Casharka 80aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW XAJATUL WADAAC Markii la marayo bishii Dul-Qacda,
sannadkii 10aad ee hijriga ayaa Rasuulku
SCW ogeysiiyey dadkii muslimiinta ahaa
in uu aadayo xaj. Markii waqtigii xajka la
gaaray ayuu Rasuulku SCW ka soo baxay
Madiina iyada oo ay 5 beri ka dhiman tahay bishii Dul-Qacda, wuxuuna sii
lebbistay dharkii xajka, hadyigiisiina wuu
soo qoor xiray. Waxaa Madiina ka soo
raacay muslimiint aad u tiro badan, sidoo
kale dhammaan dhulkii kale ee
muslimiintu degganaayeen waa laga soo baxay iyada oo lagu soo ururayo Makka si
xajka loo guto. Rasuulku SCW wuxuu Madiina ka soo
baxay markii uu tukaday xalaaddii duhur,
ka dibna wuxuu degay meesha la
yiraahdo Dul-Xuleyfa, halkaas oo uu ku
tukaday salaadii casar, habeenkaasna uu
u hoday. Markii maalinkii dambe la gaarayna inta uu uu qubaystay oo
dhiibaystay (is carfiyey) ayuu salaaddii
duhur tukaday, ka dibna isaga iyo
asxaabtii waxay ay xirteen xaj iyo cumro,
dabadeedna way baxeen o waxa ay
aadeen Makka. Markii ay Rasuulka SCW iyo dadkii la
socday Makka gaareen waxa ay ku
degeen meesha la yiraahdo Dii-dhuwan,
halkaas oo ay habeenkii baryeen,
dabadeedna markii ay salaaddii subax
tukadeen ayuu Rasuulku SCW qubeystay oo magaaladi Makka galay, maalinkaas
oo ahaa maalin Axad ah, 4tii Dul-Xaj,
sannadkii 10aad ee hijriga. Rasuulku SCW
wuxuu markaas galay xaramkii oo
dawaafay Beytka, ka dibna orday Safwa
iyo Marwa (dhexdooda). Ka dib wuxuu degay Xujuum, mana xalaal noqon
Rasuulku SCW maxaa yeelay wuxuu
Rasuulku SCW waday hadyi, wuxuuna
asxaabta u sheegay in qofkii hadyi wada
sidiisa oo kale uusan xalaal noqonayn ilaa
laga gaaro maalinka 10aad oo xajku u dhammaado, qofkii aan hadyi wadinna
gaabsado ka dibna uu Beytka dawaafo,
Safwa iyo Marwana ordo, timahana
gaabsado ka dibna uu xalaal noqdo oo
wixii xaaraanta ka ahaa inta xajka lagu
jiro oo dhan ay xalaal u yihiin ilaa laga gaaro maalinka 8aad ee xajka
bilaabanayo, wuxuuna yiri Rasuulku SCW
"haddii aanan hadyi wadi lahayn waan
xalaal noqon lahaa", sidoo darteed ayaa
muslimintii aan hadyiga wadin u xalaal
noqdeen ilaa laga gaaray maalinkii 8aad. Waxaana Madiina hadyi ka keenay
Rasuulka SCW iyo Abuu Dalxa oo keliya. Maalinkii 8aad oo xajku bilaabanayey
markii la gaaray waxuu Rasuulku SCW
aaday Muna halkaas oo uu ku tukaday
salaaddii duhur ilaa laga gaaray salaaddii
subax ee maalinkii 9aad. Ka dibna markii
ay qorraxdii bartamaha gaadhey. Dabadeedna intuu tegey togga dhexdiisa
ayuu u khudbeeyey muslimiinti xajjka ka
soo qayb gashay oo gaareysey 122,000
waxaa kaloo la yiraahdaa waxay
gaarayeen 144,000. Khudbaddii Rasuulku
SCW waxa ay ahayd sidatan: Dadow dhegaysta hadalkayga waxaa la
arkaa in aanan sannadkan ka dib idinkula
kulmin halkaan. Dhiiggiina iyo
maalkiinnu xaaraam ayuu iska yahay sida
xurmo ahaanshaha maalinkiinnan
(carafo) oo kale, bishiinnaan oo kale (Dul- Xaj), biledkiinnaan oo kale (Makka). War
hooy wax walba oo arrin jaahili ahaa
lugtayda hoosteeda ayuu ahaaday,
dhiiggii jaahiliga (oo la kala qabay) ma
jiro, Allaahna uga cabsada dumarka,
waxa aad ku haysataan (haweenka) ammaanadii Alle, waxa aadna ku
xalaalaysateen farjigooda kalimadda
Alle, waxa aad ku leedihiin (haweenka)
in aysan gogoshiinna u oggolaan axad
aad kahanaysaan, haddiise ay sameeyaan
garaaca garaacitaan aan wax yeelin. Iyaguna (haweenka) waxa ay idinku
leeyihiin masaariiftooda iyo
marashadooda si wanaagsan. Dadow
Nabi igama dambeeyo, ummadna
idinkama dambayso. War hooy Rabbigiin
caabuda oo shantiinna (salaadood) tukada, bishiinnana (Ramadaan) sooma,
maalkiinnana sakada ka bixiya naftiinna
oo ku raalli ah, Rabbigiin Beytkiisana u
xajiya, madaxdiinnana adeeca (wixii
islaamka waafaqsan), jannada Rabbigiin
ayaad gelaysaan (haddii intaas la idinka helo). Waxa aan dhexdiinna uga tegay labo shey
oo haddii aad qabsataan aydaan
gadaashay lumayn: waana Kitaabka Alle
iyo Sunnadayda. Waana la idinkay
weydiin doonaa (aakhiro) ee maxaad
dhahaysaan? (waxay dheheen "waxa aan qiraynaa in aad gaarsiisay (diinta) oo aad
gudatay (risaaladii), aadna
nasteexaysay). Wuxuu markaas Rasuulku
SCW saddex jeer yiri "Allahayow ka
markhaati noqo". Hadalka Rasuulka SCW waxaa dadka
gaarsiinayey Rabbiic binu Umaya binu
Khalaf. Markii uu Rasuulku SCW
khudbaddii dhammeeyey ayaa waxaa soo
degay aayaddan caddaynaysa in diintii la
kaamil yeelay: ((MAANTA AYAAN IDIIN KAAMIL YEELAY
DIINTIINII, KUNA TAAM YEELAY
KORKIINA NIMCADAYDII, WAXAANA
IDINKAGA RAALI NOQDAY ISLAAMKA
DIIN AHAAN)), (Suuratul-Maa'idah 3). Markii ay aayaddaasi soo degtay ayaa
waxaa ooyey Abuubakar-siddiiq, markaas
ayaa la yiri "maxaa kaa oohiyey?", wuxuu
yiri "shey haddii uu kaamil noqdo, waxaa
bilaabanaya nusqaantiisa". Ka dib waxaa
addimay oo aqimay Bilaal, salaaddii duhur ayaana la tukaday, markii laga
baxayna waxaa la aqimay oo la tukaday
salaaddii casar. Habeenkii ayaa markaa
loo dheelmaday Musdalifa, waxaana
Rasuulka SCW rakuubka la saarnaa
Usaama binu Seyd. Musdalifa markii la tegay aya makhribki iyo cishihii la wada
tukaday, waxaana loo yeelay hal addin iyo
labo aqim. Habeenkaasna waxa ay
baryeen Musdalifa ilaa uu fajarkii ka
dilaacay oo salaadii subax la tukaday. Ka
dib wuxuu rasuulku SCW tegey meesha la yiraahdo Mashcarul Xaraam oo uu Allaah
ku baryey. Waxa ay markaa Rasuulka SCW
iyo muslimiintu soo aadeen Muna,
maalinkaas oo ahaa maalinkii 10aad ee
acmaasha xajka badankeed la
samaynayey, waxaana Rasuulka SCW markii uu Muna u socday rakuubka la
saarnaa Fadli binu Cabbaas, waxa ayna
tageen meesha la yiraahdo Jasmratu-
Caqaba oo ay ku sameeyeen Rawyigii
(dhagax tuurashadii), wuxuuna Rasuulku
SCW tuuray toddoba dhagax, markii uu mid walba tuurayeyna wuu
takbiirsanayey. Rasuulku SCW wuxuu ku
yiri asxaabta intii la joogey Jamratu-
Caqaba "iga qaata manaasiktiinna (iga
barta xajkiinna), waxaa la arkaa in aanan
sannadkan ka dib xajinine", ka dbina Rasuulku SCW wuxuu sameeyey goracii oo
wuxuu gowracay 63 neef oo geel ah, ka
dibna Cali binu Abii-Dhaalib ayaa isna
gowracay 37 neef oo geel ah. Ka dib Rasuulku SCW wuxuu tegey
Xaramka oo uu Dawaafay, ka dibna
markii uu duhurkii soo tukaday ayuu u
tegey ilma Cabdi-Mudhalib oo xujeydii ka
waraabinaya samsamka, markaas ayuu
ku yiri "haddii aanan ka baqayn in la idinka qaado waa idinla shubi lahaa
(biyaha)", Cabbaas ayaa markaas
wiilkiisii Fadli ku yiri "u tag Ummu Fadli
oo Rasuulka biyo uu cabbo uga keen"
hase yeeshee Rasuulku SCW wuxuu
dalbaday in laga waraabiyo samsamka, waana la waraabiyey. Dadkii ayuu
markaa Rasuulku SCW maalinkaas u
jeediyey khudbad isaga oo saaran rakuub,
dadkuna ay qaar taagan iyo kuwo fadhiya
isugu jiraan, waxa ayna ahayd
khudbaddiisu sidatan: Samanku wuxuu u wareegsanayaa sidii
uu u wareegi jirey maalinkii Samawaatka
iyo dhulka la abuuray, sannadkuna waa
12 bilood, waxana ka mid ah afar xurmo
leh, saddex xiriirta: Dul-Qacda, Dul-Xaj iyo
Muxarram iyo Rajabtii reer Mudar ee u dhexaysay labada Jamaad iyo labad
Shacaan. Rasuulku SCW isaga oo hadalkiisii sii
wata wuxuu asxaabta ku yiri: "Waa
bishee tani?", waxa ay dheheen "Allaah
iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal badan",
wuxuu yiri "sow Dul-Xaj ma aha?", waxa
ay dheheen "haa". Wuxuu yiri "waa kuma beledkaani?", waxa ay dheheen "Allaah
iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal badan",
wuxuu yiri "sow Makka ma aha?", waxay
dheheen "haa". Wuxuu yiri "waa
maalinkee kani?" waxa ay dheheen
"Allaah iyo Rasuulkiisa ayaa u ogaal badan", wuxuu yiri "sow Yawmu-Naxri
ma aha?", waxaa la yiri "haa". Wuxuu yiri
"dhiiggiina, maalkiinna iyo cirdigiinnu
xaaraam buu kala yahay sida xurmada
maalinkiinnan oo kale, beledkiinnan oo
kale, bishiinnan oo kale. Waxaad la kulmi doontaan Rabbigiin wuxuuna idin
weyniin doonaa acmaashiinnii. War hooy
gadaashay ha u laabannina gaalo uu
qaarkiin qaarka kale luqunta ka
goynayo". Markii uu Rasuulku SCW
khudbadii dhammeeyey ayuu yiri "war ma idin gaarsiiyey?", markaas ayey
yiraahdeen "haa", wuxuu yiri "Allahayow
ka markhaati noqo. War hooy kan joogaa
kan maqan ha gaarsiiyo". Ka dib Rasuulku SCW markii uu xajkii
gutay isaga iyo muslimiintii ka soo qayb
galay xasjkaas, uuna la dardaarmay oo
sagootiyey ayuu ku laabtay Madiina
dhammaadkii Dul-Xaj, sannadkii 10aad
ee hijriga.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete