Monday, 5 September 2011

CASHARKA 7AAD

Casharka 7aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DHISITAANKII KACBADA Sida la sheego waxaa la yidhaahdaa
kacbada waxaa dhisay malaa'ig ama Nebi
Aadam laakiin Qur'aanka iyo axaaddiista
midna kama hadlin arrinkaas, sidaa
darteed waxaa xaqiiqo ah oo Qur'aanka
iyo axaaaddiistuba sheegeen in Nabi Ibraahiim iyo wiilkiisa Nabi Ismaaciil ay
dhiseen. Waqtigii qureysheed, Nebiga oo
35 sano jira ah ayey qureysh waxay
dheheen kacbadii maaddaama ay
duugowday waa in aan dhisnaa oo aan
maal u ururinaa, waxayna isku dhaarsadeen in aysan kacbada ku dhisin
illaa wax xalaal ah maahane iyo in aysan
gelin naag saaniyad ah xoolaheeda iyo
xoolo Riba ah iyo wax qof bani aadam ah
laga dulmiyey. Nimankii qureysheed markii ay kacbada
dhisaayeen waxaa ka go'ay xoolihii
xalaasha ahaa ee ay haysteen sidaa
daraaddeed waa ay ka soo soka mariyeen
kacbada dhismihii Nabi Ibraahim labada
tiir ee Shaam xigay. Markii ay dhismihii dhammeeyeen ayey isku khilaafeen ciddii
xajarul-aswadka booskiisii dhigi lahayd
maxaa yeelay qabiil walba wuxuu rabay
inuu isagu magaca qaato. Markuu arrinku qir iyo qir daadhey ayey
waxay go'aansadeen qofka ugu horreeya
ee albaabkaas ka soo galaa inuu kala
saaro. Nasiib wanaag qofkii ugu
horreeyey ee albaabkii ka soo glay wuxuu
noqday Nabiga SCW markaas bay ku farxeen oo waxay dheheen waa Max'ed
Aammiin kulligayo raalli baan ka nahay.
Arrinkii bay Nagiba SCW u sheegeen
markaas buu wuxu yir: "ii keena go",
markii go'ii loo keenay buu yiri: "qabiil
walba nin ha keeno" markii qabiil kasta nin keenay ayuu dhagaxii go'ii ku dhex
riday nin walbana uu dhinac qabtay,
markii meeshii la gaarsiyeyna intuu kor u
qaaday ayuu saaray. Arrintaan oo kale meelaha ay qureyshtu
ku dhaantey dad badan oo maanta islaam
u nasab sheeganaya maxaa yeelay
qureyshi waxay garatay in cibaadada Alle
iyo beytkiisa aan lagu dhisin xoolo
xaaraam ah laakiin in badan oo muslimiin ahi waxaa laga yaabaa ineysan
taas fahmin oo cibaadada ilaahay ay
xaaraam u adeegsadaan, wax badan oo
khayr ahna ay xaaraam geliyaan sida
masaajiddada iwm. Sidoo kale Ilaah way rumeysnaayeen, sida
marka la yidhaahdo yaa abuuray cirka iyo
dhulka, idinkana yaa idin irsaaqa,
roobkana yaa keena waxay dhihi jireen
"Allaah". Asnaamtana waa ay ogaayeen
in aysan Ilaahyo ahayn laakiin waxay u sameeyeen suurado dad wanwanaagsan
sida Nabi Ibraahiim iyo Nabi Ismaciil
waxayna dhihi jireen Ilaah baannu ugu
dhowaaneynaa, sida maantaba dadka u
yiraahdaan awliyada Ilaah baannu ugu
dhawaaneynaa. Sidoo kale markay ku safraan badda oo dhibi ku timaaddo
Ilaahay ayey baryi jireen, laakiin maanta
dad muslimiin sheeganaya ayaa hadday
dhibi ku timaaddo awliyada keliya
baryaya ama Ilaah iyo awliyada amaba
Ilaah iyo Nabiga SCW.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete