Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 72AAD

Casharka 72aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW ILAALADII DAATU-SULAASIL Dagaalkii Mu'ta markii laga soo laabtay
ayaa waxaa la maqlay in reer Qudaaca
oo Shaam degganaa u
tabaabushaysanayo sidii uu Madiina ugu
soo duuli lahaa, markaas ayuu Rasuulku
SCW wuxuu bishii Jamadul-Aakhir, sannadkii 8aad ee hijriga u direy ciidan
300 oo nin ah, uuna madax uga dhigay
Camar binu Caas. Camar iyo ciidankiisii markii ay reerkaas
u dhowaadeen ayey ka war heleen in ay
ciidan aad u tiro badan hastaan, markaas
ayey Rasuulku SCW u soo direen Raafic
binu Mukeyth si uu Rasuulku SCW ugu soo
diro ciidan siyaado ah. Rasuulku SCW wuxuu ku soo daray ciidan 200 oo nin
ahaa, oo ay ku jireen Abuubakar iyo
Cumar, wuxuuna madax uga soo dhigay
Abuu Cubeyda ibnu Jarraax. Ciidankani
markii uu ku biiray ciidankii hore ayaa
waxa labadii ciidan hogaamiye u noqday, salaaddan tujinayey Cumar binu Caas. Ciidankii markii ay gaareen dhulkii
cadowga ayey jihadii ka luntay oo
waxay gaareen meeshii ugu shisheysay
dhulka cadowga halkaas oo ay kula
kulmeen ciidan, ka dib dagaal ayey ku
qaadeen hase yeeshee cadowgii waa baqday oo kala cararay. Camar wuxuu
Rasuulka SCW u soo diray Cawf binu
Maalik si uu ugu sheego in ay nabad
qabaan oo ay guuleysteen, muddo ka
dibna Madiina ayey ku soo laabteen.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete