Sunday, 4 September 2011

CASHARKA 79AAD

Casharka 79aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW SANNADKII WUFUUDDA (CAAMUL
WUFUUD) Sidii aynu soo tilmaanay Fatxu-Makka
waxa ay ahayd arrinka kala saartay xaqii
iyo baadilkii, jirridahana u goysay
shirkigii iyo diin la'aanti ka jirtay
Khaliijul-Carab, waxaana suulay shakigii
ay dad badani ka qabeen Nabiga SCW iyo diinta Alle oo waxaa loo soo kala
tartamay markan diinta Alle, taasna
waxaan ka garanaynaa in ciidankii
muslimiin oo ahaa 10,000 duullaankii
Makka uu gaaray 30,000 duullaankii
Tabuuk, isla sannadkii ku xigey ee 10aadna waxa ay muslimiintu gaarayeen
100,000. Labadaas sano ee 9aad iyo
10aad waxaa islaamka soo galay dad ka
badan intii islaamtay 21kii sano ee ka
horreeyey, waxaana si is daba joog ah
Madiina ugu soo qulqulayey wafdiyo ka kala imaanayey magaalooyinkii iyo
baadiyihi Jasiiratul-Carab. Wufaaddaas oo ay culimada siiradu
gaarsiiyaan in ka badan 70, waxa aan soo
qaadanaynaa intii ugu muhiimsanayd
ama ay faa'idada taariikheed ku jirto,
waxa ayna kala ahaayeen: 1. WAFDIGII REER CABDI QAYS Reer Cabdi Qasy waxa ay lahaayeen labo
wafdi. Wafdiga hore waxaa uu yimid
sannadkii 5aad ee hijriga ama ka hor oo
nin iyaga ka dhashay oo l oran jirey
munqid binu Xiyaan ayaa ganacsi u soo
aaday Madiina, markii uu yimid ayuu ka war helay islaamka, ka dibna wuu
islaamay, Rasuulka SCW ayaa markaas
warqad ugu sii dhiibay reerkiisii, iyagiina
way islaameen, waxa ayna bishii
xurmada lahayd soo dirsadeen wafdi ka
kooban 13 ama 14 nin. Rasuulku SCW ayey wax ka waydiiyeen iimaanka iyo
weelasha lagu cabo (waxa lagu
sakhraamo). Waxaa hoggaamiye u ahaa
Ashjac Casari oo ahaa ninkii uu Rasuulku
SCW ku yiri "waxaad leedahay labo Khaslo
(sifo) oo Alle jecel yahay: Dulqaad iyo Kaadsiiyo". Wafdiga labaadna wuxuu yimid sannadkii
9aad ee hijriga, waxa ayna
dhammaayeen 40 nin oo uu ku jirey
Jaaruud binu Calaa oo ahaan jirey maxiixi
ka dibna islaamay, islaamkiisiina
wanaagsanaaday. 2. WAFDIGII REER DAWS Wafdigani wuxuu yimid Madiina bilowgii
sannadkii 7aad ee hijriga Rasulka SCW oo
ku maqan Khaybar. Waxaa jirtey in nin la
oran jirey Dufayl ibnu Camar Al-dawsi oo
qabiilkan ka tirsan uu islaamay intii uu
Rasuulku SCW Makka joogey, ka dibna wuxuu ku laabtay dadkiisii si uu islaamka
ugu yeero hase yeeshee way diideen,
markii uu ka quustay ayuu Rasuulka SCW
u yimid oo ka codsaday in uu reer Daws u
duceeyo, markaas ayaa Rasuulku SCW u
duceeyey oo yiri "Allahayow haniini reer Daws", markii uu ku laabtay ayey
islaameen. Wuxuu Dufayl markaas soo
kaxaystay 70 ama 80 reer oo qabiilkiisa
ka mid ahaa, waxayna yimaadeen
Madiina Rasuulka SCW oo Khaybar ku
maqan, ka dibna way ka daba tageen. 3. SOO ISLAAMIDDII FARWA BINU CAMAR
AL-JUDAMI Farwa binu Camar wuxuu ahaa
hoggaamiye carbeed oo ka mid ahaa
hoggaamiyayaashii roomaanka, wuxuuna
qaabbilsanaa carabtii raacsanayd
roomaanka, wuxuuna xukumayey meesha
la oran jirey Macaan oo Shaam ka tirsanayd. Farwa markii uu arkay
geesinnimada iyo adadkaanta
muslimiinta iyo weliba wacdarihii ay ka
muujiyeen dagaalkii Mu'ta ee sannadkii
8aad ee hijriga ayuu islaamka qaatay,
wuxuuna Rasuulka SCW u soo diray nin si uu u ogeysiiyo islaamnimadiisa, baqal
cadna wuu u soo hadiyeeyey Rasuulka
SCW. Markii ay roomaankii ogaadeen
islaamnimada Farwa ayey qabteen oo
xireen, ka dibna waxa ay kala
doorransiiyeen dhimasho iyo in uu
diintiisa ka noqdo, wuxuuse doortay
dhimasho, markaas ayey ku salbiyeen meel la oran jirey Cafraa oo dhulka
Falastiin ku taalla, halkaas ayeyna ku
dileen. 4. WAFDIGII SADDAA Wafdigani wuxuu yimid markii uu
Rasuulku SCW ka soo gaddoomay
Jacraana, sannadkii 8aad ee hijriga.
Rasuulka SCW ayaa ciidan 400 gaarayey u
direy meesha la oran jirey Sadaa oo
Yaman ka mid ahayd, markii uu ciidankii baxay oo gaaray meel la yiraahdo Sadru-
Qanaat ayaa waxaa ka war helay nin
qabiilkaa u dhashay oo la oran jirey
Siyaad binu Xaarith Al-sadaa'i, markaas
ayuu Rasuulka SCW soo aaday, markii uu
u yimidna wuxuu ku yiri "waxa aan u imid wafdi ahaan iyo in aan matalo cidda iga
dambaysa (tolkiis) ee soo celi ciidanka,
aniga ayaa kaaga mas'uul ah tolkeyga",
markaas ayuu Rasuulku SCW ciidankii ka
soo celiyey Sadru-Qanaat, Siyaadna
wuxuu u tegey qabiilkiisii oo jeclaysiiyey in ay u tagaan Rasuulka SCW, markaas
ayey wafdi soo dirsadeen. Wafdigaas oo
ka koobnaa 15 nin waxa ay Rasuulka SCW
kula mubaayacoodeen islaamka, ka dibna
waxa ay u laabteen reer koodii, waxa
ayna ugu yeereen islaamka ilaa uu islaamkii ku faafay dhexdoodii. 5. IMAANSHIHII KACAB BINU SUHAYR Kacab binu Suhayr wuxuu ahaa nin
gabyaa ah oo ka mid ahaa raggii carab
ugu caansanaa, wuxuuna gabaygiisa ugu
hanjabi jirey Rasuulka SCW. Markii uu
Rasuulku SCW ka soo gaddoomay
duullaankii Daa'if, sannadkii 8aad ee hijriga ayaa Jubayr binu Suhayr oo Kacab
walaalkiis ahaa u qoray waraaq uu ugu
sheegayo in Rasuulku SCW markii uu
Makka furtay uu laayey rag reer Makka
ahaa ee reer qureysh (ee gabayga
Rasuulka SCW ku dhibi jirey) ay jihooyinkii u kala carareen, marka wuxuu
ku yiri "haddii aad naftaada wax dan ah
ka leedahay Rasuulka SCW u imow maxaa
yeelay Rasuulku ma dilo qof u yimid isaga
oo toobad keen ah, haddiise aadan sidaas
yeelaynin magangal meeshii aad ku badbaadaysid". Muddo ayey labadaas nin
oo walaalaha ihi sidaas waraaqaha isu
dhaafsanayeen ilaa uu Kacab dhulkii ku
soo ciriirismay oo uu naftiisii u baqay,
markaas ayuu Madiina yimid, wuxuuna ku
soo degay nin muslimiinta ka mid ah. Ninkii ayuu salaaddii subax u soo raacay,
markii salaaddii laga baxay ayuu ninkii u
tilmaamay Rasuulkii Alle SCW, markaas
ayuu Kacab Rasuulka SCW soo ag fariistay
oo gacanta gacanta u saaray, kuna yiri
"Rasuulkii Allow Kacab binu Suhayr ayaan yimid isaga oo ku soo magan galay oo
toobad keenay, muslimna ah ee ma ka
aqbali haddii aan kuu keeno", Rasuulka
SCW oo aan Kacab aqoon u lahayn ayaa
yiri "haa", markaas ayuu Kacab yiri "waa
aniga Kacab binu Suhayr", markaas ayaa waxaa soo booday nin Ansaartii ka mid
ah oo Rasuulka SCW ka idan dalbay si
quurto ugu dheereeyo Kacab, waxaase uu
Rasuulka SCW ku yiri "dhaaf, wuxuu yimid
isaga oo toobad keenay oo ka
qoomameeyey wixii uu sameeyey", markaas ayuu Kacab tiriyey gabay uu ku
cudurdaaranayo, kuna ammaanayo
Rasuulka SCW, ka dibna wuxuu tiriyey mid
kale oo uu ku ammaanay Muhaajiriin
keliya maxaa yeelay Ansaar waxaa ka
mid ahaa ninkii dilkiisa u idan dalbayey hase yeeshee Kacab markii ay
islaamnimadiisu wanaagsanaatay ayuu
Ansaar u tiriyey ammaan ah. 6. WAFDIGII REER CUDRA Wafdigan wuxuu yimid bishii Safar,
sannadkii 9aad ee hijriga, wuxuuna ka
koobnaa 12 nin, wayna islaameen, waxa
ayna joogeen maalmo. Rasuulku SCW
wuxuu ugu bishaareeyey in Shaam la
furan doono, wuxuuna ka reebay wax su'aalidda curaafyada iyo gowracii ay u
gowraci jireen Allaah cid aan ahayn, ka
dibna way laabteen. Sida aynu arkayno Rasuulka SCW markii
ay qolo u timaado oo uu iimaanka ikyo
islaamkau sheego wuxuu u raacsiinayey
in uu ka reebo xumantii ay qolo kasta
caanka ku ahayd ama ugu badnayd
waana sida ku cad qur'aanka marka uu tilmaamayo qisooyinka Rususha. Taas
micneheedu ma aha in xumaatooyinka
kale aan la iska reebin ee waxa ay tahay
in ay habboon tahay in qofka laga reebo
xumaatada uu ku jiro intii laga reebi
lahaa mid uusan kuba jirin. 7. WAFDIGII REER BALII Waxa uu wafidgani Rasuulka SCW u yimid
bishii Rabbiicul-Awal, sannadkii 9aad ee
hijriga, ka dibna way islaameen,
Madiinana waxa ay joogeen saddex beri.
Ninkii madaxda u ahaa oo la oran jirey
Abuu Dabiib wuxuu Rasuulka SCW weydiiyey in ajar laga helayo marti
soorka, Rasuulkuna SCW wuxuu ku yiri
"haa, wanaag kasta oo uu sameeyo qof
faqiir ama hodan ihi waa sadaqo". Wuxuu
haddana Abuu Dabiib su'aalay muddada
marti soorka, Rasuulku SCW wuxuu yiri "waa saddex beri". Su'aal saddexaad
wuxuu Abuu Dibiib ka weydiiyey baadida
ariga, markaas ayuu Rasuulku SCW yiri
"waxaa iska leh adiga ama walaalkaa (kii
ay ka luntay) ama dhurwaa", geela
baadida ah ayuu haddana su'aalay, Rasuulkuna SCW wuxuu yiri "iska dhaaf
ilaa qofkii lahaa uu ka helo". 8. WAFDIGII REER THAQIIF Reer Thaqiif oo ahaa qabiilkii deganaa
magaalada Daa'if waxa auu Wafdigoodu
Rasuulka SCW u yimid bishii Ramadaan,
sannadkii 9aad ee hijriga. Sidii aan soo
sheegnay Rasuulku SCW waa tii uu
hijrada ka hor Daa'if ugu tegey reer Thaqiif oo islaamka ugu yeeray hase
yeeshee ay diideen oo Rasuulka SCW dhib
soo marsiiyeen. Furashadii Makka ka dib
Rasuulku SCW waa tii uu ku duullay
Xunayn iyo Daa'if, markii uu ka soo
laabtay bishii Dul-Qacada ee sannadkii 8aad ee hijriga ayaa isaga oo aan weli
Madiina gaarin waxaa u yimid odeygii
reer Thaqiif ee Curwa ibnu Mascuud,
wuuna islaamay, ka dibna wuxuu ku
laabtay tolkiis oo uu islaamka ugu yeeray,
una malaynayey in ay raacayaan maxaa yeelay wuxuu ahaa nin ay jecel yihiin hase
yeeshee meel walba fallaar ayey ug asoo
tuureen ilaa ay ka dileen. Muddo ka dib markii ay arkeen in aysan
lahayn awood ay iskaga dhiciyaan
qabiillooyinkii ku hareeraysaa oo
islaamka raacay ayey isku raaceen in ay
Rasuulka SCW u cid dirsadaan. Waxa ay u
bandhigeen in uu Rasuulka SCW u aado nin la oran jirey Cabdiyaaliis binu Camar
hase ahaatee wuu ka diiday isaga oo ka
baqaya in markii uu soo noqdo ay u dilaan
sidii Curwa oo kale, wuxuuna ku yiri "ma
samaynayo arrinkaas ilaa aad rag igu
dartaan", markaas ayey ku dareen 5 nin oo uu ku jirey Cusmaan binu Abil-Caas Al-
thaqafi oo ahaa wiil dhalin yaro ah.
Markii ay Rasuulka SCW u yimaadeen ayuu
Rasuulku SCW khaymad (teendho) uga
dhisay dhinaca masaajidka si ay u
dhegaystaan qur'aanka oo u arkaan amrkii ay dadku tukanayaan. Rasuulku
SCW wuxuu ugu yeeray islaamka, hase
yeeshee ninkii madaxda u ahaa ayaa u
qoray Rasuulka SCW arrin uu rabo in uu ku
heshiisiiyo Rasuulka SCW iyo reer Thaqiif
taas oo ah in loo idmo reer Thaqiif sinada iyo Khamriga iyo in loo daayo
sanamkoodii Laata, asnamtoodana aysan
gacantooda ku jejebin. Rasuulku SCW
arrimahaas oo idil wuu ka diiday,
markaas ayey wada tashadeen hase
yeeshee ma aysan helin meel ay uga fakadaan isu dhiibidda Rasuulka SCW,
markaas ayey is dhiibeen oo islaamka
qaateen. Waxa ay Rasuulka SCW u
shardiyeen in uu la wareego duminta
Laata ee aysan iyagu gacantooda ula
tegin, Rasuulkuna SCW waa ka yeelay. Rasuulku SCW wuxuu u qoray warqad,
wuxuuna madax uga dhigay wiilkii ugu
yaraa ee Cusmaan binu Abil-Caas maxaa
yeelay isaga ayaa ugu dadaal badnaa
xagga fahamka islaamka iyo qur'aanka
oo maalin kasta ayuu Rasuulka SCW u tegi jirey oo ka baran jirey qur'aanka, diintana
wax ka weydiin jirey. Wafdigii waxa ay ku laabteen
reerahoodii waxa ayna ka qariyeen
xaqiiqadii oo dagaal ayey ku cabsi
geliyeen, waxa ayna u sheegeen in uu
Rasuulku SCW amray in ay joojiyaan
sinada, khamriga, ribada iyo xumaanta oo dhan haddii kale uu la dagaallamayo,
markaas ayey reer Thaqiif ficiloodeen oo
labo beri ama saddex beri sugayeen oo
diyaar u ahaayeen dagaal hase yeeshee
markii dambe ayaa Alle qulubtoodii ku
riday baqdin iyo argagax, waxa ayna wafdigii ku dheheen "noqda oo u
oggolaada Rasuulka SCW waxa uu rabo",
markaas ayey nimankii wafdiga ahaa u
sheegeen xaqiiqdii iyo wixii ay kula soo
heshiiyeen Rasuulka SCW, reer Thaqiifna
islaamkii ayuu qaatay. Ka dibna wuxuu Rasuulku SCW diray ciidan uu
hoggaaminayey Khaalid binu Waliid si uu
u soo dumiyo sanamkii Laata, markaas
ayey Khaalid iyo ciidankiisii baxeen oo
soo dumiyeen Laata, dhulkana la simeen,
ka dibna inta ay aasaaskiisii qodeen oo ay ka soo bixiyeen xuliyadihiisii iyo
dharkiisii, ayey reer Thaqiifna u sheegeen
in aan sanam iyo wixii Ilaahay ka soo
haray oo dhami aysan waxba tarayn,
markaas ayey reer Thaqiif quusteen oo
ogaadeen xaqiiqdii. Khaalid iyo raggiisii waxa ay markaa ku soo laabteen
Rasuulkii SCW iyo Madiina, waxa ayna u
keeneen xuliyadihii iyo wixii ay meesha
ka soo heleen, markaas ayuu Rasuulku
SCW u qaybiyey iyagii, Allaahna ku
mahdiyey guusha diinta Alle iyo ciribtirka shirkiga. Ka dib markii uu Rasuulku SCW dhintay oo
ay qabiillooyin badan ka riddoobeen
diinta islaamka ayey reer Thaqiif
go'aansadeen in ay diinta ka noqdaan.
Cusmaan Abil-Caas oo ahaa wiilkii uu
Rasuulku SCW mas'uulka uga dhigay ayaa yiri isaga oo la talinaya tolkiis "reer
Thaqiifow w3axa aad ahaydeen dadkii
ugu dambeeyey islaamka ee ha noqonina
kuwa ugu horreeya oo ka baxa". markaas
ayey ka joogsadeen gaalnimadii oo
islaamkii ku sugnaadeen. 9. WAFDIGII REER BANII FASAARA Wafdigani wuxuu Rasuulka SCW u yimid
sannadkii 9aad ee hijriga, markii uu
Rasuulku SCW ka soo laabtay Tabuuk,
waxa ayna ahaayeen dhowr iyo toban nin,
waxa ayna yimaadeen iyaga oo islaamka
qiraya, dabadeedna waxa ay Rasuulka SCW u sheegteen abaar daran oo
dhulkooda heshay, markaas ayuu
Rasuulku SCW memberka fuulay oo Alle u
baryey. 10. WAFDIGII REER NAJRAAN Waxa uu wafdigani Rasulka SCW u yimid
sannadkii 9aad ee hijriga, waxa ayna
dhammaayeen 60 nin oo ay ku jiraan
odayaashoodii iyo madaxdoodii. Najraan
wuxuu ahaa dhul ballaaran o ka kooban
73 magaalo oo u dhexeeyey Makka iyo Yaman, waxaana dadkaan u dagaal geli
jirey 100,000 oo nin, waxa ay na hasteen
diinta masiixiga. Wafdigan markii uu Madiina yimid ayaa
Rasuulku SCW la kulmay oo islaamka ugu
yeeray, qur'aankana ku dul akhriyey hase
yeeshee way diideen, waxa ayna
Rasuulka SCW weydiiyeen waxa u ka
aaminsan yahay Nabi Ciise, markaas ayaa waxaa Nabiga ku soo degay aayadahan: ((TILMAANTA CIISE ALLE WAA SIDA
(NABI) AADAM, WUXUU KA ABUURAY CIID
MARKAASUU U YIRI AHOW WAANA
AHAADAY, XAQU RABBIGAA BUU KA
AHAADAY EE HA NOQONIN KUWA
SHAKIYA, CIDDII KUGULA DOODDA MARKUU CILMIGU KUU YIMID KA DIB
WAXAAD TIRAAHDAA KAALAYA AAN U
YEERANNO CARUURTAYADA IYO
CARUURTIINA HAWEENKAYAGA IYO
HAWEENKIINA IYO NAFTAYADA IYO
NAFTIINA, DABADEEDNA AAN HABAARTANNO OO AAN YEELNO
NACALADDA ALLE BEENAALAYAASHA
DUSHOODA)), (Suuratu Aali-Cimraan
59-61). Rasuulku SCW markii uu maalinkii dambe
waaberiistay ayuu u sheegay arrinka Nabi
Ciise iyo tilmaamaha ay ka bixiyeen
aayaduhu, ka dibna wuu ka tegey
maalinkaa si ay uga soo fekeraan arrinka
hase yeeshee way diideen in ay qiraan waxa uu qur'aanku ka sheegay Nabi Ciise. Markii ay islaamkii diideen ayuu subaxdii
dambe Rasuulku SCW isaga oo fulinaya
arrinta ay aayaddu timaantay oo ah
mubaahalada (habaartanka) ayuu
nimankii ugu yeeray habaartan, wuxuuna
soo kaxaystay gabadhiisii Faadumo iyo labadeedii wiil Xasan iyo Xuseen hase
yeeshee nimankii markii ay arkeen in ay
arrintu dhab ka tahay Rasuulka SCW aye
baqeen, ka dibna inta ay tashadeen ayey
isu yiraahdeen "yaannaan samayn
(habaartanka). Ilaah baan ku dhaarannaye haddii uu nabi yahay oo uu
na naclado waxba inaga hari maayaan
innaga iyo ciribteenaba", dabdeedna
Rasuulka SCW ayey u yimaadeen oo
amarkoodii u bandhigeen, waxa ayna ku
dheheen "wixii aad na weydiisato ayaan ku siinaynaa (oo jisyo ah)", Rasuulkuna
SCW jisyadii ayuu ka yeelay wuuna la
heshiiyey, wuxuuna kula heshiiye 2,000
oo xuliyadood in ay bixiyaan oo 1,000
bixiyaan bisha Rajab, kunka kalena bisha
Safar, wuxuuna siiyey magan gelyada Alle iyo Rasulka SCW, wuxuuna u qoray
warqad. Ka dib waxa ay Rasuulka SCW ka
dalbadeen in uu ku daro Abuu Cubeyda
ibnu Jarraax si loogu soo dhiibo malkii
lagu heshiiyey. Dabadeedna islaamkiii
ayaa ku faafay oo ummad badan ayaa islaamtay, markaas ayuu Rasuulku SCW u
diray Cali binu Abii-dhaalib si uu
muslimiinta uga soo ururiyo sakada,
gaaladana uga soo qaado jisyada. 11. WARQADDII BOQORRADI YAMAN Markii uu Rasuulku SCW ka soo laabtay
duullaankii Tabuuk ayaa waxaa u yimid
warqad ay soo direen boqorradii Xumayr
o kala ahaa: Xaarith binu Cabdi-kilaal,
Nucaym binu Cabdi-Kilaal, Nucmaan binu
Qiil, Hamdaan iyo Mucaafir. Ninki ay Rasuulka SCW u soo direen waxaa la oran
jirey Maalik binu Murra. Waxa ayna
ninkaas u soo direen si ay u ogeysiiyaan
Rasuulka SCW in ay islaamka qaateen oo
shirkigii iyo gaalnimadii ka baxeen,
Rasuulkuna SCW wuxuu u qoray warqad uu ku caddeeyey waxa ay muslimiint
leeyihiin iyo waxa dushooda ah, gaalada
heshiiska lala leeyahayna wuxuu siiyey
maganta Alle iyo tan Rasuulka SCW haddii
ay bixiyaan waxa laga rabo oo jisyada ah,
wuxuuna u diray dhulkooda rag asxaabta ka mid ah si ay dacwada islaamka ugu
faafiyaan, raggaas waxaa madax u ahaa
Mucaad binu Jabal. 12. WARQADDII MUSAYLAMATUL-
KADDAAB Ninkii la oran jirey Musaylama binu Xabiib
oo xukumayey Yamaama wuxuu ahaa nin
aad u shar badan , sheegtayna in uu yahay
nabi, wuxuuna Rasulka SCW u soo diray
warqaddan: Ka socota Musaylama, (Rasuulkii Alle) Ku socota Maxammed, Rasuulkii Alle Nabadgelyo dushaada ha ahaato intaas
ka dib waan kula wadaagsaday amarka
(nabinnimada), annagu waxa aan
leenahay dhulka nuskiis, qureyshna nuska
kale laakiin qureysh waa dad xad gudbay. Warqaddaas wuxuu u soo dhiibay labo
nin, marki ay Rasuulka SCW u keeneen
ayuu Rasuulku SCW ku yiri "maxaad ka
aamminsan tihiin (ninkaas)?", markaas
ayey yiraahdeen "waxa aan ka
aamminsan nahay wixii uu yiri", wuxuu markaas Rasuulku SCW ku yiri "Ilaah baan
ku dhaartayey rusushu in aysan wax dilin
haddii aysan ahayn qoorta ayaan idinka
goyn lahaa", ka dibna wuxuu Rasuulku
SCW u qoray ninkaas warqaddan: BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM Ka socota Maxammed, Rasuulkii Alle Ku socota Musaylamatul-Kiddaab
(beenlow) Nabadgelyo qofkii hanuunka raaca
dushiisa ha ahaato Inaas ka dib dhulka Allaah ayaa iska leh
ciddii uu doono oo addoomadiisa ka mid
ah ayuuna dhaxalsiinayaa, ciribta
dambena waxaa iska leh Mutaqiinta
(kuwa Alle ka baqa). Waqtiga uu Rasuulku SCW ninkaas
warqadda u qoray wuxuu ahaa sannadkii
10aad ee hijriga, muddo yar ka dibna
Rasuulka SCW waa la oofsaday hase
yeeshee waqtigii Abuubakar ayaa
ninkaas beenlowga ah dagaal lagu qaaday oo la dilay

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete