Monday, 5 September 2011

CASHARKA 31AAD

Casharka 31aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW WALAALEYNTII MUHAAJIRIIN
IYO ANSAAR Asalaamu Caleykum W.W. Rasuulka SCW markuu madiina yimid
waxa uu ka aasaasay dawlad islaam ah
wuxuuna isku xiray dadkii muslimiinta
ahaa ee madiina deganaa iyo kuwii
kasoo hijrooday madiina dibadeeda,
isaga oo isugu xiray si macnawi ah iyo si muuqataba. Waxa ay ahayd sida
macnawiga ah waxa uu ku booriyey
walaaltinimada, wanaaga, is jeclaysiga, is
xaq dhawrka, is nabad gelinta iyo
mucaamilada wanaagsan oo dhan.
Wuxuuna ka reebay xumaan idilkeed. Sida muuqatana waxa ay ahayd
muhaajiriin iyo ansaar ayuu labo labo u
walaaleeyey si ay isugu xirmaan iskuna
kaalmaystaan maxaa yeelay muhaajiriin
waxa ay kasoo hijroodeen dhulkoodii,
maalkoodii iyo ehelkoodii. Waxayna yimaadeen meel aysan waxba ka
garanayn. Waxayna ahayd sida uu Rasuulka SCW u
walaaleyey sidatan: 1. Xamsa binu Cabdi Mudhalib iyo Sayd
binu Xaarith wuu walaaleeyey. 2. Abuu Bakar Sidiiq iyo Khaarij binu
Suhayrna wuu walaaleeyeey. 3. cumar binu Khadhaab iyo Citbaan binu
Maalikna wuu walaaleeyey. 4. Abuu Cubayda ibnu Jaraax iyo Sacad
binu Maalik wuu walaaleeyey. 5. Cabdirahman binu Cowf iyo Sacay binu
Rabbiicna wuu walaaleeyey. 6. Subayr binu Cawaan iyo Salama ibnu
Salaamana wuu walaaleeyey. 7. Cusmaan binu Cafaan iyo Aws binu
Thaabitna wuu walaaleeyey. 8. Dhalxa binu Cubaydillaah iyo Kacab
binu Maalikna wuu walaaleeyey. 9. Saciid binu Sayd ikyo Ubay binu
Kacabna wuu walaaleeyey. 10. Muscab binu Cumayr iyo Abii Ayuubna
wuu walaaleeyey. 11. Abuu Xudayfa binu Cutba iyo Cubaada
binu Bishirna wuu walaaleeyey. 12. Cammaar binu Yaasir iyo Xudayfa
binu Yamaamna wuu walaaleeyey. 13. Abuu daraq-Qafaari iyo Mundir binu
Camarna wuu walaaleeyey. 14. Xaadhib ibnu abii Baltaca iyo Cuwayn
binu Saacidana wuu walaaleeyey. 15. Salmaanu Faaris ikyo Abuu Dardaana
wuu walaaleeyey. Wuxuu yiri ibnu Isxaaq: "intaan ayaa
nalooga magacaabay walaalayntii uu
Rasuulku SCW walaaleeyey asxaabtiisa". Sidaas ayaa Rasuulku SCW u walaaleeyey
asxaabtiisii oo isugu xiray, iyaga oo ay ka
dhaxayso walaaltinimada guud ee
islaamka ayey haddana tani khaas usii
kala ahayd oo ay wax wada wadaagayeen
ilaa lawaajibiyey in ay is dhaxlaan ka dibna Alle waa joojiyey. Nimankii ansaar
ahaa ee madiina deganaa aad ayey usoo
dhoweeyeen walaalahoodii muhaajiriin
ee usoo hijrooday, wuxuu Bukhaari
saxiixiisa ku wariyey in ansar Nabiga SCW
ku tiri: "noo qaybi annaga iyo walaalahayo timirta (beeraha)", wuxuu
yiri: "may", markaasay dheheen
(muhaajiriin): "naga qabta shaqada
(beeraha) mirahana waanu idinla
wadaagsanaynaa", Ansaarna waa ay
yeeshay. Sidoo kale nimankii ansaar ee lala
walaaleeyey muhaajiriin aad ayey usoo
dhoweeyeen waxayn diyaar u noqdeen in
ay la kala bartaan maalkooda. Ninka
layiraahdo Sacad binu Rabbiica oo lala
walaaleeyey Cabdirahmaan binu Cowf waxa uu ku yiri Cabdirahmaan: "waxa aan
ahay ninka ansaar ugu maal badan,
waxaana ka dhigayaa maalkayga labo
qaybood (oo waa kala baranaynaa), labo
xaasna waan qabaa ee fiiri middii ku
cajab galisa iina magacow waan kuu furayaa markay cidada dhamaysatana
guurso", wuxuu yiri Cabdiraxmaan:
"Allaha kuu barakeeyo xaaskaaga iyo
maalkaaga ee i tusi suuqa", suuqii ayuu
tusiyey, markaasuu Cabdiraxmaan inta
xoogaa subag ah qaatay oo suuqii geeyey ayuu iibiyey dabadeedna waa guursaday. Haddaba waxa ay arimahaan iyo kuwo
kaleba na tusinayaan sida ay ansaar
walaalohood muhaajiriin ugu qumeen,
wax walbana ay diyaarka ugu ahaayeen.
Allena subxaanahu watacaalaa aayado
badan ayuuu ku ammaanay. Sidoo kale Rasuulku SCW waxa uu u qoray
asxaabtii heshiis iyo go aamo ay ku
socdaan, wuxuuna kadhigay hal ummad,
wuxuuna ahaa heshiiskaasi sidatan: Bismillaahi raxmaani raxiim, tani waa
waraaqdii Nabi Maxamed SCW uu u kala
qoray muminiinta iyo musliminta reer
qureysheed (muhaajiriin) iyo rer yathrib
(ansaar). 1. Kuligood waa hal ummad oo dadka
kale isaga sokeeya. 2. Muhaajiriinta reer qureysheed sidoodii
weeye oo makta way isla bixinaayaan,
maxbuuskoodana way soo furanayaan si
macruuf ah iyo cadaalad muminiinta
dhexdooda. 3. Reer banii Cawf sidoodii weeye oo
magta way isla bixinayaan siday hore
iskula bixin jireen, qolo walba (oo iyaga
kamid ahna) way furanaysaa
maxbuuskeeda si wanaagsan iyo
cadaalad muminiinta dhexdooda. 4. Reer banii Xaarith sidoodii ayey
ahaanayaan oo makta way isla
bixinayaan siday awalba iskula bixin
jireen, qolo walba (oo iyaga kamid ahna)
way furanaysaa maxbuuskeeda si
wanaagsan iyo cadaalad muminiinta dhexdooda. 5. Reer banii Saacida sidoodii ayey
ahaanayaan oo makta way isla
bixinaayaan siday awalba iskula bixin
jireen, koox walbana way furanaysaa
maxbuuskeeda si wanaagsan iyo
cadaalad muminiinta dhexdooda. 6. Reer banii Jasham sidoodii ayey
ahaanayaan oo makta way isla
bixinayaan siday awalba iskula bixin
jireen, koox walbana way furanaysaa
maxbuuskeeda si wanaagsan iyo
cadaalad muminiinta dhexdooda. 7. Reer banii Najaar sidoodii ayey
ahaanayaan oo makta way isla
bixinayaan siday awal iskula bixin jireen,
koox kastana way furanaysaa
maxbuuskeeda si wanaagsan iyo
cadaalad muminiinta dhexdooda. 8. Reer banii Caamir binu Cawf sidoodii
ayey ahaanayaan oo makta way isla
bixinayaan say awalba iskula bixin jireen,
koox kastana way furanaysaa
maxbuuskeeda si wanaagsan iyo
cadaalad muminiinta dhexdooda. 9. Reer banii Nabiit sidoodii ayey
ahaannayaan oo makta way isla
bixinayaan say awalba iskula bixin jireen,
