Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 73AAD

Casharka 73aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DUULLAANKII FATXU MAKKA Sida la ogsoon yahay Qureysh
waxa ay ahayd caqabad weyn oo dadka
ka hor taagan islaamka waxayna
degganaayeen Makka oo uu ku yaallay
xaramkii Alle, ahaydna dhumucdii ay
carab oo dhan ku xirnayd. Sababta duullaankan keentay
waxa ay ahayd: sidii aan soo sheegnayba
Rasuulka SCW iyo qureysh waxa ay
Xudeybiya ku kala saxiixdeen heshiis
muddadisu ahayd 10 sano. Heshiiskaa
waxaa ku jirey in ciddii Rasulka SCW la heshiisa aysan qureysh wax dhib ah u
geysan karin, ciddii qureysh heshiis la
gashana uusan Rasuulku SCW wax dhib
ah u geysan karin. Markii uu heshiiskii
dhammaaday ayuu qabiilkii Khusaaca
Rasuulka SCW raacay, banuu Bakarna Qureysh raacay. Labadaas qabiil, oo uu
dagaal ka dhexayn jirey, ayaa markii la
marayo bishii Shacbaan, sannadkii 8aad
ee hijriga nin la oran jirey Nawfal binu
Mucaawiya soo kaxaystay ciidan
qabiilkiisii ah (banii Bakar) isaga oo doonaya in uu ka aar goosto reer
Khusaaca, wuxuuna ku soo duulay
habeennimo, rag badanna wu ka laayey,
reer Khusaacana way la dagaallameen. Qureysh ballankii ayey ka baxday
oo waxa ay hub iyo ciidanba siisey banii
Bakar, reer KHusaacana sidaa ayaa lagu
jebiyey oo waxay ku carareen xaramka
oo aan lagu dili jirin ciddii gasha hase
yeeshee reer banii Bakar kama harin ee xaramkii ayey uga daba tageen. Rag reer
banii Bakar ahaa ayaa la hadlay
hoggaamiyahoodii Nawfal oo ku yiri
"war xaramkii baynu galnay, Ilaahaaga
Ilaahaaga", markaas ayuu si xun u hadlay
oo yiri "Ilaah ma jiro ee maanta reer banii Bakarow aar goosta. Cimirgeyga
ayaan ku dhaartaye xaramka wax waad
ku xaddaane miyeydaan aar
goosanayn?". Qureyshi way ku fiirsatay
reer banii Bakar arrintaa foosha xun,
weliba waa ku taageertay. Waxaa markaa soo aaday Madiina nin reer
Khusaaca ahaa (qabiilkii xaramka
ragooda lagu laayey) oo la oran jirey
Camar binu Saalim, wuxuu u yimid
Rasuulka SCW oo masaajidka asxaabtii
dhex fadhiya, markaas ayuu tiriyey gabay guuubaabo ah oo uu ku
tilmaamayo in xaramkii Alle lagu laayey
iyagoo muslimiin ah qureyshna ay
dagaalkii ka qayb qaadatay. Reer Khusaaca waxa ay xulufo la
ahaan jireen islaamka ka hor reer banuu
Haashim oo ahaa jilibkii Rasuulka SCW,
markii uu islaamku yimidna iyaga oo
weli gaalo ah ayey Rasuulka SCW iyo
muslimiinta caawin jireen. Markii ay Rasuulka SCW iyo qureysh
dagaallamayeen waxa ay la jireen
Rasuulka SCW, markii heshiiska la kala
saxiixdayna waxa ay raaceen Rasuulka
SCW, ka dibna way islaameen oo ikyaga
oo islaam ah ayaa kacbadii lagu laayey. Qureysh oo Rasuulka SCW ay ballan ka
dhexaysayna waxa ay ka qayb qaadatay
dagaalkaas lagu hayey reer Khusaaca.
Arrimahaas oo is urursaday dartood
wuxuu Rasuulku SCW qaatay go'aan,
wuxuuna yiri "waa laguu gargaaray Camar binu Saalimow". Haddana waxaa
Rasuulka SCW u yimid kox reer Khusaaca
ah oo uu madax u yahay Baddiil binu
Warqaa, wuxuuna u sheegay Rasuulka
SCW dhibka ku dhacay iyo sidii ay
qureysh ugu kaalmaysay reer banii Barkra, ka dib Makka ayey u noqdeen. Nimankii qureysh ahaa markii ay
ballantii ka baxeen oo khiyaamadaas
sameeyee ayey shir qabteen oo
go'aansadeen in hoggaamiyahoodi Abuu
Sufyaan ay Madiina u diraan si uu
heshiiska u soo cusbooneysiiyo. Rasuulka SCW arrinkaas waa loo waxyooday oo
wuxuu asxaabtiisa ku yiri "waaba idinka
oo Abuu Sufyaan idiin yimid si uu
muddadii heshiiskiinna u siyaadiyo". Abuu Sufyaan wuu soo baxay oo
Madiina ayuu soo aaday, markii uu
dhexda sii marayo ayaa waxaa ka hor
yimid nimankii reer Khusaaca ee Baddiil
watay, Madiinana ka soo laabtay,
markaas ayuu ku yiri "xaggee ayaad ka timid Baddilow?", markaas ayuu yiri
"toggaan ayaan reer Khusaaca soo
marsiinayey", markaas ayuu Abuu
Sufyaan yiri "amaad Maxammed ka
timid", markaas ayuuu yiri "may",
dabadeedna waa la is daba maray, wuxuu markaa Abuu Sufyaan yiri "haddii
uu Madiina ka yimid timirta ayaan ku
garanayaa", markaas ayuu tegey meel uu
gaadiidkii Baddiil fariistay, markaasuu
saaladdii (neefka) qaatay oo burburiyey,
markaas ayuu ku arkay laf, wuxuu yiri Abuu Sufyaan "Ilaah baan ku dhaartaye
Baddiil Maxammed ayuu ka yimid", ka
dbna hore ayuu iskaga sii socday. Wuxuu
u tegey Rasuulkii SCW oo la hadlay hase
yeeshee Rasuulku SCW uma jawaabin.
Wuxuu markaa u tegey Abuubakar Al- sidiiq oo ka codsaday in uu Rasuulka SCW
kala hadlo hase yeeshee Abuubakar
kama yeelin, wuxuu markaa u tegey
Cumar binu Khadhaab si uu Rasuulka SCW
ugala hadlo, markaas ayuu Cumer yiri
"ma aniga ayaa Rasuulka SCW kaala hadla? Ilaah baan ku dhaartaye haddii
aan ul maahane wax kale waayo waan
kugula dagaallamayaa". Ka dib wuxuu u tegey Cali Abii-
Dhaalib oo ay la joogaan xaaskiisii
Faadumo iyo wiilkiisii Xasan, markaas
ayuu ku yiri "Caliyow adiga ayaa ragga
iigu xiga, dan baan u imid ee ha i celin
sidii aan u imid aniaga oo hoogay ee Maxammed igala hadal", markaas ayuu
Cali yiri "hooggaaga ee Abuu Sufyaan
Rasuulkii Alle wuxuu go'aansaday arrin
aannaan awoodi karin in aan kala
hadalno", markaas ayuu Abuu Sufyaan
Faadumo binu Maxammed SCW (Rasuulka SCW gabadhiisa) jalleecay oo ku yiri "ma
kuu ahaatay in aad wiilkaagan madax ka
dhigtid oo uu dadka kala badbaadsho,
uuna noqdo sayidkii carbeed inta
wakhtiga ka hartay?", markaas ayey
Faadum tiri "Ilaah baan ku dhaartaye wiilkaygu ma gaarin arrinkaas ah in u
dad kal badbaadsho, axadna Rasuulka
Alle wax kama badbaadin karo". Abuu Sufyaan addunkii ayaa ku
ciriiryoomay, xaalkiina waa ku murgay,
markaas ayuu isaga oo quus ah ku yiri
Cali "Abii-Xasanow waxa aan arkaa
arrimihii in ay igu adkaadeen ee wax ii
tilmaan", markaas ayuu Cali yiri "say wax kuugu tari karto garan maayo,
laakiin intii aad istaagtid waxa aad
tiraahdaa "dhinacayga dadka waan kala
badbaadiyey", ka dibna dhulkaagii aad",
markaas ayuu Abuu Sufyaan yiri "oo ma
waxaad u malaynaysaa in taasi ay wax i tarayso?", wuxuu yiri Cali "may, Ilaah
baan ku dhaartaye u malayn maayo
laakiin wax aan iyada ahayn kuuma
garanaayo", markaas ayuu Abuu Sufyaan
masaajidkii tegey oo yiri "dadow anigu
dadkii waan kala badbaadiyey", ka dibna ratigiisii ayuu fuulay oo iska tegey. Markii uu Abuu Sufyaan qureysh ku
laabtay ayey dheheen "maxaad
waddaa?", markaas ayuu yiri
"Maxammed baan u tegey oo la hadlay,
Ilaah baan ku dhaartaye iima jawaabin,
ka dib ina Abii Quxaafa (Abiibakar) ayaan u tegey kheyrse kama helin, ka dib
Cumar binu Khadhaab ayaan u tegey,
waxa aan arkay in uu ragga iigu
cadowsan yahay, ka dib Cali ayaan u
tegey, waxa aan arkay in uu ragga iigu
jilicsan yahay, wuxuuna ii tilmaamay arrin aan sameeyey, Ilaah baanse ku
dhaartaye ma ogi in ay wax ii tarayso
iyo in kale", markaay ayey dheheen
"muxuu kugu yri?", wuxu yiri "wuxuu i
faray in aan dhaho "dadkii waan kala
badbaadiyey", waanna sameeyey, waxa ay dheheen "Maxammed arrinkii ma
yeelay?", wuxu yiri "may", waxa ay
yiraahdeen "hooggaaga ee ninka wax
siintiisu waa in ciyaar lagaa dhigto",
markaas ayuu yiri "maya, Ilaah baan ku
dhaartaye wax aan taas ka ahayn iima helin". Rasuulku SCW wuxuu Caa'isha
amray in ay sahaydii dagaalka u
diyaariso, cidna weli arrintaas
duullaanka ma uusan ogeysiin. Waxa
markaa Caa'isha u soo galay aabbeheed
Abuubakar wuxuuna ku yiri "gabadheydiiyey waa maxay is
diyaarintaan?", markaas ayey tiri "Ilaah
baan ku dhaartaye ma ogi", markaas
ayuu Abuubakar yiri "Ilaah baan ku
dhaartaye wakhtigan ma jiro duullaan
reer banii Asfar ee xaggee Rasuulka Alle rabaa?", markaas ayey tiri "Ilaah baan ku
dhaartaye ma garanayo". Saddexdii beri
ee ugu horreysey asxaabtu arrinkan ma
aysan ogeyn hase yeeshee maalinkii
saddexaad ayaa waxaa yimid Camar binu
Saalim Al-Khusaaci oo 40 ninwata, gabayo ayuuna tiriyey, markaas ayey
asxaabtii ogaadeen in qureysh ballantii
ka baxday, ka dibna markii Baddiil iyo
Abuu Sufyaan ay Madiina isaga daba
yimaadeen ayey asxaabtu arrinkii
xaqiiqsatay. Rasuulku SCW wuxuu ka dib amray
in la is diyaariyo, wuxuuna muslimiintii u
sheegay in Makka lagu duulayo, wuxuuna
Rasuulku SCW jiho kale u diray ilaalo ka
kooban 8 nin oo uu madax u ahaa Abii
Qataada binu Rabbiici bilowgii bishii Ramadaan, sannadkii 8aad ee hijriga si
ay cadawga Alle ugu maleeyaan in
Rasuulku SCW dhinacaa ku duulayo.
Ilaaladii markii ay meeshii loo direy
gaareen ayey ka war heleen in Rasuulkii
SCW Makka ku duulay, markaas ayey soo noqdeen oo ka daba tageen. Intii uusan Rasuulku SCW bixin
ayaa nin asxaabta ka mid ahaa oo la oran
jirey Xaadhib ibnu abii Baltaca waraaq u
qoray Qureysh taas oo uu ugu sheegayo
duullaanka Rasuulka SCW, wuxuu
warqaddii u sii dhiibay haweeney gaalo ahayd oo u socotay Makka, waxayna
dhex gelisay madaxeeda. Rasuulka SCW
ayaa arrinkaa loo waxyooday, markaas
ayuu ka daba diray haweentii Cali Abii-
Dhaalib iyo Miqdaad binu Aswad oo ku
yiri "baxa ilaa aad ka gaartaan beerta Khaakh oo ay joogto haweney wadda
waraaq u socota qureysh". Cali iyo Miqdaad fardohoodii ayey
qaateen, waxa ayna ka daba tageen
haweentii oo joogta meeshii uu Rasuulku
SCW u tilmaamay, markaas ayey
haweentii ku dheheen "warqad ma
waddaa?", waxay tiri "ma wado?", markaas ayey baareen reeryadeedii iyo
alaabtii ay wadatay oo dhan, markii ay
wax ka waayeen ayaa Cali haweentii ku
yiri "Rasuulkii Alle been sheegi maayo,
Ilaah baan ku dhaartaye waad soo
bixinaysaa warqadda ama waan ku qaawineynaa". Haweentii markii ay
aragtay in uusan Cali kaftamayn oo ay
dhab ka tahay ayey tiri "sii jeesta",
marki ay jeesteen ayey furtay
madaxeedii oo warqaddii ka soo dhex
saartay. Ka dib warqaddii Rasuulka SCW
ayaa loo geeyey, markii la fureyna
waxaa ku qornaa in ay ka socota Xaadhib
ibnu abii Baltaca kuna socota Qureysh,
kana warramaysay duullaanka Rasuulka
SCW. Rasuulku SCW wuxuu u yeeray Xaadhib oo ku yiri "maxay arrintani
tahay Xaadhib?", markaas ayuu yiri
"Rasuulkii Allow ha igu degdegin, Ilaah
baan ku dhaartaye anigu waxa aan ahay
mu'min Alle iyo Rasuulkiisa rumeeyey,
mana riddoobin, mana beddelin (diinteyda) laakiin waxa aan ahaa nin
qureysh ku dhex jira oo aan ka dhalan,
waxaana ii dhex jooga xaas, ilmo iyo
qaraabo, cid ilaalinaysana ma jirto,
asxaabta (muhaajiriinta) aan la duullaan
galayana waxa aya leeyihiin qaraabo u ilaalineysa (maatadooda). Waxa aan
marka jeclaystay haddii la dagaallamo in
aan agtooda (qureysh) ku yeesho gacan
ilaalisa dadkayga". Cumar binu Khadhaab
ayaa markaa yiri "Rasuulkii Allow ii daa
aan unuunka u dheereeyee, maxaa yeelay Alle iyo Rasuulkiisa ayuu
khiyaamay, waana munaafaqoobay",
markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri
Cumar "wuxuu ka qayb galay (Xaadhib)
Badar ee maxaa ku ogeysiiyey Cumarow
in Allaah daalacaday Ehlu-Badar oo ku yiri "wixii aad doontaan sameeya waan
idiin dembi dhaafaye", markaas ayaa
Cumar indhihiisii ilmeeyeen oo uu yiri
"Allaah iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal
badan", Allena isaga oo arrinkaas
kahadlaya waxa uu qur'aankiisa ku yiri: ((KUWA MU'MINIINTA AHAW HAKA
DHIGANINA CADAWGAY IYO CADAWGIIN
AWLIYO (SAAXIIBO) IDINKOO U RIDAYA
(U MUUJINAYA) JACAYL, WAXAY KU
KUFRIYEEN WIXII IDIIN YIMID OO XAQA
AHAA, WAXAY SAAREEN RASUULKA SCW IYO IDINKABA, ALLE OO AAD RUMEYSEEN
OO AHAA RABBIGIIN DARTII, HADDII AAD
U BAXDEEN JIHAADKA JIDKA ALLE IYO
DALBIDDA RAALI AHAANSHAHAYGA,
WAXAAD KU SIRAYSANAYSAA JACAYL,
ANNA WAAN OGAHAY WAXAAD QARSANAYSAAN IYO WAXAAD
MUUJISANAYSAAN, QOFKII IDINKA MID
AH OO SAAS SAMEEYANA WAXA UU KA
LUMAY WADDADII SAXDA AHAYD,
HADDAY IDIN QABTAAN WAXA AY IDIIN
NOQONAYAAN COL, WAXAYNA GACMAHA IYO CARRABKABA IDIINKU FIDINAYAAN
XUMAAN, WAXAYNA JECEL YIHIIN INAAD
GAALAWDAAN, IDINMA ANFACAYSO
QARAABADIINA IYO CARRUURTIINU,
MAALINKA QIYAAMAHANA WAA LA IDIN
KALA SAARAYAA, ALLENA WAXAAD CAMAL FALAYSAAN WAA ARKAA)),
(Suuratul-Mumtaxina 1-3). Rasuulka SCW waxa uu ka soo
baxay Madiina 10kii bishii Ramadaan,
sannadkii 8aad ee hijriga isaga oo wata
10, 000 oo asxaabtiisa ah, wuxuuna
Madiina madax uga soo dhigay Abaa
Rahmul-Qafaari. Markii uu Rasuulku SCW Makka u soo dhowaaday oo uu marayo
Juxfa agteeda ayaa waxaa u yimid
adeerkiis Cabbaas binu Cabdimudhalib,
ka dibna hore ayey u sii socdeen
Rasuulka SCW iyo ciidankiisu, markii ay
marayaan meesha la yiraahdo Abwaa' ayaa waxaa u yimid ina adeerkiis Abuu
Sufyaan binu Xaarith binu Cabdimudhalib
iyo ina eedadiis Cabdullaahi binu abii
Umaya, markaas ayuu Rasuulkku SCW ka
jeestay labadoodii maxaa yeelay markii
Makka la joogay ayey aad u dhibi jireen Rasuulka SCW iyo islaamka, markaas
ayey Rasuulka SCW xaaskiisii Ummu
Salama ku tiri "ha ka dhigin ina adeerkaa
iyo ina eeddahaa dadka kuwa ugu ayaan
daran", Calina wuxuu la hadlay abuu
Sufyaan oo ku yiri "dhinaca Rasuulku SCW u jeedo inta ad uga timaaddid ku dheh
sidii ay Nabi Yuusuf ku dheheen
walaalihiis oo kale; "Waxay dheheen Allaan ku dhaaranaye
Alle wuu naga kaa doortay, waxaanuna
ahayn kuwa gafsan". (Suuratu-Yuusuf
91). Maxaa yeelay Rasuulku kama raalli
noqdo in laga hadal wanaagsanaado".
Abuu Sufyaan intuu Rasuulka SCW u
tegey ayuu sidii sameeyey, markaas
ayuu Rasuulku SCW ugu jawaabay sidii
Nabi Yuusuf walaalihiis ugu jawaabay oo ahayd: "Wuxuu yiri canaani korkiina ma
ahaanin, Allena ha idiin dambi dhaafo
isagaa Naxariis badane". (Suuratu-Yuusuf
92). Dabadeed Abuu Sufyaan wuxuu tiriyey
gabay uu Rasuulka SCW ku ammaanayo. Rasuulka SCW iyo asxaabtu way
soommanaayeen oo waxaa lagu jirey
bishii Ramadaan. Sidaa darteed markii ay
marayaan meesha la yiraahdo Kudaydan
oo Makka u jirta 86 km oo biyo lahayd
ayaa Rasuulku SCW arkay asxaabtii oo diif ka muuqato, markaas ayuu afuray,
iyagiina way afureen maxaa yeelay
waxa ay ahaayeen musaafiriin jihaad ku
jira. Rasuulku SCW wuxuu habeenkii
dambeeyey socodkiisa degey meeshii la
oran jirey Marri Dahraan haddase loo
yaqaan Waadi faadima. Wuxuu ciidankii
amray in cid walba dab shidato, markaas
ayaa waxaa la shiday 10,000 oo dab, wuxuu Rasuulku SCW habeenkaa
waardiyaha ciidanka u dhiibay Cumar
binu Khadhaab, Nabiga SCW adeerkiis
Cabbaasna wuxuu qaatay baqashii
caddayd ee Rasuulka SCW wuxuuna
baxay isaga oo ah wardoon oo raadinaya qureysh xaalkeeda. Qureysh ma aysan
maqal soo bixitaanka Rasuulka SCW iyo
ciidankiisa, markaas ayaa waxaa
habeenkaas bixitaanka wardoon ahaan u
soo baxay hoggaamiyahoodii Abuu
Sufyaan ibnu Xarbi iyo Xakiim binu Xisaam iyo Baddiil binu Warqaa. Wuxuu
yiri Cabbaas binu Cabdhimudhalib "Ilaah
baan ku dhaartaye aniga oo saaran
(baqashii) ayaan maqlay Abuu Sufyaan
iyo Baddiil oo hadalka isdhaafsanaya oo
Abuu Sufyaan leeyahay "dabka iyo ciidammada caawa oo kale weligay ma
arag", markaas ayaa Baddiil yiri "waa
reer Khusaaca oo dagaal isu
diyaarinaya", markaas ayuu Abuu
Sufyaan yiri "Khusaaca waa ka yar tahay
uma ahaan karto dabkaan iyo mucaskarkaan". Ka dib waxaan
aqoonsaday codkiisa waxaanna ku iri
"Abuu Xandala", markaas ayuu isna
codkayga gartay oo yiri "ma Abaa Fadli
baa?", waxaan iri "haa", muxuu yiri
"aabahay iyo hooyaday ha lagugu furtee maxaad haysaa?", markaas ayaan iri
"waa kan Rasuulkii Alle, qureyshna waa
lagu waa beriisan", wuxuu yiri "war
maxaa talo ah aabbahay iyo hooyaday ha
lagugu furtee?", waxa aan iri "Ilaah baan
ku dhaartaye haddii lagu arko qoorta ayaa lagaa goynayaa ee ila soo fuul
baqasha ilaa aan Rasuulka Alle kaag
geeyo oo aan kuu magan weydiiyo",
markaas ayuu ila soo fuulay baqashii,
labadii nin ee la socotayna way iska
laabteen. Mar kasta oo aan dab ka mid ah dababkii muslimiinta dhaafayo waxa ay i
lahaayeen "waa kuma kani?", markii ay
arkaan baqashii Rasuulka SCW iyo aniga
ayey dhahayeen "waa Rasuulkii Alle
adeerkiis iyo baqashiisii" ilaa aan ka soo
gaaray dabkii Cumar binu Khadhaab. Cumar wuxuu yiri "waa kuma?", wuuna
soo istaagay, markii uu Abuu Sufyaan oo
dabbadda gadaal ka saaran ayuu yiri
"waa Abuu Sufyaan, cadowgii Alle. Ilaah
baa mahad leh oo soo gacan geliyey
annaga oo aan heshiis iyo ballan lahaydn", ka dib Rasuulka SCW ayuu
Cumar isku sii daayey aniguna baqashii
baan eryay oo waan uga hor maray
Rasuulka SCW. Markii aan Rasuulka SCW u galay
ayaa Cumarna soo galay oo yiri
"Rasuulkii Allow kani waa Abuu Sufyaan
ee ii daa aan qoorta ka gooye", markaas
ayaan iri "Rasuulkii Allow aniga ayaa
magan geliyey", ka dibna Rasuulka SCW ayaan ag fariistay oo madaxa qabtay
waxaanna iri "Ilaah ayaan ku dhaartaye
in uusan la hadlayn axad kale caawa".
Markii uu Cumar badiyey arrintii ayaan
ku iri "aamus Cumar Ilaah baan ku
dhaartaye haddii uu ahaan lahaa raggii reer banii Cadiyi ibnu Kacab ma aadan
tiraahdeen waxaan oo kale", wuxuu
Cumar yiri "aamus Cabbaas Ilaah baan ku
dhaartaye islaamiddaada ayaan ka jeclaa
in uu islaamo Khadhab (aabihiis) wax
kalena maaha ee waxa aan ogaa in islaamiddaada uu Rasuulka Alle ka jecel
yahay tan Khadhaab". Rasuulku SCW
wuxuu markaas igu yiri "la tag Cabbaas
oo rartaada la aad, markii aad waa
beriisatana ii keen", markaas ayaan la
tegey, markii uu waagii beryayna Rasuulka SCW ayaan kula soo kallahay. Markii Rasuulku SCW arkay ayuu
ku yiri "war hooge Abuu Sufyaan ma
waadan gaarin waqtigii aad ogaan
lahayd Alle mooye Ilaah kale in uusan
jirin?", wuxuu yiri "aabbahay iyo
hooyaday ha lagugu furtee, yaa kaa dulqaad badan oo kaa karaamayn badan,
kaana xiriirin badan. Hoddaan malaynayo
Allaah in uu la jiro Ilaah kalena wax buu
ii tari lahaa", wuxuu yiri Rasuulku SCW
"hooggaaga ee Abuu Sufyaan ma waan
la gaarin waqtigii aad ogaan lahayd in aan ahay Rasuulkii Alle?", wuxuu yiri
"aabahay iyo hooyaday ha lagugu furtee,
yaa kaa dulqaad badan oo kaa
karaamayn badan, kaana xiriirin badan.
Laakiin tan (Rasuulnimada) ilaa hadda
naftaydu kuma qanacsana", markaas ayaa ku iri "war hoogaaga ee islaam oo
qir in Alle maahane uusan Ilaah kale jirin,
Maxammedna Rasuulkii Alle yahay intii
aan unuunka laguu dheerayn", markaas
ayuu islaamay oo Ilaahay isu dhiibay". Wuxuu Rasuulku SCW intaa ka dib
ku yiri Abuu Sufyaan "orad oo dadkaagii
badbaadi, kuna dheh qofkii xaramka gala
waa aammin, kii albaabkiisa xirtana
waa aammin", markaas ayaa Cabbaas ku
yiri Rasuulka SCW "Rasuulkii Allow Abuu Sufyaan waa nin magac jecel ee wax u
yeel", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri
"qofkii daarta Abuu Sufyaan galana waa
aammin". Rasuulku SCW wuxuu ka dib amray
ciidankii in la dhaqaaqo iyagoo ka
baxaya Marri Dhahraan una socda Makka,
subaxdaas waxa ay ahayd talaado, 17kii
Ramadaan, sannadkii 8aad ee hijriga,
waana subaxdii Makka la furtay. Rasuulku SCW wuxuu Cabbaas
amray in uu Abuu Sufyaan joojiyo
ciidammada hortooda si uu u arko
ciidamada Alle. Cabbaasna sidii ayuu
yeelay, markaas ayaa ciidammadii soo
mareen iyaga oo koox koox u socda. Abuu Sufyaan mar kasta oo uu ciidan soo
maro wuxu lahaa "waa kuwama
Cabbaasow?", markii Cabbaas u sheego
oo yiraahdo "waa reer hebel" ayuu
oranayey "maxaa aniga ikyo rer habelna
isu kaaya keenay" ilaa ay markii ugu dambaysay soo mareen labadii garab ee
cagaarnaa (Muhaajiriin iyo Ansaar) oo
ahaa kumaandooskii ciidanka
muslimiinta uuna dhex socday Rasuulkii
Alle. Markaas ayuu Abuu Sufyaan yaabay
oo yiri "Subxaana laah maxay yihiin kuwaanina Cabbaasow?", Cabbaas ayaa
yiri "waa Muhaajiriiin iyo Ansaar oo uu
Rasuulkii Alle dhex socdo", wuxuu yiri
Abuu Sufyaan "ma jirto cid ka hor imaan
karta kuwaan oo awood u leh, Ilaah baan
ku dhaartaye Abaa Fadliyow wiilkii aad adeerka u ahayd (nabiga SCW)
boqortooyadiisii way weynaatay
maanta", Cabbaas ayaa yiri "Abuu
Sufyaan arrinku waa nabinnimo",
markaas ayuu yiri "waa run". Sacad binu Cubaada oo waday
calanka Ansaarta ayaa soo ag maray
Abuu Sufyaan oo ku yiri "maanta waa
maalin dagaal, waa maalinkii la
xalaaleeyey (waxyaalihii) xurmada
lahaa, waa maalintii Alle dulleeyey qureysh", markaas ayuu Abuu Sufyaan
Rasuulka SCW u tegey oo ku yiri
"Rasuulki Allow ma waadan maqal waxa
Sacad yiri?", markaas ayuu Rasuulku SCW
yiri "oo muxuu yiri?". Abuu Sufyaan ayaa
markaa warkii Sacad u sheegay, markaas ayaa Cusmaan binu Cafaan iyo
Cabdiraxmaan binu Cawf la hadleen
Rasuulka SCW oo ku dheheen "Rasuulkii
Allow aammin kama nihin (Sacad) in
qureysh dhib u geysto", markaas ayaa
Rasuulku SCW waxa uu Abuu Sufyaan ku yiri "sidaas ma aha ee maanta waa
maalin Kacbada la weyneeyey, waana
maalin Ilaahay ciseeyey Qureysh". Ka dib wuxuu Rasuulku SCW u cid
diray Sacad oo ka qaaday calankii,
wuxuuna u dhiibay wilkiisii Qays binu
Sacad, waxa kale oo la dhahaa wuxuu u
dhiibay Subayr, sidoo kale waxaa la
dhahaa lagamaba qaadin Sacad. Rasuulku SCW wuxuu markaas ku yiri Abuu
Sufyaan 'badbaadi dadkaaga", markaas
ayuu Abuu Sufyaan baxay oo isaga oo
degdegaya xaramkii galay, wuxuuna ku
dhawaaqay cod dheer isaga oo leh
"qureysheey kani waa Maxammed oo idiinla yimid wax aydaan awood u
lahayn ee qofkii gala daarta Abuu
Sufyaan waa aammin", markaas ayey
xaaskiisii Hinda bintu Cutba istaagtay oo
ku dhegtay shaaribkiisa iyada oo leh
"dila axmaqa", markaas ayuu yiri "war hooggiinnee tani yeysan naftiinna
kedinnin, wuxuu la yimid Rasuulku SCW
wax aydaan awood u lahayn qofkii gala
daarta Abuu Sufyaan waa aammin",
markaas ayey dheheen "Alle ku dilye ma
daartaada ayaa na deeqda?", markaas ayuu yiri "qofkii albaabkiisa xirta waa
aammin, kii masjidka (xaramka) galana
waa aammin", markaas ayey dadkii ku
kala yaaceen guryahoodii iyo xaramka
hase yeeshee koox ay madax u yihiin
Cikrama ibnu Abii Jahal iyo Safwaan binu Umaya ayaa diidey, waxa ayna dheheen
"waan dagaallamaynaa", kooxdaas nin
ku jirey oo la oran jirey Xamaas binu
Qays aya isaga oo hubkiisii urursanaya
waxaa arkay xaaskiisii oo ku tiri "yaad u
urursanaysaa waxan aan arko?", wuxuu yiri "Maxammed iyo asxaabtiisa",
markaas ayey tiri "Ilaah baan ku
dhaartaye Maxammed iyo asxaabtiisa cid
ma hor istaagi karto", wuxuu yiri "Ilaah
baan ku dhaartaye waxa aan rajaynayaa
in aan qaarkood khaaddim kaaga dhigo", wuxuuna tiriyey tix yar oo micneheedu
yahay (cillad iguma sugnaa haddii ay
maanta soo qaabbilaan Makka kani waa
hubkeygii iyo aaladdaydii oo dhamays
tiran). Rasuulku SCW markii uu Makka soo
gelayey aad ayuu Allaah ugu khuduucay,
madaxiisana waa raariciyey, wuxuuna
Alle ugu shukriyey nicmada uu ku
karaameeyey iyo nasriga uu siiyey.
Rasuulku SCW wuxuu amray Khaalid binu Waliid oo watay ciidanka dhinaca midig
in uu Makka ka soo galo dhinaca hoose,
wuxuuna ku yiri "haddii qof reer qureysh
ah kaa hor yimaaddo xaaq oo tir tir,
soona soco ilaa aad iigu timaado Safwa".
Sidoo kale wuxuu amray Subeyr oo isna watay garabka bidix ee ciidanka in uu
Makka ka soo galo dhinaca kore oo
calankiisa ka muto Xujuum, halkaasna uu
joogo ilaa uu Rasuulku SCW uuga
yimaaaddo. Abuu Cubeyda oo isna madax
u ahaa saadka, wuxu amray in uu tagga soo dhex maro. Qayb walba oo ciidanka ka mid
ahayd meeshii loo xilsaaray ayey martay.
Khaalid iyo ciidankiisii qofkii ka hor
yimaada oo gaala qureysh ka tirsan way
qabanayeen ilaa ay markii dambe uga
yimaadeen ciidankii ay Cikrama ikyo Safwan urursadeen, wuxuu markaa ka
dhigay wax uu dilo, wax uu qabto iyo
wax ka cararay. Kuwii cararay waxaa ka
mid ahaa Cikrama binu Abii Jahal,
Safwaan binu Umaya iyo Xamaas binu
Qays. Xamas oo ahaa ninkii hubka urursanayey oo haweentiisa ku lahaa
"khaaddim baan kuu keenayaa" wuxuu
gurigiisii galay isaga oo ordaya,
wuxuuna ku yiri xaaskiisii "albaabka ii
xir", maraas ayey tiri "meeyey wixii aad
sheegaysay (khaaddimkii)?", markaas ayuu tiriyey tix yar oo uu ku leeyahay
(hadii aad joogi lahayd maalinka
Khandama markii ay carareen Safwaan
iyo Cikrama (waad yaabi lahayd), waxaa
nalala soo qaabbilay seefo carbisan oo
goynaya meel walba, shanqarna aan laga maqlayn". Khaalid iyo ciidankiisii sidii
ayey Makka u soo dhex mareen ilaa ay
Rasuulka SCW ugu yimaaddeen Safwa. Subeyr iyo ciidankiisii meeshii uu
Rasuulku SCW amray ee Xujuum ayey
calankoodii ka muteen, waxa ayna
joogeen ilaa uu Rasuulku SCW uga yimid.
Rasuulkuna SCW isaga oo ay dhinaca
kasta ka socdaan Muhaajiriin iyo Ansaar ayuu galay xaramkii, markaas ayuu
Xajarul-Aswadkii dhunkaday, Beytkana
dawaafay, wuxuna ul yar oo uu watay
ku mudmuday asnaamtii meesha taalley
oo gaareysey 360 sanam isaga oo
akhrinaya aayaddan micnaheedu yahay: ((WAXAA DHAHDAA XAQII AYAA YIMD
BAADHILKIINA WAA TIR TIRMAY,
WUXUUNA AHAADAY BAADHILKU MID
TIR TIRMA)), (Suuratul-Israa 81). Ka dib asnaamtii way hoobteen.
Wuxuu Rasuulku SCW beytka dawaafay
isaga o daabbadiisii saaran, markii uu
dhammaystayna wuxuu u yeeray
Cismaan binu abii Dhalxa oo ahaa ninkii
Kacbada fureheeda hayey, wuxuuna ka qaatay furihii kacbada oo amray in loo
furo, markii loo furayna wuu galay,
markaas ayuu ku arkay asnaam taalla oo
ay ka mid ahaayeen labo sanam oo qoryo
hasta ayna dhihi jireen "waa suuraddii
Nabi Ibraahiim ikyo Nabi Ismaaciil, qoryahaasna waa ku faalin jireen",
markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "Alle ha
naclado Ciddii falkan samaysay, Ilaah
baan ku dhaartaye weligood faal wax
kuma samayn (Ibraahiim iyo Ismaaciil)".
Ka dib Rasuulku SCW wuxuu xirtay albaabkii kacbada, waxaana kula jirey
Usaama binu Seyd iyo Bilaal, wuxuuna u
dhowaaday derbia albaabka xiga oo uu u
jirsaday saddex dhudhun, ka dibna wuu
tudakay. Kacbaduna waxa ay markaa
lahayd lix tiir, saddex gadaal ayey ka jireen meeshii uu Rasuulku SCW ku
tukanayey labana dhinaca bidix, halna
midig. Ka dib albaabkii ayuu furay isaga
oo takbiirsanaya oo Alle weyneynaya,
qureyshna xaramka ayey ka buuxeen
iyaga oo saf saf ah oo sugaya waxa lagu samayn doono. Rasuulku SCW markii uu
soo baxay wuxuu istaagay albaabka
agtiisa, qureyshna wax ay fadhiyeen
hoostiisa, markaas ayuu Rasuulku SCW
wuxuu jeediyey khudbaddan: Allaah mooye Ilaah kale ma jiro,
keligiis weeye, shariikna ma leh, wuuna
ku run sheegay ballantiisii, una
gargaaray addoonkiisii, keligiis ayaana
jebiyey axsaabta. Hooy wax kasta oo aar gudasho
ahaa ama maal aha ama dhiig, waxaa
weeye labadaydan lugood
hoostooda (waa la duugay) illaa fure
hayayaasha xaramka iyo
waraabiyayaasha xujeyda maahane (iyaga booskoodii way haynayaan
oo laga qaadi maayo). Hooy dilitaanka kama'da ihi
wuxuu u eg yahay (la mid yahay) kaska,
waxayna magtiisu tahay 100 geel ah oo
ay ku jirto 40 rimman, Qureysheey Ilaah
waa idinka baabi'iyey faankii jaahiliga
iyo aabbayaashii la weyneyn jirey. Dadka oo dhammi Aadam bay ka
yimaadeen, Aadamna ciid baa laga
abuuray), wuxuu markaa aqriyey
aayaddan micnaheedu yahay: ((DADOW WAXAAN IDIN KA ABUURNAY
LAB IYO DHADIG WAXAANA IDINKA
YEELNAY SHACABO IYO QABIILO SI AAD
ISUGU AQOONSATAAN, WAXAANA ALLE
AKTII IDINKUGU KARAAMO BADAN KAN
IDINKUGU TAQWADA BADAN)), (Suuratul- Xujuraat 13). Ka dibna waxa uu yiri:
Qureysheey maxaad u malaynaysaan in
aan idinku samayn doono? Waxa ay
qureysh dheheen "kheyr, waxa aad tahay
walaal wanaagsan oo uu dhalay walaal
wanaagsan", markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri "waxa aan idinku oranayaa
sidii uu Yuusuf walaalihiis ku yiri oo
kale: ((CANAANI DUSHIINA MA AHAANIN
MAANTA, ALLENA HA IDIIN DAMBI
DHAAFO ISAGAA ARXAMU RAAXIMIN
AHE)), (Suuratu-Yuusuf 92). Waxaa kale oo uu Rasuulku SCW ku
yiri "orda iska taga waxa aad tihiin
kuwa la sii daayaye", ka dib Rasuulku
SCW masaajidkii ayuu fariistay. Waxaa
markaa istaagay Cabbaas binu
Cabdimudhalib oo yiri "Rasuulkii Allow isugu kaaya dar maamulka iyo
waraabinta", markaas ayuu Rasuulku
SCW isaga oo aan u jawaabin wuxuu u
yeeray Cusmaan binu Dhalxa, markii uu u
yimidna wuxuu ku yiri "waa kan
furahaagii Cusmaan, maanta waa maalin samo fal iyo oofin", ka dib salaaddii
duhur ayaa soo gashay, markaas ayuu
Rasuulku SCW amray Bilaal in uu kacbada
fuulo oo addimo, markii uu Bilaal
addimayey ayaa waxaa maqlay Abuu
Sufyaan binu Xarbi, Cataab binu Seyd iyo Xaarith binu Hishaam (odayaashii
qureysh) oo kacbada ag fadhiyey,
markaas ayaa Cataab yiri "Ilaahay waa
karaameeyey Useyd (aabbihiis) haddii
uusan maqlin tan, wuxuuna maqli lahaa
wax caro geliya", Xaarith ayaa markaa hadlay oo yiri "Ilaah ayaan ku dhaartaye
haddii aan ogaan lahaa inuu xaq yahay
waan raaci lahaa", markaas ayaa Abuu
Sufyaanna hadlay oo yiri "Ilaah baan ku
dhaartaye in aannan waxba oranayn,
haddii aan hadlo waxaa iga warramaysa ciidda". Nabiga SCW ayaa markaas ku soo
baxay wuxuuna ku yiri "waan ogaaday
waxa aad tiraahdeen" wuuna u sheegay,
markaas ayey Xaarith iyo Cataab
dheheen "waxa aan qiraynaa in aad
rasuulkii Alle tahay. Ilaah baan ku dhaartaye in uusan na arag qof aan
niraahno wuu kuu warramay". Ka dib
Rasuulku SCW wuxuu tegey gurigii ina
adeertiis Ummu Haani bintu Abii-dhaalib,
halkaas oo uu ku qubesytay kuna
tukaday 8 rakcadood oo salaatu-Shukri ah oo uu Alle uga mahad celinayo nasriga
iyo furashada. Rasuulka SCW intii uu
halkaa joogay waxaa u timid Ummu
Haani, waxayna Rasuulku SCW u
sheegtay in labo nin oo ay magan gelisay
uu walaalkeed Cali binu Abii-Dhaalib doonayo in uu dilo, makraas ayuu
Rasuulku SCW yiri "waan magan gelinnay
cidda aad magan gelisay Umma Haani". Rasuulku SCW wuxuu dhiiggooda
banneeyey oo uu amray in la dilo 9 qof
oo ka mid ahaa mujrimiintii ugu dhibka
badnaa qureysh, aadna u dhibay Nabiga
SCW iyo islaamka. waxa ay 9kaas qof
kala ahaayeen: Cabdullaahi binu abii Sarrax oo
islaamka ka soo riddoobay, Makkana u
soo fakaday. Cikrama binu Abii Jahal Xaarith binu Nufeyl binu Wahab Muqayas binu Sabaaba Habaar binu Aswad Cabdulcusa binu Khadhal iyo labo
addoon oo uu lahaa oo heesi jirey,
heesahoodana ku caayi jirey Nabiga SCW
iyo Saara oo ahayd haweentii warqaddii
Xaadhib laga helay. Cabdullaahi binu Surraax waxaa
keenay Cusmaan binu Cafan isaga oo
Nabiga SCW u magan gelyo weydiinaya
hase yeeshee Nabiga SCW xoogaa ayuu
ka aammusay isaga oo raba in
go'aankiisii hore la fuliyo oo ninkaas qoorta loo dheereeyo, ka dibna wuu iska
cafiyey oo Cusmaan ayuu magangelyadii
ka aqbalay. Cikrama binu Abii Jahal wuxuu u
fakaday Yaman, ka dibna xaaskiisii ayaa
Nabiga SCW u timid oo u magangelyo
weydiisay, Nabiga SCW wuu ka yeelay.
Dabadeedna Cikrama wuu soo laabtay,
wuuna islaamay oo islaamnimadiisi way wanaagsanaatay. Ibnu Khadhal wuxuu ku dhegay
tiirarka kacbada isaga oo u maleynaya in
uu ku badbaadayo, markaas ayaa nin
asxaabta ka mid ahi u soo sheegay
Rasuulka SCW, Rasuulkuna SCW wuxuu
amray in la dilo, waana la dilay. Xaarith binu Nufeyl oo isna ahaa
nin aad Rasuulka SCW Makka ugu dhibi
jirey waxaa isna diley Cali binu Abii-
Dhaalib. Hubaar binu Aswad, oo isna ahaa
nin dhib badan, markii ay gabadhii
Rasuulka SCW ee Seynab haajireyseyna
ahaa ninkii ka daba tegey oo ku dhuftay
dhagax kana soo riday ilmihii ay caloosha
ku wadday, markii uu arkay in Makka la qabsaday ayuu cararay, ka dibna wuu
islaamay, islaamnimadiisiina way
wanaagsanaatay. Labadii gabdhood ee heesaha
cayda ah u tirin jirey Rasuulkana
middood waa la diley, tii kalena waa la
magangeliyey, wayna islaamtay. Saariya
iyadana waa la magangeliyey wayna
islaamtay. Xaakim wuxuu weriyey in ay ka
mid ahaayeen dadka dhiiggooda la
banneeyey Kacab binu Suheyr, Waxshi
binu Xarbi iyo Hindu bintu Cutba hase
yeeshee saddexduba way soo
islaamaeen, islaamnimadoodiina way wanaagsanaatay. Ninkii la oran jirey Safwaan binu
Umaya isagu kuma jirin dadkii dilka lagu
xukumay hase yeeshee maaddaama uu
ahaa nin ka mid ah hoggaamiyayaashii
qureysheed wuxuu u baqay naftiisa
wuuna cararay, markaas ayaa waxaa Rasuulka SCW u magangelyo weydiiyey
Cumer ibnu Wahab Al-Jumuxi, Rasuulkuna
SCW wuu ka yeelay, wuxuuna Cumeyr
siiyey cimaamaddiisii uu Makka ku soo
galay si ay calaamad ugu noqoto
magangelintiisa. Cumeyr wuxuu ka daba tegey Safwaan oo doonaya in uu xeebta
Jiddah ka raaco doon u socota Yaman,
wuuna soo celiyey. Safwaan markii uu
soo laabtay ayuu Rasuulka SCW ka
codsaday in uu siiyo muddo labo bilood
ah si uu islaamka uga fekero, Rasuulkuna SCW labadii uu cdsaday labo kale ayuu
ugu daray oo wuxuu yiri "afar bilood
ayaad ikhtiyaar leedahay", ka dib
Safwaan wuu islaamay, haweentiisa
ayaase ka hor islaamtay, Rasuulkuna SCW
nikaaxoodii hore ayuu u daayey. Ninkii ahaa waxshi oo xamsa dilay
isna waxa uu u cararay Daa'if isaga oo ka
baqaya in la dilo, markii ay reer Daa'if
islaameena isaga oo raba in uu shaam u
cararo ayaa lagu yiri rasuulku SCW ma
dilo qofkii u taga isagoo tawbad keen ah oo soo islaamay, markaasuu Rasuulka
SCW Madiina ugu tagay oo islaamay,
islaamnimadiisiina way
wanaagsanaatay. Sidoo kale waxaa isna Daa'if u cararay
ninkii ahaa abuu Caamir Al-faasiq, markii
ay reer Daa'if islaameena waxa uu u
cararay shaam, dabadeedna halkaas
ayuu ku bakhtiyey. Rasuulku SCW maalinkii uu Makka
furtay maalinkii ku xigay ayuu dadkii oo
dhan u khudbeeyey, wuxuuna ku yiri
markii uu Ilaahay mahadiyey ka dib
"Dadow Ilaahay wuxuu xarrimay Makka
markii uu Samaawaatka iyo dhulka abuuray, qof iga horreeyey iyo mid iga
dambeeyana looma xalaalaeyn, anigana
waxaa la ii xalaaleeyey saacad maalin
ka mid ah, haddana waxa ay ku laabatay
xurmadeedii, xalaalna uma aha qof Alle
iyo aakhiro rumeeyey in uu dhiig ku daadsho ama gooyo dhriteeda. Haddii uu
qof daliishado dagaalka Rasuulka Alle
waxa aad tiraahdaan "Alle ayaa
Rasuulkiisa u idmay, adigase laguuma
idmin", anigana waxaa la ii xalaaleeyey
saacad maalin ka mid ah maantana waxa ay ku laabatay xurmadeedii sidii
xurmadeedii shalay oo kale. Qofkii jooga
ha gaarsiiyo kan maqan". Sidoo kale
wuxuu Rasuulku SCW yiri "dhirteeda
lama gooyo, ugaarteedana lama cayrsho,
baadideedana lama qaado ilaa qof yaboohinaya ma ahane, daaqeedana
lama guro", maraas ayuu Cabaas yiri
"Rasuulkii Allow Idkharka ka reeb,
maxaa yeelay (waa geed) aan ku
samaysano guryahayaga, naxashkana
waan ka dhigannaa", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri "Idkhar ma ahane". Reer Khusaaca ayaa sidoo kale
maalinkaas waxa ay dileen nin reer banii
Leyth ah oo ay u dileen dakano hore oo
laga qabay, markaas ayaa rasuulku SCW
yiri "reer Khusaacow kor uga laaba
gacmihiinna dilka, dil waa batay haddii uu waxtarayee, waxaadna disheen nin
aan magtiisa bixinayo, qofkii la dilo
halkan aan taagnahay wixii ka
dambeeya ehelkiisii labo midkood ayey
dooranayaan: in ay u dilaan iyo in ay
mag qaataan. Markaas ayaa waxaa istaagay nin reer Yaman ah oo la oran
jirey Abuu Shaah oo yiri "Rasuulkii Allow
ii qor", markaas ayuu Rasuulku SCW yiri
"u qora Abuuu Shaah. Markii ay dhammaatay qabashadii
Makka oo ay magaaladii isku dubba
dhacday ayey Ansaartii waxa ay ka
baqeen maaddaama Ilaahay Rasuulkiisii
u furay Makka in uu Rasuulku SCW
magaaladiisii uu ku dhashay dego, markaasa ayey Rasuulka SCW oo Safwa
taagan oo Ilaahay ku baryaya is
yiraahdeen "ma dhici kartaa Rasuulka in
haddii uu Ilaahay u furay magaaladiisii
iyo dhulkisii uuu dego?". Markii uu
Rasuulku SCW ducadii soo dhammaystay ayuu u yimid oo ku yiri "Maxaad
tiraahdeen", markaas ayey u sheegeen,
wuxuu Rasuulku SCW ku yiri "Ilaah baan
ka magan galnay (taas) noloshu waa
noloshiina, dhimashaduna waa
dhimashadiina" taas oo ula jeedo magaaladiinna (Madiina) ayaan ku
noolaanayaa kuna dhimanayaa. Dadkii reer Makka markii uu xaqii
u caddaaday oo ay arkeen islaamka
maahane in waddo kale oo guul lagu
gaari karo jirin aye isa soo uruursadeen
iyaga oo Rasuulka SCW la
mubaayacoonaya, Rasuulkuna SCW wuxuu fariistay Safwa oo ay dadku ugu
tagayeen, Cumarna hoostiisa ayuu
taagnaa oo dadka ayuu u soo
gudbinayey. Rasuulku SCW wuxuu Makka
joogey 19 beri oo uu dadka hanuunka
ugu yeerayey, islaamkana barayey, wuxuuna amray in la burburiyo
asnaamtii xaramka taalley
dhammaantood, magaalada Makka
gudaheedana wuxuu u direy nin
naadinaya oo leh "qofki Alle iyo
maalinka aakhiro rumeeyey yuusan gurigiisa sanam uga tegin ilaa uu
burburiyo ma ahane. Intii uu Makka joogey wuxuu
Rasuulku SCW ciidamo u kala diray
asnaamtii waaweynaa ee la caabudi
jirey, siiba kuwii uu qur'aanku sheegay
ee Laata, Cusa iyo Manaat oo ugu
caansanaa Khaliijul-Carab. Cusa oo ahaa sanamkii ugu weynaa ee qureysh oo
dhan caabudi jirtey wuxuu rasuulku SCW
u diray Khaalid binu Waliid oo wata 30
nin oo fardooley ah, wuxuuna amray in
uu soo dumiyo, waxaana maamulka Cusa
hayey reer banii Sheybaan. Khaalid intuu tegey oo soo dumiyey ayuu soo laabtay,
markaas ayaa Rasuulku SCW ku yiri "wax
ma soo aragtay?", wuxuu yiri "may",
markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "ma
aadan soo duminin ee laabo oo soo
dumi", markaas ayuu laabtay oo si fiican u sumiyey, markii uu si fiican u dumiyey
ayaa waxaa ka soo baxay naag qaawan
oo madow, madaxeeduna firirsan yahay
oo qaylinaysa, markaas ayuu dilay, ka
dibna soo laabtay oo Rasuulka SCW u
sheegay, makraas ayaa Rasuulku SCW yiri "taasi waa Cusa oo ka quusatay in
dhulkiinna dib dambe loogu caabudo". Sidoo kal esanamkii Hudan la oran
jirey oo yaalley meeshii la oran jirey
Barhaad oo saddex mayl u jirtey Makka
wuxuu Rasuulku SCW u diray ciidan uu
hoggaaminayo Camar binu Caas. Camar
markii uu meeshii tegey ayaa ninkii maamulka meesha hayey yiri "maxaad
dooneysey?", markaas ayuu Cumar yiri
"Rasuulkii Alle ayaa i soo amray in aan
dumiyo", ninkii ayaa yiri "ma awoodi
kartid", Camar wuxuu yiri "sabab?",
wuxuu yiri "waa laguu diidayaa", markaas ayaa Camar ku yiri "weli ma
baadil baad ku tagan tahay?, hooggaagee
ma wax bay maqlaan ama arkaan", ka
dib Camar intuu sanamkii jejebiyey ayuu
ciidankiisiina amray in ay burburiyaan
gurigii uu yaallay bal in wax ka soo baxaan hase yeeshee waxba kama soo
bixin, markaas ayaa Camar ninkii ku yiri
"maxaad aragtay?", ninkii wuxuu yiri
"waan islaamay" markii uu xaqii u
caddaaday. Sidoo kale sanamkii la oran jirey
Manaat oo ay caabudi jireen Aws,
Khasraj, Qasaan iyo dad kaleba wuxuu
Rasuulku SCW u diray 20 nin oo fardooley
ah oo uu madax u yahay Sacad binu Seyd
Al-ashhari. Sascad markii uu meeshii tegey aya khaaddimkii meeshu ku yiri
"maxaad dooneysey?", markaas ayuu yiri
"Manaat baan duminayaa", wuxuu yiri
"adiga ayey ku jirtaa". Markii uu Sacad ku
dhaqaaqay sanamkii ayaa waxaa ka soo
baxday naaq qaawan oo madow oo hoog u yeeranaysa, xabadkana iska
garaacaysa, markaas ayaa khaaddimkii
la hadlay oo yiri "Manaateey waa kuwo
kugu caasiyey", Sacad ayaa markaas
dilay, meeshiina burburiyey. Khaalid binu Waliid markii uu ka
soo laabtay sanambkii Cusa oo uu soo
burburiyey, ayuu Rasuulku SCW u direy
reer banuu Judeyma si uu islaamka ugu
yeero, markaas ayu baxay Khaalid isaga
oo wata 350 Muhaajiriin iyo Ansaar ah, markii uu u tegeyna wuxuu ugu yeeray
islaamkii hase yeeshee ma aysan dhihin
waa islaamnay ee waxa ah dheheen
"waa iilannay", markaas ayuu Khaalid la
dagaallamay oo laayey soona qafaashay,
nin walba oo ciidankisii ka mid ahaana wuxuu u dhiibay maxbuus. Markii uu
meel dhexe soo marayo ayuu ciidankii
amray in nin walba uu dilo maxbuuskiisa
hase yeeshee Cabdullaahi binu Cumar
Khadhaab iyo rag kale oo ciidanka ka md
ah ayaa diiday in ay laayaan maxaabistooda. Markii Rasuulku SCW loo
yimid ayaa loo sheegay arrinkii, markaas
ayuu Rasuulku SCW gacmoaha kor u
taagay oo yiri "Allahayow adiga ayaan
kaaga beri noqonayaa waxa uu
sameeyey Khaalid", ka dibna Rasuulku SCW nimankii la laayey magtoodii ayuu
bixiyey. Waxaa jirtey duullaankaas lagu
maqnaa in Khaalid iyo Cabdiraxmaan
binu Cawf uu xoogaa muran ihi dhex
maray, markaas ayaa Rasuulku SCW ku
yiri Khaalid "aamus Khaalid ii dhaaf asxaabtayda, Ilaah baan ku dhaartaye
haddii uu qof baxo oo uu wax ku bixiyo
jidka Alle ma gaareysid nin asxaabtayda
ka mid ah kallahaaddiisa iyo
carraabadiisa". Furashadan Makka oo ahayd nasri
aad u weyn wuxuu Ilaahay ku xoojiyey
diintiisa, Rasuulkiisa SCW iyo askartiisa.
Nasrigan oo uu Ilaahay ku dahiray
Beytkiisa, kuna hoojiyey gaaladii, wuxuu
ahaa mid ay muslimiintu wax badan sugayeen. Furashadani waxa ay aad wax
uga beddeshay xaaladii Khaliijul-Carab
oo hoggaankii waxaa u qabtay islaamka,
carabna waxay soo galeen islaamka oo
wax ay ogaayeen in xaramka cidda u
hartaa ay xaq ku taagan tahay, waxayna weli xusuusnaayeen wixii ku dhacay
Abraha, waxayna bilaabeen in ay koox
koox iyo qabiil u soo galaan islaamka.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete