Monday, 5 September 2011

CASHARKA 8AAD

Casharka 8aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW SOO DIRITAANKII RASUULKA SCW Markii ugu horreysey ee Rasuulka uu
waxyiga ku bilaabanayey waxaa lagu
bilaabay riyo wanaagsan oo hurddada
ugu imaaneysey oo u cad sida oogga
waabberi oo kale. Riyaadaas waxay
socotey muddo lix bilood ah Rasuulku SCW wuxuu jecleystey inuu meel gaar ah ku
cibaadeysto wuxuuna tegi jirey god la
yiraahdo Qaaru Xiraa oo ku yaalley buurta
Nuur oo Makka laba mayl u jirta, halkaas
oo uu soo joogi jirey habeeenno intuu
sahaydiisa (cuntaddiisa) qaato, waxaa uu Rasuulka SCW ku
cibaadeysan jirey iney diintii Nabi
Ibraahiim aheyd iyo in kale ma kala
cadda, laakiinse waxaa cad in shirkigii
iyo asnaamtii taalley Khaliijul-carab uu
ilaahay ka dhowray uuna nacay. Wuxuu Nagiba SCW hadba sahaydiisa
qaato oo uu godkaas ku khalweeyaba,
maalinkii dambe ayaa Malag u yimid
wuxuuna ku yiri: "akhri", markaasuu
Nabigu SCW ku yiri: "wax ma akhriyo", ka
dib intuu qabtey oo majuujiyey ayuu mar labaad yiri: "akhri" Nabiguna wuxuu yiri:
"wax ma akhriyo", mar saddexaad intuu
qabtey ayuu yiri: "ku akhri magaca
Rabbigaagii abuuray (koonka), akhri
Rabbigaana waa kan sharafta lehe, oo
baray (dadka) qalimka, dadkana baray waxaysan ogeyn). (Suuratul-Calaaq 1-5)
Markaasuu Rasuulku ka daba akhriyey,
intaa ka dibna malagii waa uu tegey. Rasuulku SCW isagoo naxsan oo
wadnihiisu boodboodayo ayuu gurigiisii
yimid markaasuu ku yiri xaaskiisii
Khadiija: "I deda I deda" iyana wy dedday
ilaa uu argagaxii ka tegey, markii
naxdintii ka ba'day ayuu qisadii u sheegay Khadiija kuna yiri: "naftayda
ayaan maanta u baqay" markaasay tiri:
"ilaah baan ku dhaartaye Alle ku hoojin
maayo weligaa mxaa yeelay martidana
waad soortaa, xaqana waad u
kaalmaysaa", markaa ka dib ayey Khadiijo wadday Rasuulka SCW waxayna
u tageen Waraqata ibnu Nawfal oo ahaa
Khadiijo ina adeerkeed, diintii Nebi
Ciisena haystey ahaana nin oday ah oo
aad u da'weyn oo indho la'kuna turjumi
jiray kitaabka Injiil luuqadda Carabbiga. Markay u tegeen ayaa Khadiijo tiri: "ina
adeer bal dhegayso wiilka aad adeerka u
tahay", Waraqa wuxuu Nabiga ku yiri:
"maxaad aragtay?" markaasuu Rasuulku
SCW u sheegay qisadii. Waraqa markuu
qisadii dhegaystey ayuu fahmay arrintii wuxuuna yiri: "kaa kuu yimid waa kheyr
wadihii Nabi Muuse u imaan jirey"
wuxuuna intaa sii raaciyey
"shallaytadeydee maan noolaado marka
qoomkaagu ku bixinayo". Rasuulka SCW waxa uu la yaabay
wanaagga iyo jaceylka uu dadkiisa
dhexdiisa ku leeyahay iyo hadalkan ah
Makka ayaa laga saari doonaa,
markaasuu yiri: "oo ma i bixinayaan",
Warqaa wuxuu yiri: "Haa, qof lama imaan waxa aad la timid ilaa waa lala
colleytamay, haddii aan maalinkaa
gaarana waan kuu gargaari" hase
yeeshee Waraqa markaa ka dib muddo
badan ma sii noolaan, waxyigiina waa is
raacraacay. Ka dib Rasuulka SCW waxyigii muddo ayuu ka kala go'ay si argagaxu
uga tago, debadeed wuxuu yiri Rasuulka
SCW: "anigoo soconaya ayaan samada
markaan arkay malaggii Qaaru Xiraa iigu
yimid oo kursi ku fadhiya samada iyo
dhulka dhexdooda markaasaan ka argagaxay ilaa aan dhulka ku dhacay. Ka dib reerkaygii ayaan u tagay oo ku iri:
"I dede i deda" markaasay i dedeen. Alle
ayaa markaa soo dejiyey aayadahan:
"(NABIGA) IS DADAYOW, KAC OO DIG
RABBIGAANA WAYNEE, DHARKAAGAN
DAAHIRI, WAXA XUNNA KA HIJROOD" (sida asnaamta) (Suurat Al-
Mudathir) HABABKII UU WAXYIGU UGU IMAAN
JIRAY RASUULKA SCW wuxuu waxyigu ugu imaan jiray Rasuulka
SCW toddoba nooc oo kala ahaa sidatan: 1) Riyo wanaagsan oo hurdada ugu
imaanaysay, taasoo u caddayd sida oogga
waabberi waana tii waxyigu ugu
bilaabmay. 2) Arrimo uu malaggu qalbigiisa ku rido
isagoon malagii arag. 3) Malagga ayaa nin isugu soo matali jiray
oo la hadli jiray ilaa ay mararka qaarkood
asxaabtu ka arkeen. 4) Waxyiga ayaa ugu imaan jiray sida
qaylada gambaleelka waxayna taasi
ahayd habka ugu daran Rasuulka SCW ee
waxyiga ugu imaan jiray oo wuu dhididi
jiray. 5) Malagga ayaa ugu imaan jiray
suuraddiisii Alle abuuray oo u waxyoon
jiray, waxayna arrintaani dhacday labo
jeer sida ay tilmaantay suuratu
Wannajmi. 6) Alle ayaa uga waxyooday samawaadka
dushooda sida habeenkii la dheelmiyey
ee salaadaha lagu soo farad yeelay Alle
ayaa toos ula hadlay siduu Nabi Muuse ula
hadlay.

5 comments:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  2. Adakah anda mencari pinjaman perniagaan, pinjaman peribadi, gadai janji, kereta
    pinjaman pinjaman pelajar, pinjaman penyatuan hutang, pinjaman tidak bercagar, risiko
    modal, dll ... Anda berada di tempat yang tepat
    Penyelesaian pinjaman anda! Saya seorang pemberi pinjaman swasta yang meminjamkan
    Individu dan perniagaan pada kadar faedah yang rendah dan berpatutan
    Kadar faedah sebanyak 3%. Hubungi kami melalui e-mel: powerfinance7@gmail.com

    BORANG PERMOHONAN PINJAMAN
    **********************
    Nama penuh anda:
    Negara / Negeri:
    Jumlah Pinjaman:
    Tempoh
    Telefon:
    Pendapatan bulanan:
    Pendudukan:

    Menunggu tindak balas pantas anda.
    Semoga Allah memberkati anda.
    IBRAHIM MUSA
    kuasa Perkhidmatan Kewangan Pvt.
    Hubungi Kami Di: powerfinance7@gmail.com
    WhatsApp Nombor +919717357946

    ReplyDelete
  3. Are you looking for a business loan, personal loans, mortgages, car
    loans, student loans, debt consolidation loans, unsecured loans, risk
    capital, etc. ... You are in the right place
    Your loan solutions! I am a private lender who lends
    Individuals and businesses at a low interest rate and affordable
    Interest rate of 3%. Contact us by email: powerfinance7@gmail.com

    LOAN APPLICATION FORM
    **********************
    Your full name:
    Country/State:
    Loan Amount:
    Duration
    Phone:
    Monthly income:
    Occupation:

    Awaiting your swift response.
    May Allah bless you.
    IBRAHIM MUSA
    power Financial Service Pvt.
    Contact Us At :powerfinance7@gmail.com
    WhatsApp Number +919717357946

    ReplyDelete
  4. URGENT LOAN CONTACT US FOR INSTANT APPROVED

    Do you need a genuine Loan to settle your bills and startup
    business? contact us now with your details to get a good
    Loan at a low rate of 3% per Annual email us:
    Do you need Personal Finance?
    Business Cash Finance?
    Unsecured Finance
    Fast and Simple Finance?
    Quick Application Process?
    Finance. Services Rendered include,
    *Debt Consolidation Finance
    *Business Finance Services
    *Personal Finance services Help
    Please write back if interested with our interest rate ibrahimfahimmostafaloanfirm@gmail.com

    ReplyDelete
  5. Do you need a quick loan? Have you been denied a bank loan? Do you need a loan during this pandemic? interest rate of 3% no matter your location Do you need a loan to solve your financial problems? If so, then you are in luck because my company lends for a short time and the interest rate is low. If you are interested, Kindly reply to us at (Whats App) number:+918929509036 financialserviceoffer876@gmail.com

    ReplyDelete