koox kastana way furanaysaa
maxbuuskeeda si wanaagsan iyo
cadaalad muminiinta dhexdooda. 10. Reer banii Aws sidoodii ayey
ahaanayaan oo makta way isla
bixinayaan say awalba iskula bixin jireen,
koox kastana way furanaysaa
maxbuuskeeda si wanaagsan iyo
cadaalad muminiinta dhexdooda. 11. Muminiintu waa in ay si wanaagsan
uga gudaan qofkii iyaga kamid ah oo
qaamaysan oo lasoo furanayo ama diyo
laga gudayo. 12. Mumin lama bah wadaagi karo mumin
kale bah wadaagi ogolaanshihiisa
maahane. 13. Muminiinta mutaqiinta ahi waxa ay
isugu tagayaan ciddii iyaga ka mid ah oo
xadgudubta ama dalabta dulmi wayn ama
dambi ama colaytan ama fasaad
muminiinta dhexdooda, dhammaan
gacmahoodu qofkaas dushiisay ahaanayaan haba ahaado midkood
inankiise. 14. Mumin uma dilo karo mumin kale
gaal, uga mana hiillin karo gaal. 15. Heshiiska Alle (ee gaalada lagula jiro)
waa hal mid, waxaana wax magan galin
kara muminiinta kooda ug hooseeya. 16. Muminiinta qaarkood qaarka kale
ayuu gargaare u yahay dadka (kale)
kasokow. 17. Qofkii nasoo raaca oo yahuud ah waxa
uu leeyahay gargaar iyo gacan qabasho,
isaga oo aan ladulminayn lagana
hiillinayn. 18. Nabad gelyada muminiintu waa hal
mid, dagaalka jihaadka Allena (qof)
mumin ihi nabad gelyo gaar ah lama
samaysan karo (gaalo) in ay muslimiintu
u dhan yihiin oo ay cadaalad tahay
maahane. 19. Cid walba (oo muslimiinta kamdi ah)
oo nala duullaan gasha qaarkood qaarka
kale ayuu cirbinayaa (waa isku mid). 20. Muminiinta qaarka kale ayuu u
hiiilinayaa wixii dhigooda ah oo jidka
Alle kusoo gaara. 21. Muminiinta Alle ka baqaysa waxay ku
sugan yihiin hanuun kan ugu wanaagsan
iyo toosnaan. 22. Gaal ma bad baadin karo qureysh
nafteeda iyo maalkeeda is kamana
hortaagi karo mumin (usocda). 23. Qofkii mumin dila oo ay ku caddaato
waa la dilayaa in uu waligii kii la dilay
raali noqdo maahane. 24. Xalaal uma aha qof mumin ah oo
sugay waxa waraaqadaan ku yaala, Alle
iyo aakhirana rumeeyey in uu soo
dhawaysto ama u gargaaro dambiile. 25. Qofkii soo dhawaysta ama u gargaara
(daalim) waxaa dushiisa ahaatay Alle
nacaladiisa iyo caradiisa maalinka
qiyaamaha, la gamana yeelayo madax
furasho iyo tawbad midna. 26. Wax walba oo aad isku khilaaftaan
waxaa loo celinayaa Alle iyo (Rasuulkiisa)
Maxamed SCW. Intaas ayey ku dhammaadeen qodobadii
heshiiska ee uu Rasuulku SCW u kala
qoray asxaabta kulana balamay, waxayna
qodobadaani sida aan ka aragnaba u
qaybsanyihiin qayb ku khaas ahayd
muslimiintii waqtigaas joogtay iyo qayb laga rabo qof kasta oo muslim ah waqti
kasta ha joogee, waxayna tahay qaybta
qof walba oo muslim ah laga rabo; labar 1
iyo laga bilaabo lambar 11 ilaa 26 marka
laga reebo labar 22.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete