Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 38AAD

Casharka 38aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DUULLAANKII BANII SULAYM Markuu dhammaaday dagaalkii Badar, oo
ahaa dagaalkii ugu horreeyey oo ay
isaga hor yimaadeen xaqa iyo baadilka.
Allaahna uu nasrigiisa siiyey dadkii
muslimiinta ahaa, carab oo dhanna ay
ogaatay xoogga iyo awoodda muslimiinta iyo in ay yihiin awood
khatar ku ah iyaga, haddii aan laga hor
teginna ay mandiqada oo dhan
qabsanayaan, ayaa waxaa bilaabmay
naceyb iyo cadaawad loo hayo
muslimiinta. Qabiil walba oo ka mid ahaa mushrikiinta carabta iyo yahuudda
wuxuu ku fekerayey sidii uu uga
hortegilahaa islaamka. Waxaa hormood u ahaa
cadowtinimadaas reer Makka, oo iyagoo
awalba u ciil qabay Nabiga SCW iyo
asaxaabiisa, haddana dharbaaxo xumi ku
soo dhacday Badar, halkaas oo ay ku
waayeen madaxdoodii iyo raggoodii khatarta ahaa. Dadkii Makka ku noolaa
waxaa quluubtooda buuxiyey nacayb iyo
colaad ay u hayaan islaamka iyo
muslimiinta. Sidoo kale saddexdii qabiilo
ee yahuudda ahaa oo degganaa Madiina
waxa ay la guuxayeen nacaybka islaamka, qabiil ka mid ihi nacaybkaas
islaamka wuuba muujistay. Waxaa
degganaa baadiyaha iyo magaalooyinkii
ku hareereysnaa madiina. Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa waxa uu
go'aankoodu ahaa in ay u beerdhigaan
cid walba oo islaamka soo milicsata,
waxa ayna ka hor tegi jireen cid walba
oo duullaan soo abaabusha damacdana in
ay muslimiinta dhib u geysato. Rasuulkuna SCW markuu maqlo qolo soo
hub urursanaysa duullaan ayuu qaadi
jirey oo meesheeda ayuu ugu tegi jirey.
Sidaa darteed Rasuulku SCW markuu ka
soo laabtay Badar oo uu joogey 9 cisho
ayaa wardoonkii Madiina wuxuu u soo gudbiyey in qabiilka la yiraahdo banii
Suleym oo ka mid ahaa reer Qadafaan uu
u diyaarinayo ciidankiisii sidii uu
duullaan ugu soo qaadi lahaa Madiina.
Rasuulku SCW markuu maqlay arrinkaas
wuxuu kaxaystay ciidan dhan 200 oo nin oo gaadiidkoodii iyo hubkoodii wata,
Madiinana wuxuu madax uga dhigay
Cabdullaahi ibnu ummi Maktuum. Rasuulka SCW iyo ciidankiisii waxay
gaareen meesha la yiraahdo Kudru oo ay
reer banii Suleym degganaayeen. Reer
banuu Suleym markii ay maqleen
Rasuulka SCW iyo ciidankiisi ayey kala
carareen, waxayna toggii ay deganaayeen uga tageen 500 oo geel ah.
Rasuulka SCW iyo ciidankiisiii waxay
goobtii degganaayeen saddex beri, ka
dibna way soo laabteen iyagoo geelii soo
kexeystay. Rasuulku SCW wuxuu geelii ka
bixiyey khumuskii, afartii boqol ee soo hartayna wuxuu u qaybiyey ciidankiisii
oo 200 nin ka koobnaa, sidaas darteed
nin walba waxaa ku soo hagaagay 2 neef
oo geel ah. Waxaa kale oo Rasuulku SCW
soo qafaashay wiil la oran jirey Yasaar,
wuuna xoreeyey, ka dibna Rasuulku SCW Madiina ayuu ku soo laabtay.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete