Casharka 77aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DUULLAANKII TABUUK Duullaankan wuxuu dhacay bishii
Rajab, sannadkii 9aad ee hijriga, waxa
ayna sababtiisu ahayd: Markii uu Rasuulku
SCW ka soo laabtay duullammadii Fatxu-
Makka iyo kuwii ka dambeeyey, ayna
Khaliijul-Carab gacantiisa gashay, islaamkuna noqday awoodda keliya ee
gobolkaas ka jirta, carabtii dhulkaas
degganaydna ay islaameen, ayuu
Rasuulku SCW isu diyaariyey dowladdii
Roommaanka oo waqtigaas duni ugu
xoog badnayd. Waxa aynu soo marnay in ninkii saxaabiga ahaa ee la oran jirey
Xaarith binu Camar oo uu Rasuulku SCW
warqadda ugu sii dhiibay boqorkii Basra
uu dilay Shuraxbiil binu Camar. Arrintaas
oo aad u fool xumayd, waxa ay ka
caraysiisay Rasuulka SCW oo waatii uu u diray ciidankii uu watay Seyd binu xaarith
oo ka dib uu dagaal daran ku dhex maray
iyaga iyo roomaankii meeshii la oran jirey
Mu'ta. Ka dib muslimiintii waxa ay u
jeesteen duullaankii Fatxu-Makka iyo
kuwii ku xigay, hase yeeshee ciidankii roomaanku waxa ay isu diyaarinayeen
duullaanka muslimiinta in kasta oo iyaga
laftooda ay arrimo kale ku furnaayeen oo
qabiillo badan oo carbeed ay ka
xoroobeen, qaar kalena islaamka soo
galeen. Rasuulku SCW markii uu ku soo
laabtay Madiina waxaa si is daba joog ah
loogu soo gudbinayey akhbaarta
roomaanka iyo in ay rabaan in ay
muslimiinta duullaan ku soo qaadaan.
Sidaa darteed Rasuulka SCW oo lagu yaqaanay in haddii uu maqlo cid rabta in
ay muslimiinta duullaan ku soo qaaddo uu
meesheeda ugu tago, waxa uu bilaabay in
uu u tabaabushaysto duullaanka
roomaanka, wuxuuna u cid diray
dhammaan qabiilladii muslimiinta ahaa ee beled iyo baadiyaba degganaa. Rasuulku SCW wuxuu samayn jirey
markii uu duullaan u socdo in uu jihada
uu ku duulayo maahee jiho kale muujiyo
si munaafiqiinta iyo kuwa iimaankoodu
daciifka yahay aysan u bixin sirtiisa oo
uusan cadowgu uga faa'iideysan, hase yeeshee Rasuulku SCW duullaankan
roomaanka shaaca ayuu ka qaaday
maxaa yeelay meesha ayaa fogeyd, cidda
lagu duulayana waxa ay ahayd dowladdii
waqtigaas dunida ugu xoogga badnayd
sidaas ayuuna ogeysiiska u bixiyey si ay muslimiintu isu diyaariyaan oo ay saad
iyo saanadba ugu talo galaan. Sidoo kale
waqtiga duullaankani wuxuu ku beegmay
waqti ay abaar darani dhacday oo qorrax
kulayl jirtay dadkuna aad u
dhibaataysnaayeen, markaasna qorraxdu ay aad u kululayd. Asxabtii Rasuulka oo dhib kasta oo
ku yimaadda uusan ka hakinayn kor
ahaanshaha kalimadda Alle iyo jihaadka,
waxa ay si deg deg ah u ajiibeen
dhawaaqii jihaadka, waxa ayna si is daba
joog ah ugu soo qulquleen Madiina iyaga oo ka imaanaya dhammaan dhulkii uu
islaamku xukumayey. Wuxuu Rasuulku
SCW muslimiinta aad ugu boorriyey in ay
sadaqo la baxaan oo ay ururiyaan xoolo
badan oo jihaadka lagu taageero, sidaa
darteed asxaabta oo had iyo jeer kheyrka u kala tartami jirey waxa ay bilaabeeen
in ay kheyrkan u kala dheereeyaan.
Abuubakar wuxuu bixiyey maalkiisii oo
dhan, markaas ayuu Rasuulku SCW ku yiri
"maxaad reerkaagii uga soo tagtay?",
wuxuu yiri "Alle iyo Rasuulka". Cumar binu Khadhaab wuxuu keenay maalkiisii
barkiis. Cusmaan binu Cafaan wuxuu
keenay 300 rati iyo rarkoodii, 1,000
Diinaar iyo 200 oo wiqiyadood wuu
bixiyey, wuxuu markaas Rasuulku SCW yiri
"maanta wixii ka dambeeya dhibi mayso Cusmaan wixii uu sameeyo".
Cabdiraxmaan binu Cawf wuxuu keenay
200 oo wiqiyadood oo qalin ah, Cabbaas
binu Cabdimudhalib wuxuu keenay maal
badan. Sidaa ayeyna asxaabtii wax u
bixinayeen oo kii maal badan haystay wuxuu keenay wax badan, kii maal
yaraana wuxuu keenay wixii uu heli
karay. Munaafiqiintii oo iyagu kheyrka iyo
sadaqada ka indho la'aa, wax ay bixiyaan
iska daaye waxa ay durid iyo dacaayad
ugu dhaqaaqeen asxaabtii sadaqada
bixinaysay oo kii maal badan keena waxa
ay lahaayeen "is tus tus ayuu u bixinayaa", kii wax yar keenana waxa ay
lahaayeen "Alle waa ka deeqtoon yahay
kan wixiisa". Allaahna isaga oo ka
hadlaya arrinka munaafiqiiinta iyo sida
ay wax bixintodu ahayd wuxuu
qur'aankiisa ku yiri: ((KUWII WEEYE (MUNAAFIQIINTU) KU
CEEBAYNAYEY KUWA SADAQAYSANAYA
EE MU'MINIINTA KA MID AH IYO KUWA
AAN HELAYN TABARTOODA MOYEE WAX
KALE, WAY KU JEESJEESAYAAN ALLAASE
KU JEESIN (OO KA ABAAL MARIN XUMAANTOODA), WAXAYNA LEEYIHIIN
CADAAB DARAN)), (Suuratu-Tawbah 79). Gabdhihii muslimaatka ahaa waxa
ay iyaguna sadaqaatkii ka qaateen qayb
libaax, waxa ayna sadaqaysanayeen
dhega-dhegahoodii, jijimahoodii,
farraantiyadoodii iyo wixii ay uga qayb
qaadan kareen jihaadka. Ugu dambayntii waxa Rasuulka
SCW soo gaartay in uu Hiraqle u
diyaariyey duullaanka muslimiinta ciidan
gaarayey 40,000 oo nin ayna raaci
doonaan qabiilooyinkii carbeed ee uu
xukumayey sida Lakham, Judaama iyo kuwo kale. Ciidankaas horraantiisii waxa
ay soo gaartay meesha la yiraahdo
Bulqaa'. Rasuulku SCW wuxuu Madiina ka
soo baxay bishii Rajab, sannadkii 9aad ee
hijriga isaga oo wata 30,000 oo ciidan ah,
waana ciidankii ugu badnaa ee uu
Rasuulku SCW duullaan u kaxaysto.
Duullaankani wuxuu ahaa kii ugu dambeeyey ee uu Rasuulku SCW u baxo.
Wuxuu Rasuulku SCW Madiina madax uga
dhigay Maxammed ibnu Maslama,
xaasaskiisiina wuxuu Rasuulku SCW uga
soo tegay Cali binu Abii-dhaalib. Nimankii munaafiqiinta ahaa oo
had iyo jeer markii ay nabadi jirto
dadkooda ku dhex qarsoon, markii
dhibku yimaadana bannaanka u soo baxa
ayuu duullaankan tabuuk bannaanka u
soo saaray oo intii uu Rasuulku SCW duullaanka isu diyaarinayey waxa ay
Rasuulka SCW u soo qaddimayeen
cudurdaarro been ah oo ay rabeen in ay
duullaanka uga haraan, waxaana
hadalladoodii ka mid ahaa in qaar ka mid
ihi Rasuulka SCW u yimaadeen oo ku dheheen "haweenka reer Asfar (reer
Ruum) iskama hayn karno ee ha na
fitnaynin". Allaahna isaga oo tilmaamaya
hadalkoodaas wuxuu qur'aankiisa ku yiri: ((WAXAA KAMID AH (MUNAAFIQIINTA)
KUWA DHAHAYA I FASAX OO HA I
FITNAYNIN, WAXAYSE KU DHECEEN
FITNADII (OO GAALNIMO AH)
JAHANAMANA WAA MID KOOBTAY
GAALADA)), (Suuratu-Tawbah 49). Sidoo kale waxaa hadalladoodii ka
mid ahaa iyaga oo asxaabta tashwiish ku
furaya in ay dhahaan "ma roomaanka
ayaa lala dagaallami karaa? Maxammed
ma wuxuu mooday carabtii oo kale?".
Waxaa kale oo ay yiraahdeen iyaga oo ka hadlaya kulaylkii iyo masaafadii dheerayd
"war kulaylka ha u bixinnina". Allaahna
isaga oo hadalkoodaas tilmaamaya
wuxuu qur'aankiisa ku yiri: ((WAXAY KU FARXEEN KUWII HARAY
FADHIGOODII AY KA HAREEN RASUULKA
SCW IYO IN AY NECEEN KU JIHAADIDA
MAALKOODA IYO NAFTOODA JIDKA ALLE,
WAXAYNA DHEHEEN HA KU BIXINA
KULAYLKA, WAXAAD DHADAA NAARTA JAHANAMO AYAA KA KULAYL BADAN
HADDAY WAX FAHMAYAAN)), (Suuratu-
Tawbah 81). Munaafiqiintii markii uu Rasuulku
SCW baxay way hareen iyaga oo isugu
jiray qayb cudurdaar been ah sheegatay
iyo qayb aan cudurdaarba sheegan oo
iska hartay. Allaah isaga oo ka hadlaya
cudurdaarashadooda iyo raacitaankoodu in uusan faa'iido u lahayn Muslimiinta
wuxuu qur'aankiisa ku yiri: ((KAAMA IDAN WAYDIISTAAN KUWA
ALLE IYO MAALINKA AAKHIRO RUMEEYEY
IN AY KU JIHAADAAN MAALKOODA IYO
NAFTOODA, ALLENA WAA OGYAHAY
MUTTAQIINTA, WAXAASE KU IDAN
WAYDIISANAYA WAXA AAN ALLE IYO MAALINKA AAKHIRO RUMAYN OO AY
QULUUBTOODU SHAKIDAY (XAQA) IYAGA
OO KU NOQNOQONAYA SHAKIGOODA,
HADDAY DAMCAAN IN AY BAXAAN
WAXAY DIYAARSAN LAHAAYEEN QALAB,
HASE YEESHEE ALLE AYAA IDIIN NACAY BIXITAANKOODA MARKAASUU DIB
DHIGAY, WAXAANA LAGU YIRI LA
FADHIYA KUWA HARAY (DUAMRKA
CARUURTA IYO NAAFADA)), (Suuratu-
Tawbah 44-46). Waxa ay munaafiqiintu sidoo kale
dacaayado ka faafinayeen asxaabtii
jihaadka looga reebay cudurdaar dartiis
sida Cali binu Abii-dhaalib oo Rasuulku
SCW ehelkiisa uga soo tegey, waxa ayna
lahaayeen "Cali wuu cuslaysiiyey Rasuulka SCW oo wuu iska reebay", hadalkoodii
ayaa markaa Cali dhibsaday, markaas
ayuu Cali hubkiisii intuu qaatay ka daba
tegay Rasuulkii SCW oo dhex sii socda,
wuxuuna ku yiri "Rasuulkii Allow,
munaafiqiintii waxa ay sheegayaan in aan ku cuslaysiiyey oo aad iska kay
fududaysay", markaas ayaa Rasuulku SCW
yiri Cali "been bay sheegeen. Ilaah baan
ku dhaartaye waxa aan kuu reebay in aad
mas'uul iiga noqotid ehelkaygii iyo
ehelkaaga", waxaa kale oo uu Rasuulku SCW ku yiri "miyaadan ku raalli noqonayn
in aad ii joogtid booskii uu Haaruun u
joogay Muuse illaa in uusan nabi iga
dambayn maahane?". Ka dib Rasuulku
SCW wuu celiyey si uu khaliif uga sii
ahaado ehelka Rasuulka SCW. Duullaankan Tabuuk waxaa kale oo
ka haray, munaafaqiinta maahane, dad
wanaagsan oo asxaabta ka mid ahaa,
waxaana raggaas ka mid ahaa Abaa
Khaythama. Abuu Khaythama markii uu
Rasuulka SCW ka haray ayaa maalin kulayl darani jiro wuxuu tegey labadiisii guri,
markaas ayuu arkay labadiisii xaas oo
mid walba u gogoshay geed hoostiis, una
diyaarisay raashin, markaas ayuu yiri
"Rasuulkii Allena kulayl iyo safar ayuu ku
jiraa, Abaa Khaythammana labadiisii xaas ayaa raashin iyo har u diyaariyey.
Ilaah baan ku dhaartaye cuni maayo
raashinkiinna, harkiinnana farisan maayo
illaa aan Rasuulkii Alle uga tago ee ii
diyaariya jescinkaygii", markii ay u
diyaariyeenna rakuubkiisii ayuu qaatay oo Rasuulkii SCW ayuu ka daba tegey,
jidkana waxa ay iska heleen nin kale oo
asxaabta ka mid ahaa. Rasuulka SCW iyo
asxaabtiisii oo meel degay ayaa waxa ay
arkeen raggaas meesha fog ka soo socda,
markaas ayey asxaabtii ku dheheen Rasuulka SCW "Rasuulkii Allow niman
baa halkaa ka soo muuqda", markaas
ayuu Rasuulku SCW yiri "ahow Abuu
Khaythama", markii uu soo dhowaaday
ayey asxaabtii dheheen "Rasuulkii Allow
waaba isagii". Abuu Khaythama iyo saxaabigii markii ay Rasuulka SCW u
yimaadeenna wuxuu yiri "Abuu
Khaythama maxaa kugu dhacay?",
markaas ayuu Abuu Khaythama qisadii u
sheegay, Rasuulkuna SCW wuu u
duceeyey. Dadkii wanaagsanaa oo sidaa kale
dib u dhacay waxaa ka mid ahaa Abii Dar
Al-Qafaari, markaas ayaa isaga oo meel
fog ka soo socda oo alaabtiisii tunka ku
wata asxaabtu u sheegeen Rasuulka SCW
qofka lugeynaya oo meesha fog ka soo muuqda, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri
"ahow Abuu Dar", markii uu soo
dhowaaday ayey dheheen "Rasuulkii
Allow waaba Abuu Dar", markaas ayuu
Rasuulku SCW yiri "Allaha u naxariisto
Abuu Dar waxa uu soconayaa keligiis, wuxuuna dhiman keligiis, waxaana la soo
saarayaa keligiis". Sidii uu Rasuulku SCW
sheegay ayuuna arrinkii noqday oo
waqtigii Cusmaan binu Cafaan Khilaafada
hayey ayaa Abuu Dar isaga oo meel cidla
ah maraya ayna lasocdaan xaaskiisii iyo wiil khaadimkiisa ahaa waxaa qabatay
geeridii, markaas ayuu ku yiri xaaskiisii
"waxa aan maqlay Rasuulkii Alle oo koox
aan ku jiro leh "waxa idinka mid ah nin
meel cidla ah ku dhiman doona oo
janaasadiisa ay dad muslimiiin ahi u imaan doonaan". Ilaah baan ku dhaartaye
raggii kale waa wada dhinteen ilaa
aniga maahane, nin walbana wuxuu ku
dhintay magaalo iyo meel dad joogo,
wuxuu u dardaarmay xaaskii iyo wiilkii in
ay dhaqaan oo kafnaan ka dibna ay dhigaan wadada oo cida ugu horaysa oo
soo marta ay ku dhahaan kani waa Abii
Dar saaxiibkii Rasuulkii Alle SCW ee
nooogu kaalmeeya duugitaankiisa,
markii uu dhintay ayey sidii yeeleen oo
dhigeen wadada. Ciddii u horaysay ee soo marta waxa ay ahayd koox uu Cabdullaahi
binu Mascuud ku jiro oo reer Ciraaq ah
una socota Cumro, waxay kooxdii arkeen
Janaasada wadada dhextaal oo geelay
wateeni sigay in uu ku jogsado, waxaa
markaa istaagay wiilkii oo yiri "kani waa Abii Dar saaxiibkii Rasuulka SCW ee
noogu kaalmeeya duugitaankiisa".
Cabdullaahi binu Mascuud ayaa
ashahaatay oo isagoo ooyaya yiri "waa
run sheegay Rasuulkii Alle SCW waxaad
soconaysaa (Abaa Dar) kaligaa waxaad dhimatay kaligaa waxaana lagu soo
bixinayaa kaligaaa, ka dibna waa
duugeen. Ka dib Rasuulka SCW iyo
ciidankiisii waxa ay u kicitimeen dhinaca
Shaam iyaga oo u socda Tabuuk oo ku
taalla xudduuda Sucuudiga iyo Jordan.
Ciidanka Rasuulku SCW watay tiro
badnaantooda darteed kuma uusan filnayn gaadiidkii iyo sahaydii ay wateen
sidaa darteed 18kii ninba waxaa ka
dhexeeyey hal rati. Intii ciidankii
muslimiiintu waddada Tabuuk sii hayeen
waxa uu sii maray meel la yiraahdo Xajar
oo ahayd dhulkiii uu Ilaahay ku halaagay reer Thamuud, markaas ayaa dadkii ka
waraabsadeen ceelashii, markii ay
carraabayeen ayaa Rasuulku SCW ku yiri
"ha ka cabbinina biyaheeda, salaaddana
ha ugu weyso qaadannina, waxna ha ka
cunina", wuxuu Rasuulku SCW amray in ay ka cabbaan ceelkii ay u aroori jirtay
hashii Nabi Saalix. Cabdullaahi binu Cumar wuxuu yiri
"markii uu Rasuulku SCW soo maray Xajar
waxa uu yiri "ha gelinnina kuwii naftooda
dulmiyey guryahooda (reer Thamuud)
illaa idinka oo ooyaya maahane, yuusan
idinku dhicin wixii iyaga ku dhacay". Ka dib Rasuulku SCW madaxiisa ayuu
foorariyey, socodkiina wuu dedejiyey ilaa
uu meeshii dhaafay. Ciidankii muslimiinta intii uu jidka
sii hayey waxaa qabtay harraad aad u
daran illaa ay markii dambe Rasuulka
SCW u sheegteen, markaas ayuu Rasuulku
SCW Ilaahay u baryey, Allaahna wuxuu u
soo diray daruur roob ah illaa ay ka cabbeen oo ay ka dhaansadeen. Sidoo
kale intii dhexda la sii socday habeen
ayaa Rasuulku SCW ku yiri asxaabta
"caawa waxaa idiin imaanaysa dabayl
daran ee yaan qof idinka mid ihi kicin,
qofkii rati watana ha adkeeyo dabarkiisa". Dabayshii ayaa timid,
markaas ayaa nin istaagay, dabayshii
ayaa qaadday ninkii oo ku tuurtay buurta
Dhii'i, halkaasna waxa aan ka
garanaynaa amarka Rasuulka SCW oo la
khilaafo dhibaatada uu leeyahay. Markii Rasuulka SCW loo sheegay in ninkaas
dabayshii qaadday wuxuu yiri "miyaaanan
idin dhigin qofna yuusan kicin?". Markii
uu Rasuuku SCW Madiina ku laabtay ayaa
reer Dhii'i u keeneen Rasuulka SCW
ninkii. Rasuulku SCW intii uu waddada ku
sii jirey salaadda duhur iyo casar wuu
jamcinayey, sidoo kale makhribka iyo
cishahana wuu jamcinayey oo wuxuu
samaynayey Jamcu-Taqdiin iyo Jamcu-
Ta'khiir labadaba. Markii uu Rasuulku SCW u dhowaaday Tabuuk wuxuu ku yiri
asxaabtii "berri haddii Alle idmo waxa
aad tegi doontaan ishii Tabuuk, mana
gaareysaan barqadii ka hor ee haddaba
qofkii tagaa yuusan biyaheeda wax ka
taaban, ilaa aan imaado". Markii uu Rasuulku SCW meeshii tegey ayuu arkay
labo nin oo uga hor maray biyihii,
markaas ayuu weydiiyey oo yiri "wax ma
ka taabateen isha biyaheeda?", waxay
dheheen "haa", wuxuu Rasuulku SCW ku
yiri wixii Alle doonay. Ka dib wuxuu Rasuulku SCW ka darsaday wax yar ilaa
xoogaa biyo ah uu ka helay, wuxuu ku
mayray wejigiisa iyo gacmihiisa wuuna
ku celiyey, markaas ayaa ishii biyo badan
ka burqadeen oo dadkii ka cabbeen.
Ciidankii muslimiintu wuxuu markaas degay Tabuuk oo uu ka dhigtay fariisin,
dabadeedna waxa uu Rasuulku SCW u
jeediyey ciidankii khudbo aad u xeel
dheer isaga oo ku boorrinaya dagaalka
lala geli doono cadowga Alle iyo in ay
muslimiiintu leeyihiin guusha Adduun iyo Aakhiro. Roomaankii markii ay maqleen soo
bixitaanka Rasuulka SCW iyo awooddiisa
ayaa Allaah ku riday rucbi iyo argagax,
wayna awoodi kari waayeen in ay dagaal
ugu soo baxaan muslimiinta oo goobta
yimaadaan, sidaa darteed waxa ay kala aadeen magaalooyinka xuduudkooda
gudihiisa ku yaallay oo waxay galeen
difaac. Ciidankii muslimiinta wuxuu Alle u
siyaadiyey Ciso iyo sharaf, meel walbana
waxaa laga ogaaday guusha muslimiinta
iyo baqdintii roomaanka oo waqtigaas
dunida ugu xoogga badnaa. Rasuulka SCW
iyo ciidankiisii waxa ay Tabuuk degganaayeen 20 beri, waxaana Rasuulka
SCW u yimid intii uu meeshaa degganaa
qaar ka mid ahaa madaxdii dhulkaas
xukumi jirtey iyaga oo doonaya heshiis,
iyo in ay jisyo bixiyaan. Waxaa Rasuulka
SCW u yimid nin la oran jireyYuxayna binu Rawba oo xukumayey Ayla, wuxuuna
Rasuulka SCW la saxiixday heshiis,
wuxuuna ballan qaaday jisyo, Rasuulkuna
SCW warqad ayuu u qoray taas oo ahayd
sidan: BISMILLAAHI
RAXMAAN RAXIIM Tani waa nabadgelyo ka ahaatay
Nabi Maxammed, Rasuulkii Alle una
ahaatay Yuxayna binu Rawba iyo reer
Ayla doonyahooda iyo socotadooda bad
iyo berri. Waxa ay ku jiraan nabadgelyadii
Alle iyo Nabi Maxammed iyaga iyo ciddii la jirta oo reer Shaam iyo reer Baxar ah.
Qofkii iyaga ka mid ah oo dhibaato soo
cusboonaysiiya maalkoodu ka celin
maayo naftooda, ciddii maal ka qaadata
oo dadka ka mid ahna waa u xalaal.
Xalaal ma aha in laga manciyo biyo ay aroorayaan iyo waddo ay marayaan bad
iyo berriba. Sidoo kale waxaa Rasuulka SCW u
yimid reer Jarbaa iyo reer adkax waxa ay
iyaguna ballan qaadeen in ay jisyo
bixiyaan, Rasuulkuna SCW wuxuu u qoray
warqad. Rasuulku SCW intii uu meeshaa
joogey wuxuu diray ciidan gaaraya 420
nin oo fardooley ah, madaxna uu u ahaa
Khaalid binu Waliid. Wuxuu ciidankaas u
diray ninkii la oran jirey Ukaydar binu
Cabdi-Malik oo ahaa masiixi xukumayey Duumatul-Jundul. Rasuulku SCW wuxuu ku
yiri Khaalid "waxa aad heli doontaa
ninkaas oo lo' duureed ugaarsanaya".
Khaalid wuu baxay ilaa uu u dhowaaday
qalcaddii uu ninkaas degganaa,
habeenkaas oo uu jiray dayax, ahaydna waqti kuleyl ah ayaa Ukaydar isaga oo
haweentiisii la taagan, waxa ay arkeen
lo' duureed ku xoqanaysa albaabkii
dhistooda, markaas ayey haweentiisii ku
tiri "weligaa arrintaan oo kale ma
aragtay?", wuxuu yiri "maya, Ilaah baan ku dhaartaye", waxa ay tiri "tan yaa ka
tagay?", wuxuu yiri "qofna", ka dib intuu
soo degay ayuu amray in faraskiisii loo
kooreeyo, markii loo yeelayna wuu soo
baxay wuxuu bilaabay in uu ceyrsado
isaga oo ay la jiraan koox ehelkiisa ah oo uu ka mid ahaa walaalkiis Xasaan.
Ugaartii isaga oo ceyrsanaya ayaa waxaa
soo qabtay ciidankii Khaalid watay,
walaalkiisna way dileen. Wuxuu Ukaydar
dusha ka gashanaa maro ka samaysnayd
xariir dahab lagu qurxiyey, Khaalid ayaa markaa maradii ka qaaday oo Rasuulka
SCW u sii diray. Anas bin Maalik wuxuu
yiri "waxa aan arkay maradii markii
Rasuulka SCW loo keenay iyada oo ay
muslimiinti gacmohooda ku
taataabanayaan oo ay la yaabban yihiin, markaas ayaa Rasuulku SCW yiri "ma tan
baad al yaabaysaan, Allihii nafsaddaydu
gacantiisa ku jirtay ku dhaartaye
fasaleetiyada Sacad binu Mucaad ee
jannada dhexdeeda ayaa ka fiican tan".
Ka dibna Khaalid ayaa u keenay Rasuulka SCW ninkii Ukaydar ahaa, Rasuulkuna
SCW ninkaa wuu iska cafiyey, wuxuuna
kula heshiiyey in uu jisyo bixiyo, ka dibna
Ukaydar waxa uu u noqday ehelkiisii. Rasuulku SCW wuu soo gaddoomay,
intii uu jidka ku soo jirey ayaa 12 nin oo
munaafaqiinta ka mdi ahaa damceen in
ay dilaan Rasuulka SCW hase yeeshee
waa loo waxyooday, waxaana Rasuulka
SCW la socday Cammar binu Yaasir oo hoggaanka hasha u hayey iyo Xudayfa
binu Yamaam oo hasha gadaal ka waday.
Markii ay munaafaqiintii u soo
dhowaadeen Rasuulka SCW oo uu
shanqartoodii maqlay ayuu u diray
Xudayfa si uu u kala cayriyo, markaas ayuu Xudeyfa seeftiisii la baxay oo
daabbadahoodii ka hor tegey, markaas
ayey kala carareen oo ciidankii dhex
galeen. Rasuulku SCW wuxuu ka dib
magacyadoodii iyo wixii ay
damacsanaayeenba u sheegay Xudeyfa. Rasuuulku SCW markii uu Madiina
u soo dhawaaday ayuu yiri "tani (Madiina)
waa dhaaba, kani waa Uxud, waa buur na
jecel annaguna aan jecel nahay". Ka dib
Rasuulku SCW wuxuu galay magaaladii
Madiina bishii Ramadaan, sannadkii 9aad ee hijriga, wuxuna Madiina ka maqnaa 50
beri. Sidii sunnada u ahayd Rasuulka SCW
markii uu safar ka soo laabto, wuxuu ugu
hor galay masaajidka oo uu ku tukaday
labo rakcadood, ka dib dadkii ayuu u
fariistay. Nimankii munaafaqiinta ahaa oo dhowr iyo siddeetan gaarayey ayaa
Rasuulka SCW u yimid iyaga oo u
cudurdaaranaya oo been ku dhaaranaya,
Rasuulkuna SCW wuu u rumeeyey
hadalkoodii oo daahirkoodii ayuu
xukumay, laabtoodiina Ilaah ayuu u tala saartay, wuuna u dembi dhaaf weydiiyey
hase yeeshee Alle uma dembi dhaafin
kamana raalli noqon, wuxuuna
qur'aankiisa ku yiri: ((U DAMBI DHAAF WAYDII AMA HA U
DAMBI DHAAF WAYDIIN HADDII AAD U
DAMBI DHAAF WAYDIISO TODOBAATAN
JEER ALLE U DEMBI DHAAFI MAAYO,
MAXAA YEELAY WAXA AY KU KUFRIYEEN
ALLE IYO RASUULKIISA SCW, ALLENA MA HANUUNIYO DAD FAASIQIIN AH)),
(Suuratu-Tawbah 80). Intii uu Rasuulku SCW ku maqnaa
duullaankii Tabuuk waxaa dhacday in
qaar munaafaqiinta ka mid ah ay dhiseen
masaajid si ay muslimiinta ugu kala
geeyaan, dhufaysna uga dhigtaan.
Rasuulka SCW ayey u yimaadeen oo ku yiraahdeen "Rasuulkii Allow waxaan
dhisnay masaajid, waxaanna jecel nahay
in aad noo timaaddid oo noogu tukatid",
Rasuulkku SCW markii uu damcay in uu
tago Ilaahay soo dejiyey aayadahan: ((KUWA WEEYE (MUNAAFAQIINTU) U
YEESHAY MASAAJID DHIB IYO GAALNIMO
IYO IN AY KALA JABIYAAN MU'MINIINTA,
UUNA KU DHAKADO MID HORAY ULA
DAGAALAMAY ALLE IYO RASUULKIISA,
WAXAYNA KU DHAARANAYAAN INAANAN WAX AAN WANAAG AHAYN
DOONAYN, ALLASE WAA OG YAHAY INAY
BEEN SHEEGAYAAN, HA JOOGSAN
DHEXDIISA WALIGAA, MASAAJID LAGU
BILAABAY MAALINKII U HORAYSAY
TAQWADA ALLE (MASAAJIDKII QUBA) AYAA U XAQ LEH IN AAD DHEX IS TAAGTO,
WAXAANA JOOGA (MASJID QUBA) RAG
JECEL IN AY IS DAAHIRIYAAN, ALLENA
WAA JECEL YAHAY KUWA IS DAAHIRIYA,
MA QOF KU BILAABAY DHISTA
(MASAAJIDKIISA) TAQWADA ALLE IYO RAALI AHAAN SHIHIISA AYAA KHAYR
BADAN MISE MID KU BILAABAY
DHISMIHIISA GOD KULA DUMAYA
JAHANNAMO QARKIIS, ALLENA MA
HANUUNIYO QOOM DAALIMIIN AH, KANA
SUULIMAAYO DHISMAHOODII AY DHSIEEN (SABABTII) IN QULUUBTOODA UU KU JIRO
SHAKI ILAA AY KA GOOGO'DO
QULUUBTOODU, ALLENA WAXA UU
AHAADAY ALLE WAX WALBA OG OO
XAKIIM AH)), (Suuratu-Tawbah 107-110). Markaas ayuu Rasuulku SCW amray rag
asxaabtiisa ah in ay baxaan oo soo
dumiyaan, soona gubaan masaajidkaas. Halkan waxaa aynu ka
qaadanaynaa in shay kasta iyo camal
walba oo wanaagsan mar haddii aan Alle
dartiis loola jeedin ee dano adduunyo loo
sameeyo uusan faa'ido yeelanayn; Allena
qofka niyadiisa ayuu u qabanayaa. Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "acmaashu
waxa ay ahaatay niyada, qof walbana
wuxuu leeyahay wixii uu niyoodo. Qofkii
ay hijradiisii tahay Alle iyo Rasuulkiisa,
hijradiisu waa Alle iyo Rasuulkiisa; qofkii
ay hijradiisu tahay adduunyo uu soo helo ama haweenay uu soo guursado,
hijradiisu waa waxa uu u hijrooday". Mu'miniintii kale oo duullaankaas
ka haray oo aan ka qayb gelin waxaa ka
mid ahaa Kacab binu Maalik, Muraaro
binu Rabbiica iyo Hilaal binu Umaya oo
iyagu aan u harin shaki iyo nifaaq balse
uu qaaday wahsi iyo naf jeclaysi. Kacab binu Maalik wuxuu yiri "weligay Rasuulka
SCW kama harin duullaan uu duulayo
marka laga reebo kii Tabuuk iyo Badar oo
aan isaga cidna lagu canaanan. Waxa aan
Rasuulka SCW kala qayb galay beycaddii
Caqaba 2aad oo aan islaamka isku ballansannay, Badarna kama aan jeclayn
Caqaba in kasta oo ay dadku sheeg
sheegaan Badar. Hase yeeshee ma jirin
mar aan ka xoog badnaa, oo iiga
fududayd duullaankii Tabuuk ee aan ka
haray. Ilaah ban ku dhaartaye markaas aka hor ma kulmin labo neef (oo aan
duullaan u diyaarsado) illaa duullaankaas
Tabuuk maahane. Rasuulkuna SCW ma
duuli jirin hase yeeshee wuxuu muujin
jirey (jihada duullaanka) meel aan ahayn
duullaankan Tabuuk maahane. Rasuulkii Allena wuxuu duulay iyada oo uu jiro
kulayl daran, wuxuuna qaabbilay safar
dheer iyo caddad badan, muslimiintana
wuxuu u caddeeyey arrintaas si ay
duullaanka isugu diyaariyaan,
muslimiiinta Rasuulka SCW la socdayna way badnaayeen mana jirin diiwaan
koobaya, waxaana yaraa nin doona in uu
is qariy illaa wuu maleynayey in uu
qarsoomi karo haddii aan waxyi xagga
Alle ka imaan. Wuxuu duullay Rasuulkii
Alle waqti ay mirihii soo go'een. Anigu waan is diyaariyey hase yeeshee ma
aanan samayn, markii ciidankii baxay
ayaan damcay in aan ka daba tago hase
yeeshee ma aanan samayn. Markii uu
Rasuulkii Alle baxay ayaan ku dhex socday
dadkii (bal in aan helo dad kale oo wanaagsan oo haray), waxaase i muru
geliyey in aanan arag illaa nin nifaaq ka
buuxo iyo nin Ilaahay u cudurdaaray
maahane". Markii uu Rasuulku SCW soo noqday
ayuu Kacab cudurdaar aan jirin urusaday
si uu Rasuulka SCW ugu raalli geliyo hase
yeeshee amrki uu Rasuulka SCW u soo
dhowaaday ayuu arrinkaas iska daayey,
wuxuuna go'aansaday in uu runta ku dadaalo iyada ayaa adduun iyo aakhiroba
badbaadinaysee. Rasuulku SCW markii uu
masaajidkii fariistay oo munaafaqiintii
oo dhan ay cudurdaar been ah la
yimaaddeen ayaa Kacab u soo galay
Rasuulka SCW, markaas ayaa Rasuulku SCW dhoolla caddayn uu xanaaq ku jiro oo
kale dhoolla caddeeyey, weydiiyeyna
Kacab waxa ka reebay duullaanka. Kacab
wuxuu yiri "Rasuulkii Allow SCW Ilaah
baan ku dhaartaye haddii aan ag fariisan
lahaa cid kale, cudurdaar ayaan u badin lahaa oo waxaa la i siiyey codkarnimo,
hase ahaatee Ilaah baan ku dhaartaye
waxa aan ogahay haddii aan maanta kuu
sheego been ah oo aad iiga raalli noqotid
in Ilaahay uu ii caroonayo. Haddiise aan
kuu sheego sheeko run ah oo aad wax iigu qaadaysid, waxa aan rajaynayaa cirib
dambeedka Alle. Ilaah baan ku
dhaartayey wax cudurdaar ah m alihi,
Ilaah baan ku dhaartaye maalin aan ka
xoog badnaa ma jirin oo ay iiga fududeyd
markii aan kaa haray (duullaankii Tabuuk). Rasulku SCW wuxuu yiri "kani
waa run sheegay. Kac intii Allaah kaa
xukminayo". Rag ayaa ka daba kacay Kacab oo
ku yiri "war maxaad u cudurdaaran
weyday sidii kuwii kale u cudurdaarteen
oo kale, waxaa dembigaaga kaafin
lahayd dembi dhaaf weydiinta Rasuulka
SCW?", markaas ayuu Kacab ku yiri "cid kale oo ila qabtaa arrinkan (cudurdaar
la'aan) ma jirtaa?", waxa ay dheheen
"haa, waxaa kula qaba labo nin oo sidaa
oo kale yiri", markaas ayuu yiri "waa
kuwama?", waxaa la yiri waa "Muraara
binu Rabbiic iyo Hilaal binu Umaya", markaas ayuu Kacab farxay oo yiri "waxa
ay ii sheegeen labo nin oo wanaagsan oo
dagaalkii Badar xaadiray, ku deyashana
iigu sugan tahay". Rasuulku SCW wuxuu muslimiiintii
ka reebay in ay saddexdaas nin la hadlin
inta uu Alle arrinkooda ka xukuminayo.
Kacab wuxuu yiri "dhulkii iyo dadkii ayaa
isu kaaya beddelay oo dhulkiiba dhulkii
aan naqaannay ma aha. Waxa aannu sidaas ahayn 50 habeen, labadii
saaxiibna guryahooda ayey iska fariisteen
iyaga oo ooyaya laakiinse anigu ragga
waan u dhallinyaraa, waanna ugu
adkeysi badnaa sidaa darteed waan
baxayey oo salaadda ayaan muslimiinta la xaadirayey, suuqyadana waan marayey
hase yeeshee qofna ilama hadlay.
Rasuulka SCW waan u imaanaey oo
salaamayey salaadda ka dib isaga oo
booskiisa jooga, waxa aan is lahaa
"salaantii ma kaaga jawaabay oo bishimaha ma dhaqaajiyey mise waa
maya". Ka dib meel u dhow ayaan inta ku
tukado fiirmada ku xadayey, markii aan
salaadda u jeestana wuu i fiirinayey,
markii aan dhiniciisa milicsadana wuu
iga jeesanayey. Markii ay muddadii (nala gooyey)
ila dheeraatay ayaan (maalin) waxa aan
tegay derbiga beertii Abii Qataada oo in
adeerkay ahaa, dadkana aan ugu jeclaa,
markaas ayaan salaamay, Ilaah baan ku
dhaartaye iima celin salaantii, markaas ayaan ku iri "Ilaah baan kugu dhaarshaye
Abii Qataadow miyaadan ogeyn in aan
Ilaahay iyo Rasuulkiisa jeclahay?', wuu iga
aamusay, markaas ayaan ku celiyey oo
dhaariyey, haddana wuu aamusay, mar
saddexaad ayaan ku celiyey, markaas ayuu yiri "Ilaah iyo Rasuulkiisa ayaa u
ogaal badan (in aad jeceshahay)",
markaas ayey indhahaygii shubmeen
(ooyey) oo aan iskaga tegey. Goor aan suuqii Madiina si marayo
ayaan arkay Nin reer Shaam ah oo ka mid
ahaa kuwo cunto Madiina keensaday oo
leh "yaa i tusinaya Kacab binu Maalik",
markaas ayey dadkii ii soo tilmaameen
illaa uu iiga yimid oo ii dhiibay waraaq ka socota boqorkii Qasaan. Waxaan akhriyey
wixii ku qornaa oo aha "intaas ka dib
waxaa i soo gaartay in saaxiibkaa
(Rasuulk SCW) uu ku gooyey, Allena kuma
yeelin daar dulli ah ee na soo haleel aan
ku darajeynee", markii aan dhammeeyey ayaan iri "tanina imtixaanka ayey ka mid
tahay", markaas ayaan gubay warqaddii. Kacab oo sheekadiisi wata wuxuu
yiri "Markii ay dhammatay 40 habeen oo
50kii habeen ka mdi aha ayaa waxaa ii
yimid adeege uu Rasuulku SCW ii soo
diray , wuxuuna igu yiri "Rasuulkii Alle
wuxuu ku amrayaa in aad xaaskaaga ka dheeraatid", markaas ayaan iri "maxaan
sameeyaa, miyaan furaa?", wuxuu yiri
"maa ee ka fogow oo ha u dhowaan",
saaxiibadayna waa loo cid diray oo sidaas
oo kale ayaa loo sheegay. Waxaan
markaas xaaskaygii ku iri "u tag reerkiina oo la joog inta Alle ka
xukumayo arrinkaan", haweentii Hilaal
ayaa markaas Rasuulka SCW u tagtay oo
ku tiri "Rasuulkii Allow Hilaal binu Umaya
waa odey dayacan oo aan khaadim lahayn
ee ma kahanaysaa haddii aan u adeego?", markaas ayaa Rasuulku SCW
yiri "maya, laakiinse yuusan kuu
dhowaan", waxay tiri "Ilaah baan ku
dhaartaye kama suulin in uu ooyayo
(Hilal) laga soo bilaabo markii uu amarku
ahaaday ilaa maalinkiisan (maanta). Dad cidahayga ka mid aha ayaa igu
yiri "haddii aad Rasuulka SCW uga idan
qaadan lahayd xaaskaaga sida haweenka
Hilaalba ay uga idan qaadatay
khidmayntisa", markaas ayaan ku iri "uga
idan qaadan maayo, maxaa i ogeysiiyey waxa uu i dhihi doono Rasuulka Alle
markaan uga idan qaato aniga oo nin
dhallinyaro ah". Markii aan 10 habeen sii
joognay ayaa subaxdii 50aad guri
guryahaygii ka mid ah ku tukaday
salaaddii fajar aniga oo siduu Alle nagu sheegay u fadhiya oo naftaydii igu
ciriirsantay, dhulkiina igu yaraaday waxa
aan maqlay cod ka dhawaaqaya (buurta)
oo codkiisii ugu sarreeyey ku leh "Kacab
binu Maalikow bishaarayso", markaas
ayaan sujud la dhacay, waxaana aqoonsaday in u faraj yimid, Rasuulkuna
SCW wuxuu dadkii ogeysiiyey
towbaddayadii markii uu salaaddii subax
tukaday, markaas ayey dadkii baxeen
iyaga oo noo bishaaraynaya,
saaxiibadayna waxaa aaday kuwo u bishaaraynaya, anigana waxaa i soo
aaday nin faras saaran. Nin kale oo reer
Aslam ahna wuxuu u soo orday
dhinacayga oo wuxuu fuulay buur,
codkiisii ayaana ka soo dheereeyey
faraskii. Markii uu ii yimid kii aan codkiisa maqlay ayaan u siibay
maradaydii oo ku dhareeyey
bishaaradiisa darteed, Ilaah baan ku
dhaartaye maalinkaasna maryo kale
haysan, waxaan soo caariyeystay labo
maro oo ka dib soo aaday Rasuulka SCW. Dadkii ayaan markaas iila kulmay koox
koox iyaga oo iigu bishaaraynaya
towbada Alle ilaa an masaajidka ka
galay oo arkay Rasuuulkii Alle oo ay
dadku hareerihiisa fadhiyaan, markaas
ayuu Dalxa binu Cubeydillaah istaagay oo ii tahniyadeeyey, Ilaah baan ku dhaartaye
nin kale oo muhaajiriin ka mid ah ma
istaagin". Kacab wuxuu ahaa mid aan
Dalxa hilmaamin. Kacab wuxuu yiri "markii aan
Rasuulkii Alle salaamay, isaga oo
farxaddu wejigiisa ka ifayso ayuu igu yiri
"ku bishaarayso kheyr (kii ugu waynaa)
maalin ku soo marta ilaa iyo markii ay
hooyadaa ku dhashay", markaas ayaan iri "Rasuulkii Allow ma xaggaagaa mise
xagga Rabbi?", wuxuu yiri "maya ee waa
xagga Allaah", Rasuulka Allaahna wuxuu
ahaa (mid) markii uu farxo wejigiisu uu
iftiimi jirey ilaa uu ka noqdo gobal dayax
ah oo kale. Markii aan Rasuulka SCW soo horfariistay ayaan ku iri "Rasuulkii Allow
towbaddayda darteed ma uga siibtaa
maalkayga sadaqo Alle iyo Rasuulkiisa?",
wuxuu yiri Rasuulku SCW "hayso
maalkaaga qaarkis, sidaas ayaa kuu
kheyr badane", markaas ayaan iri "waxa aan haysanayaa sahmigaygii Khaybar". Ka
dib waxa aan iri "Rasuulkii Allow Ilaah
kor ahaaye wuxuu igu badbaadiyey
runtaydii, towbaddaydana waxaa ka mid
ah in aan inta aan noolahay wax aan run
ahayn sheegin. Ilaah baan ku dhaartaye ma ogi qof muslimiinta ka mid ah oo Alle
ku imtixaamay run sheegid oo ka
wanaagsan wixii uu Alle igu imtixaanay
laga soo bilaabo markii aan arrinkaas
Rasuulka SCW u sheegay. Ilaah baan ku
dhaartaye uma qasdan been laga soo bilaabo markii aan arrinkaas Rassuulka
SCW ku iri ila maanta, waxa aan
rajaynayaana in Alle iga xifdiyo (beenta)
inta ii dhiman Cimrigayga. Aayadihii uu Allaah SW ku soo
dejiyeyn towbada saddexdaas nin iyo
asxaabtii kaleba waxa ay ahaayeen
kuwan. ((ALLE WAXA UU KA TAWBAD AQBALAY
NABIGA, MUHAAJIRIIN IYO ANSAARTII
RAACDAY WAQTIGII CULAYSKA KA DIB
MARKII AY U DHAWAATAY IN AY IILATO
KOOX KA MID AH QULUUBTOOD,
DABADEEDNA UU KA TAWBAD AQBALAY, WUXUUNA AHAADAY ALLE MID U TURA
IYAGA OO U NAXARIISTA, (SIDOO KALE
WAXAA UU ALLE KA TAWBAD AQBALAY)
SADEXDII LA DIB DHIGAY ILAA UU KAGA
CIRIIRYAWMAY DHULKII ISAGOO WAASIC
AH, KUNA CIRIIRYAWMAY DHULKII, UNA MALEEYEEN (YAQIINSADEEN) INAYSAN
JIRIN MEEL ALLE LAGA MAGAN GALO
ISAGA MA AHANE, KA DIBNA UU KA
TAWBAD AQBALAY OO AY TAWBAD
KEENAAN, ALLENA WAXA UU AHAADAY
TAWBAD AQBALE NAXARIISTA)), (Suuratu-Tawbah 117-118). Kacab wuxuu yiri "Ilaah baan ku
dhaartaye Alle hore iiguma nimcayn
nimco nafsaddayda uga weyn runtii aan u
sheegay Rasuulka ka dib markii uu
islaamka Alle igu hanuuniyey". Allaahna
kor ahaaye markii uuu waxyiga soo dejiyey wuxuu u yiri kuwii
beenaalayaasha ahaa wixii uu qof u
yiraahdo kii ugu shar badnaa, wuxuuna
ku yiri qur'aankiisa: ((U DAMBI DHAF WAY DII AMA HA U
DAMBI DHAAF WAYDIIN HADDII AAD U
DAMBI DHAAF WAYDIISO TODOBAATAN
JEER ALLE U DAMBI DHAAFI MAAYO,
MAXAA YEELAY WAXA AY KU KUFRIYEEN
ALLE IYO RASUULKIISA, ALLENA MA HANUUNIYO QOOM FAASIQIIN AH)),
(Suuratu-Tawbah 80). Intaas ayuu ku dhamaaday
Duullaankii Tabuuk waxaana si
wanaagsan uga warrantay Suuratu-
Tawbah (Baraa' ), wuxuuna ahaa saan soo
sheegnayba duullaan uu Rasuulku SCW ka
qayb galo kii ugu dambeeyey uguna ciidan badnaa. Isla sannadkaa 9aad ee hijriga,
waxaa iyaguna dhacay dhowr arrimood
oo u baahan in wax laga tilmaamo, waxa
ayna kala ahaayeen: 1. Ka soo noqodkii Rasuulka SCW ee
duullaankii Tabuuk, waxaa dhacday
qisadii Licaanka ee dhex martay
Cuwaymir iyo xaaskiisii. 2. Waxaa la rajmiyey (dhagax lagu
dilay) haweentii Qaamidiya oo ahayd mid
ictiraaftay in ay faaxisho (sino) ku
dhacdo, waxaana la rajmiyey markii ay
muddadii naas nuujinta ilmaheedu u
dhammaatay. 3. Waxaa geeriyooday Najaashe
(boqorkii Xabashida), wuxuuna Rasuulku
SCW ku tukaday janaaso (Salaatul-
Qaa'ib). 4. Waxaa la oofsaday gabadhii uu
Rasuulku SCW dhalay ee Ummu Kalthuum,
Rasuulkuna SCW aad ayuu uga
tiiraanyooday, wuxuuna Cusmaan binu
Cafaan oo gabadha qabay ku yiri "haddii
ay gabadh saddexaad ii joogi lahayd waan kuu guurin lahaa". 5. Waxaa dhintay madaxii
munaafiqiinta ee Cabdullaahi ibnu Ubay
ibnu Salool, Rasuulkuna SCW waa u dembi
dhaaf weydiyey oo wuxuu damcay in uu
ku tukado, markaas ayaa Cumar binu
Khadhaab ku dhegay oo ka joojiyey, ka dibna waxaa soo degay aayaddan
qur'aanka ah oo ayideysa ficilkii Cumar. ((HA KU TUKANIN AXAD KA MID AH OO
DHINTAY WALIGEED, HANA DUL IS
TAAGIN QABRIGIISA, LI'ANNA WAXA AY
KU KUFRIYEEN ALLE IYO RASUULKIISA,
WAXAYNA DHINTEEEN IYAGA OO
FAASIQIIN AH)), (Suuratu-Tawbah 8).
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete