Casharka 50aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DUULLAANKII YAHUUDDII REER
BANUU NADIIR Sida aan soo marnayba yahuuddii
Madiina deggenayd waxa ay islaamka
iyo muslimiinta u hayeen cadaawad iyo
xumaan, wax ay ula hareeenna ma jirin,
in aysan dagaal caddaan ah ugu soo bixin
mslulimiinta maahane, taasna waxaa u diidey markii ay arkeen wixii ku dhacay
yahuuddii reer bani Qaynuqaac oo
Madiina laga raray iyo dilitaankii
cadowgii Alle Kacab binu Ashraf.
Arrimahaasina waxay sababeen in
yahuuddu qalaanqalkii iyo rabshadihii xoogaa joojiso, hase yeeshee markii
dagaalkii Uxud dhacay, oo muslimintii
xoogaa dhaawac soo gaaray ayey ku
noqdeen sidoodii hore, waxayna
muujisteen xumaan iyo cadaawad iyaga
oo hoos kala xiriiraya qureyshtii Makka iyo munaafaqiintii muslimiinta ku dhex
jirtey. Rasuulku SCW intaas oo dhan yahuudda
wuu u sabrayey maxaa yeelay heshiiskiii
ay lahaayeen ayuu ilaalinayey,
dagaallana way ku furnaayeen,
dhaawacna wuxuu soo gaaray ciidankii
muslimiinta oo dhowr bilood gudohood ayaa waxaa shahiidey 150 asxaabtii
Rasuulka SCW ka mid ah. Yahuudna
arrintani waxa ay u siyaadisey qooq iyo
xadgudub ilaa ay go'aansadeen in ay
Rasuulka SCW dilaan, sababtuna waxa ay
ahayd: Rasuulka SCW ayaa kaxeystay koox asxaabtiisa ka mid ah oo u tegey
reer banii Nadiir, wuxuuna kala hadlay in
ay la bixiyaan magtii labadii nin ee
Camar binu Umaya diley, maxaa yeelay
heshiiskii u dhexeeyey ayaa sidaas
farayey. Markaas ayey dheheen "waan kuu yeelaynaa Abal-Qaasim halkaan noo
fariiso inta aannu dantaada kaaga
fulineyno". Rasuulku SCW wuxuu fariistay
meeshii ay u tilmaameen oo ahayd derbi
guryahooda ka mid ah dhiniciis, isaga oo
sugayo in ay u fuliyaan ballantaas. Yahuuddii sheydaan ayaa xumaan u
qurxiyey, waxayna qaateen shir ay uga
hadlayaan sidii ay ku dili lahaayeen
Rasuulka SCW waxayna ugu dambayntii
isku raaceen in ay dilaan Rasuulka SCW
maaddaama uu maanta u soo gacan galay. Haddaba yahuudda oo lagu
yaqaanno in aysan si toos ah wax u dilin
ee shirqool iyo dhuumasho wax ku dilaan
waxa ay isku raaceen in derbiga
gadaashisa inta la istaago dhagax weyn
madaxa looga tuuro Nabiga SCW, markii uu dhintana ay dhaheen "dhagax ayaa ku
soo dhacay oo annagu ma aannaan dilin".
Waxaa markaa hadlay koodii ugu caqliga
badnaa oo la oran jirey Salaam binu
Mashkam oo yiri "arrintaas ha
sameynina, Ilaah baan ku dhaartaye waa loo khabrayaa (Rusuulka SCW) waxa aad
damacdeen, ballantii naga dhexeysana
way bureysaa", hase yeeshee fikraddaas
dheg jalaq uma aysan siin, waxayna
dhehee "yaa hawshan fulinaya?", waxaa
markaa yiri "aniga" koodii ugu shar badnaa oo la oran jirey Camar binu
Jaxash. Rasuulka SCW waxaa u yimid
Malaku Jibriil oo u sheegay waxa ay
go'aansadeen, markaas ayuu iska tegey
oo aaday dhinicii Masaajidka. Rasuulku
SCW wuxuu markaa yahuuddii reer banii Nadiir u soo direy Maxammed binu
Maslama wuxuuna ku soo yiri "ku dheh
ka guura Madiina ila degganaan
maysaane, waxaanna idiin qabtay 10
beri, ka dibna qofka aan ku arko oo
idinka ah qoorta ayaan u dheereynayaa". Yahuuddii amarkii Rasuulka SCW wey
diideen, wayna iska sii deggenaayeen
magaalada. Munaafaqii weynaa ee
Cabdullaahi binu Ubayna wuu sii
dhiirrigeliyey oo hoosta ayuu kala
xiriirey wuxuuna ku yiri "jooga oo ha bixina, guryihiinnana yaan la idinka
saarin, aniguna waxaan hastaa 2000 nin
oo dhufeyskiina idinla gelaysa idinlana
dhimanaysa". Allaahna SW haddalkaas
munaafaqa isaga oo tilmaamaya wuxuu
qur'aankiisa ku yiri: ((MA OGTAHAY IN KUWII MUNAAFIQIINTA
AHAA KU LEEYIHIIN WALAALAHOODII
GAALOOBAY (YAHUUDA) OO EHELU
KITAABKA KA MID AHAA HADDII LA IDIN
BIXIYO WAA IDIINLA BAXAYNAA, QOFNA
IDIIN ADEECI MAYNO WELIGEED, HADDII LA IDINLA DAGAALAMANA WAAN IDIN
GAR GAARAYNAA. ALLASE WAA OG
YAHAY IN AY (MUNAAFIQIINTU), HADDII
LALA DAGAALAMANA UMA AY GAR
GAARAYAAN, HADDII AY ISKU DAYAAN
IN AY U GAR GAARAANA DABADAY JEEDIN KA DIBNA LOOMA GAR GAARO)),
(Suuratul-Xashir 11-12). Yahuuddii markii ay hadalladaas
munaafiqiinta maqleen ayey ku
kadsoomeen, wuxuuna ninkii madaxda u
ahaa oo la oran jirey Xuyey binu
Akhdhab farriin u soo direy Rasuulka SCW
uu ku leeyahay "ka bixi mayno guryahayga ee waxaad doonto samee".
Rasuulka SCW markii uu warkaasi soo
gaaray ayuu takbiirsaday, asxaabtiisiina
way takbiirsadeen, ciidankiisiina wuu
soo kexeeyey, calankii muslimiintana
wuxuu u dhiibey Cali binu Abii-dhaalib. Madiinana wuxuu uga so tegey
Cabdullaahi ibnu Ummi Maktuum.
Yahuuddii markii ay Rasuulka SCW iyo
ciidammadiisii arkeen ayey
dhufeysyadoodii galeen. Rasuulkuna SCW
waa dul degey oo hareereeyey, wuxuuna amray in beerahooda la gooyo oo la gubo
si aysan ugu dhuuman una biilanin.
Allaahna isaga oo arrintaa tilmaamaya
wuxuu yiri: ((WIXII AAD GOYSAAN OO GEED AH (OO
CADAWGU LEEYAHAY) AMA AAD KA
TAKTAAN IYADOO KU TAAGAN SALKEEDA
WAA IDANKA ALLE IYO IN UU HOOJIYO
FAASIQIINTA)), (Suuratul-Xashir 5). Munaafaqiintii muslimiinta ku dhex jirtey
oo awal ballan qaaday in ay yahuud
dhufeyska la geli doonaan una gargaari
doonaan, far ma aysan dhaqaajin. Sidoo
kale yahuuddii reer banii Qureyda oo
Madiina wax ka degganayd iyo qabiilooyinkii reer qadafaan oo ay
xulafada ahaayeen midna uma soo
dhaqaaqin oo uma soo gurman. Rasuulku
SCW wuxuu ku hareereysnaa 6 beri
waxaa kaloo la dhahaa 15 maalmood.
Waxaana Ilaahay yahuud quluubtoodii ku ridey rucbi iyo argagax, wayna is
dhiibeen, hubkiina way dhegeen,
waxayna u soo cid direen Rasuulka SCW
iyaga oo leh "Madiina waan kaaga
guureynaa". Rasuulkuna SCW wuu ka
aqbalay laakiin wuxuu yiri "waxaad la bixi kartaan naftiina iyo ratigu wuxuu
idiin qaado oo aan hubku ku jirin". Ka dib
sidii ayey yeeleen oo hubkii ayey
dhigeen, guryihiina wixii ay sii
kharaabin kareen way sii kharaabiyeen.
Allaahna isaga oo arrintaa ka hadlaya wuxuu yiri: ((ALLE WAA KAN KA BIXIYAY KUWII
GAALOOBAY EE EHELU KITAABKA KA
MIDKA AHAA GURYAHOODII KULMINTII
HORABA, MA IDINNAAN MALAYNAYN IN
AY BAXAYAAN, IYANA WAXAY
MALEEYEEN IN DHUFAYSYADOODA ALLE KA CELINAYAN, ALLASE WAXA UU UGA
YIMID MEE3L AYSAN FILAYN, WAXA
UUNA QULUUBTOODA KU TUURAY
ARGAGAX, WAXAY GURYAHOODII KU
KHARAABIYEEN GACMAHOODA IYO
GACMAHA MU'MINIINTA, KU CIBRO QAATA DADKA ARAGTIDA LAHOW (WAXA KU
DHACAY DADKII ILAAHAY DIINTIISA LA
COLAYTAMAY), HADDUU ALLE KU
XUKUMIN IN AY BAXAAN WAXA UU
CADAABI LAHAA ADDUUNKA,
AAKHIRANA WAXA AY LEEYIHIIN CADAAB DARAN, MAXAA YEELAY WAXA
AY LA DHINAC TAMEEN ALLE IYO
RASUULKIISA SCW, QOFKII ALLE LA
DHINAC TAMANA, ALLE CIQAABTIISU WAA
DARAN YAHAY)), (Suuratyl-Xashar 2-4). Waxa ay rarteen 600 oo rati, in badan oo
iyaga ka mid ahaa oo ay ku jireen
odeyaashoodii waxa ay u guureen
Khaybar, qaarkii kalena waxa ay u
guureen dhinaca Shaam. Waxaa dadkaas
ka islaamay laba nin oo keliya, waxayna kala ahaayeen Yamin binu Camar iyo
Abuu Sacad binu Wahab. Labadaa nin
xoolohoodii waa loo celiyey. Waxaa Rasuulku SCW la wareegay
guryahoodii, dhulkoodi, beerahoodii,
maalkoodii iyo hubkoodii. Qaniimadaas
laga helay reer banii Nadiir waxay khaas
ku ahayd Rasuulka SCW in uu sidii uu
doono yeelo, khumusna lagama bixin, ciidankiina looma qaybin, maxaa yeelay
dagaal laguma soo qabsan. Allaahna
wuxuu arrintaa ku magacaabay
"Fey" (Feygu waa xolaha cadawga laga
furto iyada oo aan dagaal dhicin).
Rasuulku SCW wuxuu qaniimadaas u qaybiyey Muhaajiriin keliya, Ansaarna
wuxuu ka siiyey labo nin oo keliya,
labaad oo ceyr ahaa, kalana ahaa Abuu
Dujaana iyo Sahal binu Xuneyf. Waxaa
kale oo Rasuulku SCW ka nafaqeeyey
xaasaskiisa oo sannad biilkood ugu dhigay, xoolaha intoodii kalena wuxuu
Rasuulku SCW geliyey hub iyo wixii loogu
diyaar garoobi lahaa jihaadka jidka
Allaah. Duullaankaas reer banii Nadiir wuxuu
dhacay bishii Rabbiicul Awal, sannadkii
4aad ee hijriga, waxaana Ilaahay
duullaankaas ugu warramay Suuratul-
Xashar, wuxuuna Allaah suuraddaas ku
sifeeyey yahuuddii reer banii Nadiir iyo munaafiqiintii muslimiinta ku dhex
jirteyba, wuxuuna Cabdullaahi ibnu
Cabbas dhihi jirey suuraddaan "Suuradu-
Nadiir". Waxaa kale oo Allaah uu
suuraddaas ku caddeeyey axkaamta
Feyga iyo cidda la siinayo, wuxuuna ku ammaanay Muhaajiriin iyo Ansaar,
wuxuuna caddeeyey in ay bannaan tahay
in la gooyo oo la gubo dhulka cadowga
Alle, haddii maslaxad dagaal ay keento,
oo aysan arrintaasi ahayn israaf iyo
xadgudub. Aakhirka Suuradda wxuu Allaah ugu dardaarmay in ay xojiyaan
Taqwada Allaah una diyaar garoobaan
Aakhiro.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete