo Abuubakar
way baxeen iyadoo uu la socdo
Cabdullaahi ibnu Ureyq oo ahaa ninkii
labada neef oo geela haa keenay, ahaana
nin dhulyaqaan ah, safarkana
hogaaminayey, wuxuuna ratiga la fangashanaa (lasaarnaa) Abuubakar.
Wuxuu ka bixiyey meel aan la marin oo
dhinacii koonfureed ah, ka dibna hoos iyo
dhinaca bari oo badda ah ayey mareen.
Abuubakar maaddaama uu ahaa nin aad
loo yaqaan oo ummad badani garanaysey markii la weydiiyo oo lagu yiraahdo "waa
kuma ninkan kula socda?" wuxuu ku
jawaabayey "waddaduu igu
hanuuninayaa" isagoo ula jeedda
waddada xaqa ah ayuu igu hanuuninayaa. Nimankii reer Makka markay mel walba
ka raadiyeen Rasuulka SCW iyo
Abuubakar oo ay 3 maalmood baadi goob
iyo orod ku jireen oo ay ka quusteen ayey
waxay bixiyeen ogeysiis ay u direen beled
iyo baadiyaba oo ay ku leeyihiin "ninkii Maxammed ama saaxiibkii Abuubakar
midkood nolol ama geeri ku keena wuxuu
leeyahay boqol halaad". Reer baadiyihii
oo ahaa dad aad u xoolo jecel waxaa
galay hunguri iyagoo u hanqal taagaya
geelaas tirada badan, nin walbana dhinaciisa ayuu u orday. Muddo saddex
maalmood ah markay Rasuulka SCW iyo
Abuubakar sii socdeen ayaa ninka la
yiraahdo Sureyqa binu Maalik isagoo rag
la fadhiya waxaa u yimid nin markaasaa
ninkii la weydiiyey oo lagu yiri "ma aragtay nimankaas", maasuu ninkii ku
jawaabay "wax ma arag laakiin meel
halkaas ah waxaa iiga muuqanayey
bidhaan dhowr qof oo wax saaran ah".
Sureyqa markuu hadalkaas maqlay
dhareerkii ayaa ka daatay isagoo rajaynaya in ay boqolkii halaad u soo
gacan galeen, wuuna fahmay in ay
raggaas la tilmaamayo yihiin Rasuulka
SCW iyo Abuubakar. Sidaa darteed wuxuu
sameeyey khiddaad uu ku rabo in raggaa
meesha fadhiya aysan arrinta fahmin si aysan geela ula qaybsan, wuxuuna yiri
"war aamus waxaad aragtay waa
nimankii reer hebel oo geelu ka baxsaday
oo halkaa marayaye'. Halkaas arrintii
looga aamusay oo waxaa loo qaatay in
Sureyqa arrintiisu dhab tahay. Sureyqa markii muddo meeshii la
fadhiyey oo arrintii la hilmaamay ayuu
wuxuu yiri "intaan kacay oo guriga galay
ayaan gabar la hadlay oo ku iri
"faraskeyga gadaal iiga bixi oo buurtaa
gadaasheeda ii gee", aniguna intaan labistay oo hubkeygii qaatay baan
dhuumasho ahaan faraskii ugu tegey,
dabadeedna waxaan ka daba tegey
Rasuulka iyo Raggii la socday. Markaan u
dhowahay ayaan qori tuurtay, markaasaa
waxaa iii soo baxay kii aan nebcaa oo ah inaanan wanaag ka helayn (oo aan ku
khasaarayo), aniguse kama yeelin
arrintaa oo hore ayaan u sii socday.
Markaan ku dhawaaday ayuu faraskii
cagaha dhulka si fiican ula galay, qaacna
ka baxay meeshii, markaasaa waxaa ii caddaatay in Maxammed aanan waxba
gaarsiin karin uuna guuleysan doono
sidaa darteed intaan qeyliyey ayaan ku iri
'ammaan ayaad iga helaysaan waana idin
nabad gelinayaa ee Maxammedow ii qor
warqad amaan ah si haddii aad berri wax qabsato oo aad guuleysato aan u heysto'.
Rasuulku SCW wuxuu amray Caamir ibnu
Fuhayr in uu waraaqadda u qoro. Suraaqa
ayaa markaa hadlay oo ku yiri Rasuulka
SCW "maxaad iiga baahan tihiin cunto iyo
wax walba wan hayaaye', markaas ayaa lagu yiri "waxba kaagama baahnin ee
wixii aad aragto naga jeedi" "waa yahay'
ayuu isna ku jawaabay, dabadeedna
markuu laabtay cidduu arko wuxuu ku
oranayey "dhinacaa anigaa soo maray oo
cidi adinkama jirto". Rasuulku SCW iyo raggii la socday waxay
gaareen Quba oo xoogaa ka baxsan
Madiina. Waqtigaasi wuxuu ahaa maalin
Isniin ah 8dii Rabbiicul-awal sannadkii
1aad ee hijriga. Dadkii muslimiinta ahaa ee Madiina
joogey oo isugu jirey muhaajiriintii
Makka ka timid iyo Ansaartii degganeyd
Madiina markay maqleen in Rasuulu SCW
ka soo baxay Makka ayey heegaan galeen
oo maalin walba waxay tegi jireen duleedka Madiina iyagoo fiirinaya wax
soo socda. Sidey sidaa u ahaayeen ayey
maalinkii dambe iyagoo sidii u sugaya
markay qorraxdii ku kululaatay meeshii
ka tageen, markii ay tageen ayaa waxaa
Rasuulka SCW arkay nin yahuudi ah markaasuu aad u dhawaaqay oo yiri
"waxaad jecleydeen oo aad suggeyseen
ayaa yimid". Muslimiintii ayaa soo
firxaday iyagoo hubkoodii wata oo
takbiirsanaya Rasuuulkana SCW soo
dhoweynaya. Dabadeedna hareeraha ayey ka galeen. Rasuulka SCW wuxuu ku degey
reer bini Camar bini Cawf Xaafadooda,
gaar ahaan wuxuu ku sii degay ninka lay
yiraahdo Kaltuum ibnu Hadiyi. Dad badan
oo muslimiinta reer Madiina ka mid ahaa
ma aysan kala garaneyn Rasuula SCW iyo Abuubakar hase yeeshee markii dambe
ayey ogaadeen. Ka dib Rasuulku SCW waa
fadhiistay, Abuubakar waa istaagey
isagoo dadkii soo dhoweynaya. Intii
Rasuulku SCW meesha joogey waxaa
Makka ka yimid Cali binu Abii-dhaalib oo soo dhameeyey hawshii uu Rasuulu SCW u
xilsaaray iyo ammaannadii uu uga soo
tegey. Rasuulku SCW wuxu Quba joogey dhowr
maalmood, wuxuuna ka dhisay
masaajidka la yiraahdo Masjidu Quba. Ka
dibna wuxuu Rasuulku SCW ka tegey Quba
maalin jimce ah oo uu Madiina aaday
isagoo ay muslimiintii dhinacyada ka socdaan. Markaas. Maruu sii maro qabiil
walba oo Ansaar ka mid ahna waxay
lahaayeen "annaga nagu soo deg" laakiin
Rasuulku SCW wuxuu lahaa 'hashaani way
amran tahay meeshii ay fariisato ayaan
ku degayaa". Waxay ugu dambayntii hashii fariisatay oo uu ku degay meesha
masaajidkiisa uu ka dhisay oo ay
degganaayeen reer bini Cabdinajaar oo
Ansaar ka mid ahaa, Nabiga aabbihiisna
reer abti u ahaa. Gaar ahaan wuxuu ku sii
degay guriga ninka la yiraahdo Abaa Ayuub Al-ansaari. Waxaa iyaguna woo hijrooday oo
waqtigaas Madiina yimid xaaskii
Rasuulka SCW Sawda bintu Samca iyo
laba gabdhood oo uu dhalay oo kala ahaa
Faadumo iyo Ummu Kaltuum, waxaa lake
oo la socday Usaama binu Seyd iyo hooyadiis Ummu Ayman iyo qoyskii reer
Abuubakar oo ay Caa'isha ku jirtey. Caa'isha waxay tiri "markii aan Madiina
imid ayaa waxaan ugu imid aabbahay iyo
Bilaal oo qandhadii Madiina ku dhacday
markaasaan Abuubakar ku iri 'aabbe
sidee tahay' isagoo xoogaa qandhadu
deysey oo leh "qof walba wuxuu ku dhex waabariisanayaa ehelkiisa isagoo ay
geeridu uga dhowdahay kabihiisa
suunkooda'. Bilaal ayaan isna ku iri "sidee
tahay Bilaal" isagoo isna tirinaya beyt yar
oo tilmaamaya u hiloobidda iyo jaceylka
Makka. Rasuulka ayaan u tegey oo u sheegay hadalladoodii, markaasuu
Rasuulku SCW yiri "Ilaahow Madiina na
jecleysii sidaad Makka noo jecleysiisey
ama si ka daran , Ilaahow Madiina
caafimaadi oo barakee saaceeda iyo
mudkeeda, kana rar xanuunka iyo qandhada oo u rar Juxfa". Ilaahay
ducadaa Rasuulka SCW wuu ka aqbalay
waxayna Madiina noqotay Meel ay aad u
jecel yihiin, saxadeeduna fiican tahay. Sidoo kale Rasuulku SCW isagoo
asxaabtiisa ku sabir siinaya daltabyada
Madiina waxa uu yiri: "Qofkii
ummaddayda kamid ah oo ku sabra
Cudurka iyo dhibka Madiino waxa aan
maalinka qiyaamaha u noqonayaa shafiic iyo markhaati". Sidoo kale Rasuulku SCW isagoo Madiina
u ducaynaya waxa u yiri: "Allahayow noo
barakee magaaladayadan, miraheeda,
mudkeeda, ikyo saaceeda, barako ay
lasocoto, Allahayow Ibraahiim waxa uu
ahaa addoonkaagii , Nabigaagii iyo khaliiilkaagii, anna waxaan ahay
addoonkaagii iyo nabigaagii, wuxuuna
(ibraahiim) kuu basryo weydiiyey Makka,
anna waxaan kuu baryayaa Madiina siduu
Makka kuugu baryo weydiyey iyo si la mid
ah. Rasuulka SCW iyo asxaabtiisii waxay
heleen dhul cusub oo ay diintoodii iyo
dacwadoodii ka faafin karaan,
joogitaankiisana ay xor u yihiin.
Magaalada Madiina waxay noqotay
magaalo islaam, in kastoo dadkii deggenaa aysan wada ahayn muslimiin,
waxayna ka koobnaayeen 3 qaybood oo
kala ahaa: 1) Muslimiinta oo isugu jirey muhaajiriin
Makka ka yimid iyo Ansaar oo Madiina
degganayd oo laba qabiil ka koobnaa
lana kala oran jirey Awas iyo Khasraj,
hase yeeshee Rasuulku SCW uu u bixiyey
Ansaar. 2) Mushirikiintii ka hartay Ansaar 3) Yahuud oo ka koobnayd saddex qabiil
oo la kala oran jirey Banuu Qeynuqaac,
banuu Nadiir iyo banuu Qureyda.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete