Casharka 9aad ee Kitaabka Siirada
Nebiga Muhammed SCW DADKII DIINTA UGU SOO
HORREEYEY Rasuuka SCW markii Allaah subxaanahu
wataacaalaa soosaaraymas'uuliyaddaa
weynanka badan oo ah mid qof bini
aadan ah la saaro tii ugu cusleyd una
baahan juhdi, dadaal iyo sabir, waxa uu
bilaabay u qumitaankeedii isagoo ka bilaabaya meeshii laga soo direy ee
Makka oo ahayd xaruntii diinta ee
carbeed, kacbadiina ay ku taalley dadkii
ku noolaana ahaayeen dad aad uga fog
xaqa iyo islaamka. Wuxuu markaa
Rasuulku SCW markii ugu horreysey dacwadii ku bilaabay si qarsoodi ah
maxaa yeelay waxa dhici kari lahayd
haddii uu markii u horreysey kala dhex
kici lahaa inay dhib u keeni lahayd
dacwada, sidaa dareeed Allaha Xakiimka
ah ayaa ku ilhaamiyey Rasuulkiisa inuu bilowgii dacwada qarsoodi u guto,
waxayna dacwadu sidaa ku soo socotey
saddex sano. Ugu horreyntii wuxuu Rasuulku dacwada
ka bilaabay ehelkiis (gurigiisa),
qaraabadiis iyo saaxiibbadiis intii ugu
kheyrka badneyd ee uu wanaagga ku
yaqaanney isna lahaa wey ajiibayaan
xaqa. Waxaa dacwadii ajiibey oo noqday dadkii ugu horreeyey ee islaamka qaatay
xaaskiisii Khadiijo bintu Khuweylad,
saaxiibkiis Abubakar alsidiiq, mowlihiisii
Seyd binu Xaarith iyo ina adeerkiis Cali
binu Abii-dhaalib oo wiil yar ahaa. Ka dib Abubakar alsiddiiq oo ahaa nin
magac iyo sharaf ka leh Makka
dhexdeeda, ahaana nin ganacsade ah
ayaa markuu xaqa qaatey waxa uu
sameeyey habkii lagu yaqiin qofka
daaciga ah oo ahayd inuu markuuu xaqa qaato uu naftiisa ku tadbiiqiyo
dabadeedna dadka kale u gudbiyo, wuxuu
markaa Abuubakar dacwadii gaarsiiyey
qaar ka mid ahaa saaxiibbadiisii uu ku
kalsoonaa, waxaana isla markiiba
dacwadiisii ku islaamay shan saxaabi oo Ilaahay diintiisa ku ciseeyey kana mid
ahaa tobankii jannada loogu
bishaareeyey, waxayna kala ahaayeen: 1. Cusmaan Binu Cafaan
2. Subyr binu Cawaama
3. Cabdiraxmaan binu Cawf
4. Sacad binu abii waqaas
5. Dalxa binu Cubeydillah Ka dib waxaa ku soo xigsaday oo soo
islaamay Bilaal binu Rabaaxa, Abuu
Cubeyda Caamir ibnu Jarraax, Abuu
Salama binu Cabdilasa, Arqaam ibnu abii
Arqam, Cusmaan binu Madcuum iyo laba
walaalihiis ah Quddaama iyo Cabdullaahi, Cubeyda binu Xaarith binu Mudhalib,
Siciid binu Seyd iyo xaasikiisii Faadumo
bintu Khadaab (Cumar binu Khadhaab
walaalishiis), Khabaab ibnul-arat,
Cabdullaahi binu Mascuud iyo kuwo kale
waxaa uuna ibnu Haashim gaarsiiyey illaa 40 qof. Intaasoo dhan waxay ahaayeen
dadkii islaamka ugu horreeyey,
dabadeedna qof ayaa loo soo gelayey ilaa
uu
islaamkii magaaladii Makka ku fidey o
lagu sheekeystey. Odeyaashii qureysheed markii ay
maqleen arrinkaas dan kama gelin oo
waxay iska dhaadhiciyeen in Maxammed
raacay diin ka mid ah diimihii jirey sidii
markaa ka horba ay niman qureysh ka
mid ahi u raaceen diimihii kale, laakin markay maqleen in dad badani Nabi
Maxammed raaceen, maalin walbana ay
sii siyaadayaan ayay baraarugeen hase
yeeshee tallaabo weyn ma aysan qaadin
saddexdii sano ee dacwadu qarsoodiga
ahayd.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete