Casharka 78aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW XAJKII ABUUBAKAR-SADDIIQ Rasuulku SCW markii uu ka soo noqday
duullaankii Tabuuk oo uu joogay labo
bilood, laguna jiro bishii Dul-Qacda ayuu
direy Abuubakar Al-siddiiq oo uu madax
uga dhigay xajka si dadka muslimiinta
ahi u soo gutaan camalkooda xajka. Abuubakar iyo dadkii la socday markii ay
bexeen ayaa waxaa soo degay bilowga
Suuratu-Tawbax oo ka hadlaysa xirir u
goynta gaalada, markaas ayuu Rasuulku
SCW ka daba diray Cali binu Abuu-Dhaalib
si uu u gaarsiiyo arrimaha ay suuraddu ka hadashay. Cali wuxuu Abuubakar iyo
dadkii la socday ku gaaray meesha la
yiraahdo Caraj, markaas ayaa Abuubakar
ku yiri "ma madax baad tahay (lagaa soo
dhigay) mise wax baa lagula soo diray",
Cali wuxuu yiri "wax baa la ila soo diray", ka dibna way baxeen, Makka markii la
gaarayna Abuubakar dadkii ayuu
xajisiiyey. Markii la gaaray maalinkii gowraca
(Yawmu-Naxri) ayaa Cali binu Abii-
Dhaalib istaagay meesha la yiraahdo
Jamratul-Caqaba oo dadkii ogeysiiyey
wixii la soo amray oo ahaa in gaalada oo
dhan xiriirka loo jaro, lana siiyo muddo afar bilood ah, kuwii heshiis la lahaa
muslimiinta iyo kuwii aan la lahaynba,
waxaa keliya oo laga soo reebay kuwii
aan heshiiskii muslimiinta waxba ka
nusqaamin, cid kale oo muslimiinta
cadow u ahna aan kaalmayn. Abuubakar wuxuu sidoo kale diray rag dadkii ku
dhex naadiya in uusan sannadkaas wixii
ka dambeeya mushrik soo xajin karin, qof
qaawanna xaramka dawaafi karin.
Xajkaas ayaana ugu dambeeeyey in
mushrikiin gaalnimo muujisanaysay ay dawaafaan Beytka Alle, ka dib Abuubakar
Madiina ayuu ku soo noqday. Xajkii ku xigey ee sannadkii 10aad ee
hijriga waxaa la oran jirey Xajatul-
Wadaac waxaana soo xajiyey Rasuulka
SCW iyo muslimiinta oo keliya sidaas
ayaana waxaa ku baab'ay shirkigii iyo
kufrigii Jasiiratul-Carab.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete