Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 68AAD

Casharka 68aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW ILAALOOYINKII DAATU-RIQAAC
KADAMBEEYEY Rasuulku SCW markii uu ka soo laabtay
duullaanki Daatu-Riqaac ma uusan bixin
ilaa laga gaaray bishii Shawaal ee isla
sannadkii 7aad ee hijriga hase yeeshee
wuxuu muddadaas iska daba diray
dhowrkan sariyo (ilaalo). 1. Ilaaladii uu madaxda u ahaa Qaalib
binu Cabdullaahi Layth oo uu u diray reer
banii Mullaax bishii Safar ama Rabbiicul-
Awal, sannadkii 7aad hijriga. Sababta loo
direy ciidankanna waxa ay ahayd in ay
reerkaasi dileen rag muslimiinta ka tirsanaa. Qaalib iyo kooxdiisii way
bexeen, markii ay tageen degaankii
qabiilkaas ayey ragna ka soo dileen,
xoolana ka soo kaxaysteen, kana soo
laabteen. Qabiilkii ayaa isu habar
wacday oo ciidan aad u tiro badan ka soo daba direy Qaalib iyo kooxdiisii hase
yeeshee markii ay u soo dhowaadeen
ayaa Ilaahay keenay roob xoog badan oo
dadkiisii kala xiray labadii ciidan, sidaas
ayaana lagu kala tegay. 2. Ilaaladii uu hoggaaminayey Cumar
binu Khadhaab oo uu Rasuulku SCW bishii
Shacbaan, sannadkii 7aad ee hijriga u
direy Turba oo ay degganaayeen reer
banii Hawaasin. Ciidankan oo ka
koobnaa 30 nin habeenkii ayey socon jireen, maalintiina way is qarin jireen si
aan looga war helin oo ay u kediyaan
acdaa'da Ilaahay, hase ahaatee reer
Hawaasin way ka war heleen ciidanka,
wayna kala carareen. Cumar iyo
kooxdiisii way raadiyeen hase ahaatee waxba ma soo helin, ka dibna Madiina
ayey ku soo laabteen. 3. Ilaaladii uu madaxda u ahaa Bashiir
binu Sacad Al-ansaari oo uu Rasuulku
SCW isla bishii Shacbaan, sannadkii 7aad
ee hiriga u direy reer banii Mura.
Ciidankan oo ahaa 30 nin meeshii loo
direy ayey tageen oo soo gabagabeeyeen, ka dibna soo noqdeen,
hase yeeshee waa laga daba yimid oo
dagaal daran ayaa dhex maray iyaga iyo
qabiilkaas. Asxaabtii oo dhan goobtaas
ayey ku wada shahiideen Bashir binu
Sacad ma ahane, isaguna dhaawac ahaan ayuu nin yahuudi ah gurigiis ku tegey,
markii uu raystayna Madiina ayuu ku soo
laabtay. 4. Ilaaladii uu hoggaaminayey Qaalib
binu Cabdullaahi Layth oo uu Rasuulku
SCW bishii Ramadaan, sannadkii 7aad ee
hijriga u direy reer banii Cabdi binu
Thaclaba iyo reer banii Cawaal. Ciidankan
oo 130 nin gaarayey waxa ay soo guteen hawshii loo direy dabadeedna way soo
naqdeen. 5. Ilaaladii uu madaxda u ahaa
Cabdullaahi binu Rawaaxa oo uu
Rasuulka SCW bishii Shawaal, sannadkii
7aad ee hijriga u direy Khaybar
(akteeda). Rasuulku SCW markii uu
maqlay in nin la yiraahdo Bashiir binu Saraam uu ururinayo ciidan reer
Qadafaan ah si ay muslimiinta ugu soo
duullaan ayuu ciidankan oo 30 nin ka
koobnaa u direy. Cabdullaahi iyo
ciidankiisii waxa ay tageen meeshii,
waxayna gacanta ku soo dhigeen 30 nin oo uu ku jiro ninkii madaxda u ahaa, ka
dibna markii ay dhex marayaan ayey
nimankii khiyaama sameeyeen oo isku
dayeen dil markaasaa la laayey. 6. Ilaaladii uu hoggaaminayey Bashiir
binu Sacad oo uu Rasuulku SCW isla bishii
Shawaal, sannadkii 7aad ee hijriga u
direy Qadafaan. Ciidankan oo 300 nin
ahaa sababta loo diray waxa ay ahayd in
qoladaas qaar ka tirsan ay abaabul sameeyeen si ay Madiina u miraan.
Bashiir iyo Ciidankiisii habeen socod
ayey ahaayeen, maalintiina way is qarin
jireen si aan loo ogaan hase ahaatee
qabiilkii wuu ka war helay wuuna
baqday. Ciidankaas waxa uu ku soo laabtay Madiina isaga oo qaniimo badan
iyo labo nin oo qafaal ah wata. Labada
nin markii Rasuulka SCW loo keenay way
islaameen. 7. Ilaaladii Qaalib binu Cabdullaahi laythi
oo uu Rasuulku SCW diray bishii
Ramadaan sannadkii 8aad ee hijriga
uuna u diray reer banii Cawaal iyo reer
banii Cabdi Thaclaba, waxaana
ciidankaani dhamman 130 nin. Qaalib iyo ciidankiisii meeshii ayey tageen,
waxayna weerareen cadawgii oo wixii
la dagaalamay ayey dileen ka dibna
xoolo ayey kasoo kaxaysteen waxayna
ku soo laabteen Madiina. Ilaaladaan
weeye midda uu Usaama binu Sayd dilay nin ka mid ah dadkii la dagaalamayey oo
ashahaatay, Rasuulkuna SCW markii loo
sheegay waxa uu Usaama ku yiri
"mawaxaad dishay markuu Laa Ilaaha
illa Laah yiri ka dib", wuxuu yiri Usaama
"Rasuulkii Allow wuu iiga gabanayey" wuxuu yiri Rasuulku SCW
"maqalbigiiisaad jeexday oo aad ka
ogaatay in uu Run sheegayey iyo in uu
Been sheegayey". Allaah SW isaga oo
arintaa ka hadlaya waxa uu qur'aankiisa
ku yiri: ((KUWA MU'MINIINTA AHOW MARKAAD U
BAXDAAN JIDKA ALLE WAX CADDAYSTA
(HUBSADA) OO HA DHIHININA QOF
SALAAM IDIIN SOO GUDBIEY MU'MIN
MATIHID IDINKOO DOONAYA BIRBIRKA
ADDUUNKA, ALLE AKTIISA AYEY AHAATAY QANIIMO BADANE, SAASOO
KALE AYAAD AHAYDEEN (IDINKUBA)
AWAL, ALLAANA IDIN GALADAYSTAY (OO
IDIN SOO HANUUNIYEY) EE WAX
CADAYSTAY (OO HUBSADA ARRINKA),
ALLENA WAXA AAD CAMAL SAMAYNAYSAAN WAA GUN OGYAHAY)),
(Suuratu-Nisaa' 94). Sidoo Allahba aayadan ku sheegay qofkii
gaalka ahaa ee kula dagaalamayey
haddii uu dagaalkii joojiyo oo uu
ashahaato, dhiigiisu waa xaraan lamana
dili karo, maxaa yeelay awalba waxaa
loola dagaalamayey in uu Addoon unoqdo Rabbigiis, haddii taas laga helana
faraha ayaa laga qaadayaa, sidoo kale
haddii uu gaalku ogolaado jisyo iyo
heshiis isna waa la nabad gelinayaa mar
hadduusan diinta Alle ka hor imaanayn
oo uu ogol yahay in ay ummada gaarto, sidoo kale waxaa lala dagaallamayaa
ciddii dida Rugni islaamka ka mid ah sida
Salaadda, Sakada, Xukunka shareecada
islaamka iwm haba sheegtaan islaam,
waxaana dagaalkoodu ku eg yahay ilaa
ay ka ogolaadaan oo ay ka laabtaan. Abuubakar Sidiiqna waxa uu la
dagaalamay dadkii Sakada diiday marki
Rasuulku SCW dhintay ilaa ay ka soo
laabteen, mana aysan dafirin dadkaasi
Sakada, ee waxay is moodsiiyeen in ay
Rasuulka SCW ku khaas ahayd, hase yeeshee qofku hadduu toos u jaaxido oo
uu yiraahdo iguma waajibin Salaada ma
Sako iwm ah ama uu inkiro Xukunka
shareecada islaamka, is kuma
khilaafsana culimada islaamku in uu
qofkaasi yahay murtad islaamka ka baxay. 8. Ilaaladii Xadrat Al-aslami oo uu
Rasuulku SCW direy ka dib markii uu ka
war helay in nin u dhashay qabiilkii
Jasnam binu Mucaawiye uu wax
abaabulayo. Abii Xadrad iyo ciidankiisii
oo 13 nin ahaa waxay isticmaaleen khiddad cadawgiina waa jabay. 9. Sidoo kale Rasuulku SCW diray koox
ilaalo ah oo uu madax u ahaa nin Ansaar
ah (oo la oran jirey Cabdullaahi binu
Xudaafa) wuxuuna Rasuulku SCW
kooxdaan amray in ay ninkaas uu
madaxda uga dhigay ay maqlaan, markii meel la marayo ayuu u carooday
markaasuu ku yiri "ii keena qoryo", wey
keeneen, wuxuu yiri "dab shida", way
shideen, markaasuu ku yiri "saw idinma
amrin Rasuulku SCW in aad i maqashaan
oo i adeecdaan", waxay dheheen "haa", wuxu yiri "gala dabka", waxay dheheen
"waxaan Rasuulka SCW ugu soo
cararnayba waa naar ka carar", ka dib
wuu iska caro baab'ay dabkiina waa la
iska damiyey, dabadeed markii Rasuulka
SCW loo yimid ayey arrintii u sheegeen markaas yiri "hadday gali lahaayeen
dabka kama aysan bexeen (naarta), is
adeecitaanku waa wixii wanaag ah.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete