Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 56AAD

Casharka 56aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DILITAANKII ABUU RAAFIC Markii arrinkii reer banuu Qureyda
dhammaaday ayaa niman asxaabta ka
mid ahaa oo reer Khasraj ahaa Rasuulka
SCW u soo jeediyeen in ay soo dilaan nin
la oren jirey Salaam binu Abil-xaqiiq,
kunyadiisana la oran jirey Abuu Raafic, oo ka mid ahaa mujrimiintii ugu
waaweynaa yahuudda, degganaana
Khaybar, qayb weynna ka qaatay
abaabulkii duullaankii Axsaab, maal
badanna ku bixiyey, islaamkana aad u
dhibay. Iyadoo hore loo diley mujrimkii kale ee
Kacab binu Ashraf, asxaabtii disheyna ay
wada ahaayeen reer Aws ayaa markii
ninkaas dhibtiisa la arkay rag asxaabta
ka mid ah oo reer Khasraj ihi waxay
Rasuulka ka dalbadeen in ay soo dilaan kan, iyaga oo raba in ay khayrka kula
tartamaan walaalohood Aws, Rasuulkuna
SCW wuu u idmay in ay soo dilaan,
wuxuuna ka reebay in ay dumar iyo
carruur dilaan. Waxaa markaas baxday
shan nin oo reer Khasraj ah oo uu madax u yahay Cabdullaahi binu Cuteyk. Markii
ay tageen Khaybar oo ay u dhowaadeen
qalcaddii uu degganaa Abuu Raafic oo
aad u albaabbo badnayd, waardiye
adagna laga hayey, ayey sugeen ilaa ay
qorraxdu ka dhacdo. Markii ay qorraxdii dhacday dadkii shaqaalaha ahaana ay
soo carraabayeen, ayuu Cabdullaahi binu
Cuteyk raggiisii ku yiri "meeshan sii
jooga, albaabbada ayaan aadayaaye,
waxaana la arkaa in aan galo".
Cabdullaahi meeshii ayuu tegey oo u dhowaaday, ka dibna wuxuu iska dhigay
nin dadka meesha ka mid ah oo albaabkii
buu galay, dabadeedna albaabkii waa la
xiray furayaashiina meel ayaa la saaray. Cabdullaahi wuxuu yiri "furayaashii
ayaan qaatay ka dibna albaabbadii baan
furey, Abuu Raaficna qowlad kore ayuu
joogey, agtiisana waa la joogey. Markii
ay ka tageen (dadkii) ayaan u koray,
albaab kasta oo aan furana markii aan galo ayaan sii xirayey ilaa aan ugu
dambayntii ugu tegey qol mugdi ah isaga
oo la jiifa reerkiisa, mana ogayn qolka
dhinac uu ka jiifo, markaas ayaan iri
"Abuu Raafic", wuxu yiri "waa kuma?",
markaas ayaa inta aan dhinicii codku ka yeeray aaday seef ku dhuftay, waxbase
kama tarin, markaas ayuu qayliyey. Inta
aan guriga ka baxay ayaan mar kale ku
soo laabtay oo ku iri "muxuu ahaa
dhawaaqu Abuu Raafic?", markaas ayuu
yiri "war hooyadda ha hoogtee nin guriga ku dhex jira ayaa seef igu
dhuftay". Markaas ayaan ku dhaqaaqay
oo seef ku dhuftay, markii aan arkay in
uusan weli dhimanna seeftii ayaan
caloosha ka geliyey ilaa ay ka baxday
dhabarkiisa, markaas ayaan ogaaday in aan diley. Ka dibna waan soo baxay oo
albaabbadii ayaan mid mid u furay ilaa
aan ka wada baxay laakiin meel ayaan
ka dhacay oo dhudhunka ayaa i jabay,
markaasaan cimaamaddaydii iskaga
xiray, waxaanna fariistay albaabkii agtiisa aniga oo niyada ka leh "caawa
bixi maayo ilaa aan ka hubsado in aan
diley". Markii qayladii isku yeertay ayaan
raggaygii u tegey oo ku iri "soo baxa
cadawgii Alle waan dilaye". Dabadeedna
Nabiga SCW ayaannu u tagnay oo arrintii u sheegnay, markaas ayuu i yiri "fidi
lugtaada", markii aan fidiyey wuu iga
masaxay, waxayna noqotay sidii iyada
oo aan xanuunsanba.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete