Monday, 5 September 2011

CASHARKA 6AAD

Casharka 6aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW GUURKII KHADIIJA Markuu Rasuulka SCW 25 sano gaaray
wuxuu guursaday Khadiija bintu
Khuweydlad. Khadiijo waxay ahayd qof
maalqabeen ah quruxna leh oo ka
sheegganayd haweenkii qureysheed,
waxayna da'deedu ahayd markaas 40 sano. Ka hor waxay soo guursatay nin ay
laba carruur ah u soo dhashay. Khadiijo
maalkeeda ayay hadba qof u dhiibi jirtey
si uu ugu tijaareeyo waxayna wax ka siin
jirtey faa'iidada. Waxay maqashay
Maxammed binu Cabdullahi scw runtiisa, dabeecaddiisa wanaagsan iyo
ammaanadiisa oo Makka oo dhan caan ka
ahayd oo loogu magac daray loona bixiyey
Maxammed Aammiin. Markaas ayey u
yeertay Nabiga SCW una soo badhigtay
inuu xoolaheeda maanta u tijaaro geeyo. Rasuulka SCW waa uu ka yeelay oo
tijaaradii ayuu qaaday, waxayna ku
dartay wiil u joogey oo la yiraahdo
Maysara. Nabiga SCW iyo Maysara waxay xoolihii u
qaadeen Shaam halkaas oo uu Nebiga
SCW ku soo iibiyey xoolihii uu kexeeyey
isla markaasna wuxuu soo gaday wixii
Makka looga baahnaa. Faa'iido aad u
badan ayuu Nebiga SCW Khadiijo u soo hooyey taasoo u keentay kalsooni
dheeraad ah iyo in ay aragtay
ammaanadii iyo akhlaaqdii Rasuulka
SCW. Maysara wuxuu u sheegay Khadiijo
waxyaabo mucjiso ah oo uu Nebiga SCW
ku arkay, sidaa daraadeed Khadiijo
markay ka aragtay Nebiga SCW
arrimahaas iyo waxa la midka ah, waxay
Rasuulka SCW u soo bandhigtay iney is guursadaan. Rasuulka SCW wuxuu la soo
tashaday adeerradii wayna ka aqbaleen
weyna u dooneen oo labadii eheyl ayaa
isku yimid, halkaas ayaana Rasuulka SCW
loogu meheriyey Khadiijo. Khadiijo, oo uu Nebiga SCW qabay ilaa uu
50 sano dhaafay, waxay Nebiga SCW u
dhashay carruurtiisa oo dhan marka laga
reebo Ibraahim oo ay dhashay Maariyatul
Qibdhiya. Waxayna Nabiga carruurtiisu
ahaayeen saddex wiil oo la kala oren jirey: Ibrahim, Qaasim iyo Cabdullaahi (oo
la oran jirey Dhayib iyo Daahir) iyo afar
gabdhood oo la kala oran jirey: Seynab,
Ruqiyo,
Ummu-khalthum iyo Fadumo. Saddexda
wiil wey saqiireen hase yeeshee gabdhihii way hanaqaadeen oo islaamka
ayey la kulmeen weyna wada islaameen. Gabdhaha waxaa loo kala guursaday
sidatan: Seynab waxaa guursaday Abil
Caas; Ruqiya iyo Ummu-kalthum waxaa
kala guursaday laba wiil oo Abii lahab oo
Nebiga SCW adeerkiis ahaa uu dhalay.
Ninkaas oo Rasuulka SCW aad u dhibay caqabadna ku noqday dadkii iney
islaamka qaataan ayaa markay soo
degtay suuratu lahab wuxuu, Abii lahab u
yeedhay labadiisii wiil wuxuuna ku yiri: "u
fura Maxammed labadiisa gabdhood"
wayna fureen ka dibna waxaa labadii gabdhood iska daba guursaday Cismaan
binu Cafaan oo ay labadiiba k dhinteen;
Faadumo waxaa iyada guursaday Cali bin
Abii Dhaalib oo ahaa Nabiga scw ina
adeerkiis. Nebiga SCW carruurtiisa oo dhan way ka
wada hor dhinteen Faadumo oo lix bilood
ka dambeysey maahane, waxaana
carruurtiisa ugu waynaa Qaasim, waxaa
ku xigtay Seynab, waxaa ku xigtay Ruqiya,
waxaa ku xigtay Umu-kalthum, waxaa ku xigay cabdullaahi oo ugu yaraa bah
khadiija. Rasuulka scw carruurtiisu waxa
ay dhasheen Naginimada ka hor
Cabdullaahi iyo Ibraahim maahane,
Cabdullaahi waa la isku khilaafaa in uu
nabinimada ka hor dhashay iyo in uu ka dib dhashay, waxaase loo badan yahay in
uu Nabinimada kadib dhashay. Ibraahim
isagu wuxuu ku dhashay madiina
sannadkii 8aad ee hijriga waxaana
dhashay maariyatul qibdhiya saan soo
tilmaanayba.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete