Casharka 69aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW CUMRADII LA SOO QALEEYEY Waxa aan soo marnay in bishii Dul-Qacda,
sannadkii 6aad ee hijriga ay Rasuulka
SCW iyo asxaabtiisu aadeen Makka iyaga
oo doonaya Cumro hase yeeshee ay
qureysh u diidey in ay xaramka galaan,
ka dibna halkaas uu ka dhacay heshiiskii Xudeybiya. Heshiiskaa waxaa ka mid
ahaa in ay muslimiintu sannadkaas
noqdaan oo ay soo cumraystaan
sannadka kale iyada oo loo oggol yahay
saddex beri oo kel ah. Haddaba Rasuulku
SCW isla bishaa, sannadkii 7aad ee hijriga ayuu soo xirtey Cumro,
asxaabtiisana amray in ay cumradii
sannadkii hore ka baaqatay soo
qaleeyaan. Rasuulku SCW waxaa kale oo
uu amray in asxaabtii la socotay
sannadkii hore aysan ka harin sidaa darteed waxaa raacay intii Xudeybiya la
socotay intii ka dhimatay ama shahiiday
maahane, waxaa kale oo raacay dad kale
oo aan la socon Xudeybiya. Tirada dadka
Nabiga SCW raacay waxa ay ahaayeen
2,000 oo nin marka laga reebo dumarka iyo caruurta, wuxuuna Rasuulku SCW
Madiina madax uga sii dhigay
Cabdiraxmaan ibnu Cawf. Rasuulku SCW
wuxuu kexeeyey hadyi dhan 60 geel ah,
waxaana u wadey Najaaba binu Jundub
Al-aslami. Cumrada wuxuu Rasuulku SCW ka xirtay
meesha ay haddaba ka xirtaan dadka ka
imaanaya Madiina iyo dhinaceeda oo la
yiraahdo Dil-Xuleyfa. Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisu way qaateen hubkoodii
dagalka oo dhan maxaa yeelay cadowga Ilaahay la iskuma aammini karo oo
waxaa laga yaabaa in ay makri iyo
khiyaamo sameeyaan hase yeeshee
waxaa hubkaas la dhigtay meel la
yiraahdo Yajuj oo duleedka Makka ahayd,
wuxuuna Rasuulku SCW hubkaas u reebay 200 oo nin oo uu madax u ga
dhigay Aws binu Khawli. Rasuulka SCW
oo ciidanka intiisii kale wata, hubkii
socotadana sita, seefuhuna ay galkooda
ugu jiraan ayaa u soo gudbay xaramka. Rasuulku SCW wuxuu dawaafayey isaga
oo hashiisii saaran, asxaabtuna iyaga oo
seefohoodii gaashaaman ayey la
dawaafayeen oo talbiibsanayeen. Sidii
ballantu ahayd gaaladii qureyshtu way u
faaruqiyeen Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa xaramka iyaga oo fuulay
buur ku taala dhinaca waqooyi ee
kacbada si ay u daawadaan Rasuulka
SCW iyo ciidankiisa. Waxa ay ku
sheekaysanayeen "waxaa yimid
Maxammed iyo asxaabtiisii oo ay qandhadii Yathrib (Madiina) ay tabar
darnaysiisay". Rasuulku SCW markii uu
maqlay warkoodaas ayuu asxaabtiisii
amray in ay maradooda kore gacata
midig hoos ka mariyaan oo bannaanka
ula soo baxaan sida haddaba ay raggu yeelaan. Waxaa kale oo uu Rasuulku SCW
amray asxaabta in ay saddexda dawaaf
oo hore ay rucleeyaan, labada rukni ee
dhinaca kale xigana la socdo si uu
cadowga Ilaahay u arko xoogga iyo
awoodda muslimiinta. Gaaladii markii ay arkeen asxaabtii oo
maradu u qaaran tahay oo rucleynaya
ayey yiraahdeene "maxaa loo lahaa
nimankaan qandho ayaa tabar
darnaysay, wax kasta way ka xoog
badan yihiin". Markii uu Rasuulku SCW dawaafkii dhammaystay wuxuu orday
Safa iyo Marwa dhexdooda, ka dibna
hadyigii ayuu ag istaagay oo yiri halkaan
ku qala, meel walba oo Makka ka mid
ahna waa lagu qali karaa". Meeshii ayuu
Rasuulku SCW hadyigii ku gowracay, timihiina ku xiirtay, asxaabtiina sidaa oo
kale ayey yeeleen. Rasuulku SCW wuxuu u direy raggii
hubka ilaalinayey ciidan soo baddala si
ay u so cumraystaan, ka dibna way
cumraysteen. Rasuulku SCW Markii uu
Makka joogey saddex beri, ayey gaaladii
maalinkii 4aad u yimaadeen Cali binu Abii-Dhaalib oo ku yiraahdeen "u sheeg
saaxiibkaa (nabiga SWC) ha naga baxo,
muddadii way u dhammaatayey",
markaas ayey Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisii bexeen oo degeen meesha la
yiraahdo Saraf. Rasuulku SCW markii uu Makka ka sii baxayey waxaa soo daba
orday gabar yar oo uu dhalay adeerkiis
Xamsa, waxa ayna tiri "adeer, adeer",
markaas ayuu gabadhii u dhiibay Cali iyo
Faadumo. Ka dib waxaa gabadhii ku
dooday Cali binu Abii-Dhaalib, Jacfar binu Abii-Dhaalib iyo Seyd binu Xaarith oo uu
mid walba doonayey in uu bagadha isagu
koriyo. Rasuulku SCW wuxuu u xukumay
Jacfar maxaa yeelay in kasta oo uu Cali
ula siman yahay haddana Jacfar wuxuu
qabay haryarteed, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "habaryartu waa booskii
hooyada". Cumradaas ka dib wuxuu Rasuulku SCW
guursaday Maymuuna bintu Xaarith, oo
intii uusan xaramka ka tegin ayuu u direy
Jacfar binu Abii-Dhaalib si uu ula soo
hadlo, ka dib way yeeshay oo waxay
wilaayadeedii u dhiibatay Cabbaas binu Cabdimudhalib oo qabay walaasheed,
Cabbaasna wuu u meheriyey Nabiga
SCW. Markii ay muddadii cumradu
dhammaatay ayuu Rasuulku SCW reebay
Raafic si uu Maymuuna u soo kexeeyo.
Raafic wuu soo kaxeeyey Maymuuna wuxuuna uga daba yimid Rasuulka SCW
iyo asxaabtii kale meeshii ay degeen oo
ahayd Saraf, ka dibna Madiina ayaa loo
laabtay.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete