Casharka 67aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DUULLAANKII DAATU-RIQAAC Markii Rasuulku SCW ka soo jeestay laba
garab (Qureysh iyo Yahuud) oo ka mid
ahaa saddexdii gaashaanbuur oo Axsaab
ku wada jirey ayuu u soo jeestay
garabkii 3aad oo ahaa qabiilladii reer
Qadafaan. Duullaankii lagu qaaday reer Qadafaan wuxuu ahaa mid ka duwan
kuwii hore maxaa yeelay kuwani ma
aysan lahayn magaalooyin iyo dhufeysyo
ee waxa ay ahaayeen qabiilo kala
firirsan oo reer baadiye ah. Duullaankan, oo sida loo badan yahay,
ahaa bishii Rabbiicul-Awal, sannadkii
7aad ee hijriga. Rasuulku SCW markii uu
maqlay in ay in urursanayaan qabiillo ka
mid ah reer Qadafaan ayuu kaxaystay
ciidan 400 ama 700 oo nin ka kooban. Madiinana wuxuu mas'uul uga sii dhigay
Abuu Darr Al-qafaari ama Cusmaan binu
Cafaan. Labo maalmood markii ay
Rasuulka SCW iyo ciidankiisii ka sii
socdeen, oo ay marayaan meel la
yiraahdo Nakhab, ayey la kulmeen ciidan reer Qadafaan ah hase ahaatee wax
dagaal ihi ma dhicin. Waxyaabaha dhacay intii jidka lagu jirey
waxaa ka mid ahaa in maalin kulayle ah
ay Rasuulka SCW iyo ciidankiisii meel
degeen, markaas ayey asxaabtii geed
hoos fiican Rasuulku SCW uga tageen
iyagiina dhirtii kale isu kala qaybiyeen. Rasuulka SCW geedkii ayuu markaas hoos
seexday, seeftiisiina meel kore ayuu
surtay. Goor uu Rasuulku SCW hurdo ayaa
waxaa u yimid nin reer baadiye ah oo
gaal ah, markaas ayuu inta seeftii qaatay
ag istaagay Nabiga SCW. Rasuulka SCW ayaa indhaha kala qaaday oo arkay
ninkan seeftiisii la soo baxay oo dul
taagan, intii uusan hadlin ayaa gaalkii
hadlay oo yiri "ma iga baqaysaa?",
Rasuulku SCW "maya" ayuu ugu
jawaabay, ninkii ayaa yiri "yaa iga kaa celinaya?", "Allaah" ayuu Rasuulku SCW
yiri. Intaa markii la is yiri ayey seeftii
ninkii ka dhacday, Rasuulku SCW ayaa
seeftii qaatay oo ku yiri "yaa iga kaa
celinayaa?", wuxuu ninkii yiri "noqo mid
wax qaada kan ugu kheyr badan", Rasuulku SCW wuxuu ku yiri "ma
qiraysaa in Allaah ma ahane uusan Ilaah
kale jirin, aniguna aan ahay Rasuulkii
Alle?", markaas ninkii yiri "waxa aan kaa
ballan qaadayaa in aanan kula
dagallamin, cid kula dagaallamaysana aanan raacin". Rasuulku SCW markaas ayuu asxaabtii u
yeeray oo u sheegay qisadii iyada oo uu
ninkii ag fadhiyo, ka dibna wuu iska
cafiyey, ninkiina markii uu ciddiisii u
tegey ayuu ku yiri "waxa aan idinkaga
imid dad kii ugu kheyr badnaa agtisa (nabiga SCW). Qisadan iyo kuwa la midka ah waxa aan
ka arkaynaa sida uu Rasuulku SCW u ahaa
mid cafis iyo naxariis badan, in badanna
waxa aynu ku arkaynaa siirada in haddii
Rasuulka SCW shakhsiyaddiisa lagu soo
xad gudbo in uusan ka ficil qaadan jirin ee uu iska cafin jirey iyada oo la og
yahay shakhsiyadda Rasuulka SCW oo
lagu xad gudbo in ay la mid tahay
islaamka oo lagu xad gudbay, haddana
haddiii aysan ahayn dhib weyn wuu iska
dhaafi jirey, hase yeeshee markii islaamka wax yar lagu xad gudbo wuu ka
xanaaqi jirey oo ka ficiloon jirey sidaa
ayaana laga doonayaa qofka muslimka
ah ee waddadii Rasuulka SCW ku taagan
in uu in badan wixii shakhsiyaddiisa la
yeelo iska dhaafo, haddii aysan soo noqnoqon, laakiin haddii diinta Alle lagu
xad gudbo in uu ka qiiroodo oo uu siduu
wax uga qaban karo uga qabto. Sidoo
kale waxa aan arkaynaa geesinimadii
Rasuulka SCW iyo sida uusan bani
aadamka uga baqayn, Rabbigiisna ugu kalsoonaa, Alle ayaana ka ilaashay
sharta bani aadamka, wuxuuna Ibnu
Hishaam sheegay in arrintan sababteeda
ay aayadan ku soo dagtay. ((DADKA ALLE RUMEEYAYOW XUSUUSTA
NIMCADII ALLE IDIIN GALAY MARKII AY
DAD DAMCEEN INAY IDIIN FIDIYAAN
GACMAHOODA (SI AY IDIIN WAX
YEELAAN) OO UU IDINKA QABTAY
GACMAHOODA, ALLE KA BAQA, HANA TALA SAARTAAN ALLE MU'MINIINTU)),
(Suuuratul-Maa'ida 11). Arrinimii kale ee dhacay duullaankan
dhexdiisa waxaa ka mid ahaa in
Rasuulku SCW uu habeen waardiye ka
dhigay labada saxaabi ee la kala oran
jirey Cammaar binu Yaasir iyo Cubaaba
binu Bishiir, markaas ayaa iyaga oo is bedbeddalaya u Cammaar seexday,
Cubaadana salaad galay. Waxaa u yimid
nin gaaladii reer baadiyaha ahayd ka mid
ah oo ehelkiisii wax la soo yeelay, ka
dibna ku soo nadray in uu asxaabta
Nabiga SCW dhiig ka soo daadiyo. Markii uu yimid ciidankii muslimiinta meeshii
uu degganaa ayuu arkay ninka taagan
(Cubaadda) oo gartay in ay yihiin
asxaabtii Rasuulka SCW, fallaar ayuu ku
soo ganay oo ku dhuftay hase ahaatee
Cubaada isma dhaqaajin, mid labaad ayuu ku dhuftay, Cubaadana ma
dhaqaaqin, mid saddexaad ayuu ku
dhuftay oo cararay. Cubaada salaaddiisii
kama bixin ilaa uu ka dhammaystay,
markaas ayuu saaxiibkiis Cammaar
kiciyey. Cammaar markii uu arkay Cubaada oo saddex fallaarood ku yaalliin,
dhiigguna ka daadanayo ayuu ku yiri
"Subxaanallaah, war maxaad ii kicin
weydey?", markaas ayuu Cubaada yiri
"suurad macaan ayaan akhrinayey oo
wax aan nacayey in aan iska kala gooyo". Ugu dambaynti duullaankan Daatu-
Riqaac oo lagu qaaday qabiilladii reer
Qadafaan wax weyn ayuu ka beddelay
jawigi reer Qadafaan oo wixii
duullaankan ka dambeeyey cagaha ayey
dhulka dhigeen, waxa ayna bilaabeen islaamid iyo heshiis. Arrintaas waxaa
caddaynaya in sannadkii duullaankaas ka
dambeeyey 8aad ee qabiillo badan oo
reer Qadafaan ihi ku jireen ciidankii
muslimiinta iyaga oo soo islaamay.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete