Casharka 47aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DUULLAAMADII CIIDAMEED EE KU
XIGEY UXUD Markii dadkii muslimiinta ahaa dhaawac
ku soo gaaray Uxud ayaa waxaa
yaraaday cabsidii iyo baqdintii laga biqi
jirey muslimiinta, waxaana bilaabmay
guux iyo cadaawad loo muujinayo dadkii
muslimiinta ahaa. Guuxaas wuxuu ka imaanayey gudaha muslimiinta, sida
munaafiqiinta, iyo dibedda sida
yuhuuddii Madiina wax ka degganayd iyo
qabiilladii reer baadiyaha ee hareeraha
Madiina ku noolaa. Qolooyinkaas oo dhammi markii ay
arkeen in muslimiinta dhaawaca soo
gaaray ayey doobbida listeen,
qaarkoodna waxa ay ku hammiyeen in
ay muslimiinta duullaan ku soo qaadaan
sida reer banuu Asad oo labo bilood ka dib (Uxud) isu diyaariyey in ay duullaan
Madiina ku soo qaadaan. Sidoo kale
qabiilooyinka kala ah Cadal iyo Qaara
waxay afar bilood ka dib sameeyeen
shirqool ay ku dileen 10 nin oo asxaabtii
Rasuulka SCW ah. Qabiillada banuu Caamir iyo banuu Suleym ayaa iyaguna
sidoo kale waxa ay si khiyaamo ah u
dileen 70 nin oo asxaabtii Rasuulka SCW
ah. Sidoo kale qabiiloyinkii reer
Qadafaan waxa ay ku hammiyeen in ay
Madiina soo weeraraan. Haddaba arrimahaas iyo kuwo kaleba
waxaa sameyey qabiilooyinkii reer
baadiyaha ahaa oo degganaa Xijaas ilaa
Najdi iyagoo doonayey in a islaamka iyo
muslimiinta cirib tiraan maxaa yeelay
waxa ay u arkayeen in muslimiintu yihiin khatar ku soo socata Khaliijiul-carab. Waxaa iyaguna sidoo kale cadaawad
daran muujiyey, har iyo habeenna ku
fekerayey sidii ay Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisa dhib u gaarsiin lahaayeen
yahuuddii reer banii Qaynuqaac oo
Rasuulku SCW ka raray Madiina iyo yahuuddii kale oo Madiina ku hartay
(banuu Nadiir iyo banuu Qureyda), siiba
banuu Nadiir oo maleegay shirqol ay
rabeen in ay ku dilaan Nabiga SCW. Markii arrimahaas oo dhan gudaha iyo
dibeddaba ah ay soo food saareen
muslimiintii ayaa Rasuulku SCW la
qaabbilay xikmadiisii iyo kaartadiisii
dagaalka ee wanaagsanayd, wuxuuna
muslimiintii ka saaray ciriirigii iyo dhibtii, Acdaadii Ilaahayna
xumaatadoodii iyo makrigoodii ayuu ku
celiyey, wuxuuna soo celiyey cisigii iyo
heybaddii muslimiinta. Tallaabooyinkii uu qaaday Rasuulku SCW
waxaa ugu horreeyey duullaankii
Xamraa-ul-Asad oo uu uga daba tegey
ciidankii qureysheed ee Uxud ka laabtay,
halkaas oo uu deggenaa saddex
maalmood. Waxaa ayna dhammaan acdaadii Ilaah ogaadeen awoodda iyo
geesinnimada muslimiinta iyo sida aysan
marnaba u jixinjixeyn. Haddaba waxa
aynu mid mid u xoo qaadanaynaa
arrimihii iyo dhacdooyinkii dhacay intii u
dhexeysey dagaalkii horeeyeen inkastoo qaarkood la isku khilaafo siday ukala
horreeyeyn haddaana waxaan
qaadanaynaa sida loo badan yahay. 1) ILLAALADII ABUU SALAMA Markii uu dhammaaday dagaalkii Uxud
oo la joogey labo bilood iyo bar, ayaa
wardoonkii Madiina wuxuu soo gudbiyey
in labada nin oo la kala oran jirey Dhalxa
iyo Abuu Salama oo ilma Khuweylid ahaa
ay ciddoodii iyo wixii kale oo raacayba ugu yeereen la dagaallanka Rasuulka
SCW. Rasuulku SCW markii uu arrinkaa
maqlay ayuu sidii caadadiisa ahaydba
wuxuu diray ciidan gaaraya 150 nin,
wuxuuna madax uga dhigey Abuu
Salama. Waqtigaas wuxuu ahaa kowdii bishii Muxarram, sannadkii 4aad ee
higriga. Abuu Salama iyo ciidankiisii markii ay
tageen guryihii reer banuu Asad, oo ahaa
qabiilkii duullaanka soo waday, ayaa
qabiilkii Ilaahay wuxuu ku ridey rucbi iyo
baqdin meeshiina way ka carareen.
Muslimiintii waxa ay meeshaas ka soo kaxeysteen geel iyo ari ay qabiilkaasu
lahaayeen, waxayna soo laabteen iyaga
oo aan dagaal gelin soona qaniimeystey.
Abuu Salama oo ciidanka watay, markuu
Madiina ku soo laabtay, ayaa waxaa ku
soo kacay nabar ku dhacay dagaalkii Uxud, muddo yar ka dibna waa uu
shahiiday. 2) DILITAANKII KHAALID BINU SUFYAAN
AL-HUDALI Sidoo kale isla bishii Muxarram 5teedii
ayaa waxaa Rasuulka SCW loo soo
gudbiyey in ninkii la oran jirey Khaalid
binu Sufyaan Al-hudali uu ciidan u
ururinayo la dagaallanka muslimiinta,
markaas ayaa Rasuulku SCW wuxuu direy Cabdullaahi binu Uneys si uu ninkaas uga
soo takhalluso. Cabdullaahi wuxuu
Madiina ka maqnaa 18 habeen, wuxuuna
Madiina ku soo laabtay iyada oo ay 7
habeen ka dhiman tahay Muxarram
isagoo soo diley Khaalid binu Sufyaan oo madaxiisii wada, wuxuuna madaxii
dhigay Rasuulka SCW hortiisa. Rasuulku
SCW arrinkaa wuu ku farxay, wuxuuna
Cabdullaahi siiyey ul uu yiri "tani waa
inoocalaamad aniga iyo adiga maalinka
qiyaamaha". Cabdullaahi ushii wuu hastay jirey ugu dambayntiina markii uu
dhimanayey wuxuu dardaarmay in usha
kafantiisa lala geliyo.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete