Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 59AAD

Casharka 59aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW ISRAACRAACII ILAALOOYINKA Waxaa israacraacay duullaamadii iyo
ilaalooyinkii uu Rasuulku SCW u kala
dirayey jihooyinka, waxayna ahaayeen
sidatan: 1. Wuxuu Rasuulku SCW direy bishii
Rabbiicul-Awal ama Rabbiicul-Aakhir,
sannadkii 6aad ee hijriga koox ilaalo ah
oo ka koobnayd 40 nin oo uu
hoggaaminayey Cukaasha binu Muxsin,
waxayna aadeen meesha la yiraahdo Qamri oo reer banii Asad degganaayeen.
Cukaasha iyo raggiisii markii ay gaareen
meeshii loo direy ayey qabiilkii kala
carareen, muslimiintiina waxa ay soo
kaxeysteen 200 oo halaad oo dadkaasi
lahaayeen, waxayna ku soo laabteen Madiina. 2. Sidoo kale isla bishii Rabbiicul-Awal
ama Rabbiicul-Aakhir, , sannadkii 6aad
ee hijriga, wuxuu Rasuulku SCW u direy
meesha la yiraahdo Dil-qasa oo ay
degganaayeen reer banii Thaclaba koox
ilaalo ah oo ka koobnayd 10 nin uuna madax u ahaa Maxammed binu Maslama.
Maxammed binu Maslama iyo kooxdiisi
way bexeen, markii ay meeshii gaareen
ayaa iyaga oo hurda waxaa u yimid
qabiilkii ay u socdeen oo 100 nin gaaraya
ayaa iyaga ayey wada dileen kooxdii muslimiinta ahayd ilaa Maxammed binu
Maslama oo dhaawac ahaan uga fakaday
maahane. 3. Markii la laayey asxaabtii Rasuulka
SCW ee uu hoggaaminayey Maxammed
binu Maslama ayaa Rasuulka SCW isla
meeshii Dil-qasa ee reer banii Thaclaba u
diray ciidan kale oo gaaraya 40 nin, uuna
madax u yahay Abuu Cubeyda ibnu Jarraax, waqtigaas oo ahaa bishii
Rabbiicul-Aakhir, sannadkii 6aad ee
hijriga. Abuu Cubeyda iyo ciidankiisii
markii ay gaareen meeshii goor subax ah
ayaa reer banii Thaclaba ka baqday
meeshii. Waxay markaa muslimiintu soo kaxeysteen xoolo ay lahaayeen, ninna
way soo qafaasheen, wuuna islaamay
ninkaasi. 4. Sidoo kale isla bishii Rabbiicul-Aakhir,
sannadkii 6aad ee hijriga wuxuu
Rasuulku SCW diray ciidan uu
hoggaaminayo Seyd binu Xaarith,
wuxuuna u direy meesha la yiraahdo
Jumuum oo ay deggenaayeen reer banuu Suleym oo ahaa nimankii Bi'ru Macuuna
ku laayey 70kii oo asxaabta Rasuulka
SCW aha. Seyd iyo ciidankiisii markii ay
meeshii gaareen ayey waxay qabteen
haweeney oo kaxaysteen si ay u tusto
meesha ay joogaan reer banuu Suleym, markii ay tageen meeshii ayey dadna ka
soo qafaasheen xoolona ka soo
kaxeysteen. 5. Sidoo kale bishii Jamaadul-Awal isla
sannadkii 6aad ee hijriga wuxuu
Rasuulku SCW direy ciidan gaaraya 170
nin oo uu madax uga dhigay Seyd binu
Xaarith, wuxuuna ciidankaas u direy
meel la yiraahdo Ciis. Seyd iyo ciidankiisii way bexeen, waxayna
meeshii ka soo qafaasheen safar
qureysheed oo uu waday Abul-Caas, oo
ahaa ninkii qabay gabadhii Rasuulka
SCW ee Seynab. Markii safarkii iyo Abul-
Caas la keenay Madiina ayaa markii salaadda subax la tukanayey Seynab ay
gadaal ka hadashay oo tiri "dadow aniga
ayaa magan geliyey Abul-Caas", markaas
ayaa Rasuulku SCW asxaabtiisa ku yiri
"waad maqasheen waxa ay tiri, marka
waxaan idiinka codsanayaa maalkiisiina haddii aad u celin kartaan in aad u
celisaad", markaas ayey asxaabti u wada
celiyeen maalkiisii, waana la iska sii
daayey isaga iyo maalkiisiiba. Abul-Caas wuxuu ku laabtay Makka,
wuxuuna xoolihii u celiyey dadki lahaa,
ka dibna wuu islaamay oo Madiina ayuu
u soo hijrooday. Markii uu Madiina
yimidna Rasuulku SCW wuxuu ku celiyey
Seynab, nikaaxoodii hore ayuuna isugu celiyey oo nikaax kale ma samayn. Waxa
ayna kala maqnaayeen saddex sano iyo
bar, mana ka furmin intii uu Abul-Caas
gaalnimada ku jirey oo waxay ahayd
intii aan muslimiinta iyo gaalada la kala
xarriimin. Laakiin intii muslimiinta iyo gaalada la kala xarrimay wixii ka
dambeeyey haddii labo qof oo is qaba
midkood islaamo, midna gaalnimadii ku
haro way kala furmaayaan, waana kala
xaaraan in ay is qabaan labo qof oo midi
muslim yahay midna gaal, ismana guursan karaan ilaa waxa keliya oo laga
soo reebay in ragga muslimiinta ahi
guursadaan dumarka Ehlu-kitaabka ah
(yahuud iyo nasaara) ee dhowrsan, in
kastoo ay ka kheyr badan tahay in ninka
muslimka ihi guursado gabar dhowrsan oo muslim ah. Gabadha muslimadda ah
iyada xaaraam ayey ka tahay in ay
guursato nin gaal ah loomana oggola,
nikaaxooduna ma ansaxayo. 6. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW direy
bishii Jamaadul-Aakhir, isla sannadkii
6aad ee hijriga ilaalo uu hoggaaminayo
Seyd binu Xaarith oo ka koobnayd 15 nin,
wuxuuna u direy meel la oran jirey
Dharifi, oo ay daganaayeen reer Banii Thaclaba. Hase yeeshee reer Banii
Thaclaba waxa ay u maleeyeen in
Rasuulku SCW ku soo baxay markaas
ayey carareen. Seyd iyo kooxdiisii waxa
ay ku soo laabteen Madiina, waxa ayna
maqnaayeen afar habeen. 7. Sidoo kale wuxuu Rasuulku SCW bishii
Rajab isla sannadkii 6aad ee hijriga direy
ilaalo ka koobnayd 12 nin oo uu madax u
ahaa Seyd binu Xaarith, wuxuuna u direy
meesha la yiraahdo Waadil-Quraa si ay u
soo ogaadaan dhaqdhaqaaqa cadowga, hase yeeshee markii ay meeshii tageen
ayaa waxaa weerar ku soo qaaday
dadkii meeshaa degganaa, waxa ayna
dileen sagaal nin, saddex uu Seyd ku
jirana way ka baxsadeen. 8. Wuxuu sidoo kale Rasuulku SCW direy
ciidan gaaraya 300 oo nin oo uu u direy
in ay ka hortagaan safar qureysheed,
wuxuuna ciidankaas madax uga dhigay
Abuu Cubeyda ibnu Jaraax, waxaana
ciidankani intii uu maqnaa qabatay gaajo aad u daran, waxa ayna qasheen saddex
neef oo geel ah oo ka mid ahaa
gaadiidkii ay wateen, Abuu Cubeyda oo
ahaa amiirkii ciidanka ayaa markaa ka
joojiyey arrintaan ah in ay qashaan
gaadiidkooda. Dabadeed baddii ayaa u soo tuurtay Cambar (nibiri) iska
weynaaday oo ay cunayeen bil barkeed,
ka dibna waxa ay ku soo laabteen
Madiina iyaga oo hilibkiisii wax ka mid
ah wata. Markii ay Rasuulka SCW u
sheegeen wuxuu ku yiri "waa risqi Ilaahay idiin soo saaray ee wax ma ka
haysaan hilibkiisii", markaas ayey u
keeneen. Waxa aan in badan siirada ku arkaynaa
in Rasuulku SCW uu marar badan dirayey
cidamo ilaalooyin ah oo cadadkoodu yar
yahay, arintaas oo xikmaddo ku jirta uu
Alle garanayo, waxaa hadana ugu
muhiimsanaa sadex qodob oo kala ah sidan: 1) Ciidanka wayn oo aan had iyo jeer bixi
karin, una baahnaa dhaqaale badan iyo
tabaabushe, maxaa yeelay qof walba
waa garan karaa dhaqaalaha uu u
baahan yahay ciidan gaaraya 2,000, oo
maqnaanaya bil iyo ka badan, maalinkiina qalanaya 20 geel ah. 2) Ciidamadaas la dirayey waxa ay u
badnaayeen ilaalooyin cadadkoodu intuu
doono uu noqon karo, ilaalana waa la
yaqaannaa maata oo waxaa weeyey
ciidan loo direy arrin, oo aan ahayn
dagaal musalax ah, inkasta oo aan arkayno in ilaalooyinka qaarkood ay
ahaayeen ciidan xoog badan oo duullaan
qaaday. 3. Waxa ay ahaayeen ciidamadaas
ducaad dadka ugu yeeraya diinta Alle,
waxayna muhiimaddooda ahayd in ay
dadka gaarsiiyaan dacwada islaamka,
iyaga oo adeegsanaya habkii
wanaagsanaa ee Rasuulku SCW u baray, sidaa daraadeed haddii loo diido in ay
xaqii dadka gaarsiiyaan, oo lagula
dagaalamo diinta Alle, waxa ay raggii
ducaada ahaa oo jilicsanaa isku badali
jireen kumaandoos manexeyaal ah, oo
hoojiya cadawga Alle.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete